10/10/2025
Bogaadin iyo Amaan Ku Socota Culimada Soomaaliyeed Ee Casriyeysay Habka Waxbarashada cilmiga shareecada Islaamka.
Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, naxariis iyo nabadgelyo korkooda ha ahaato Rasuulkiisa Muxamed ๏ทบ, ehelkiisa iyo asxaabtiisa.
Waxaan halkan bogaadin iyo amaan gaar ah ugu dirayaa culimada Soomaaliyeed ee si xeeldheer u fahmay baahida bulshada maanta, una suurtageliyay in waxbarashadii cilmiga shareecada Islaamka ee h**e loogu baran jiray masaajidda iyo xalaqada la casriyeeyo, laguna beddelo nidaam online ah oo furan, joogto ah, isla markaana la jaanqaadaya noloshan casriga ah.
Wadaaddadan mudan waxay hormuud ka noqdeen in manhajyo nidaamsan, dawrooyin sanadle ama laba sanno soconaya la hirgeliyo, iyadoo mid walba xoogga lagu saaray fanniga uu ku takhasusay โ ha noqoto tafsiirka, caqiidada, xadiiska, fiqiga, iyo cilmiga barashada luuqadda carabiga..
Tallaabadan waxay iftiimisay dadaalka iyo hibada culimadeenna Soomaaliyeed ee doonaya in ay diinta Alle dadka u gaarsiiyaan si habaysan, fudud, isla markaana waqtiga iyo in masaafadu aanay caqabad noqon.
Culimadaasi waxay noqdeen tusaale u fiican sida diinteenna barakaysan loogu gudbin karo hab casri ah, iyada oo aan laga tegin asalka iyo xushmadii barashada cilmiga Islaamka.
Ilaahay ha barakeeyo dadaalkooda, ha u siyaadiyo cilmigooda, hana ka dhigo kuwo if iyo aakhiraba anfaca ummaddooda soomaaliyeed.
Mubarik Axmed-Siraji