Cumar shabaash

Cumar shabaash Kala Soco Warar barnaamijyo Warbixin Sugan. Youtube ka Facebookga iyo Tiktok Cumar shabbaash. Follow na Soo dheh Youtube Xog Raadis Tv
Mhadsanid.

26/04/2026

DEGDEG: Dollerka sara jooga iyo jiifka ba waan ku jaqaa, sida koobka shaaha ah waa in waxlaga qabtaa..

share and follow. 100k inagu dhoweeya.

Taariikh kooban oo ku saabsan Taariikh nololeedkii Alle Hawnaxariistee Eng Khadar Maxamed Ducaale oo shalay Dacarbudhuq ...
26/04/2026

Taariikh kooban oo ku saabsan Taariikh nololeedkii Alle Hawnaxariistee Eng Khadar Maxamed Ducaale oo shalay Dacarbudhuq Lagu aasaya.

Khadar Maxamed Ducaale wuxuu ka mid ahaa haldoorka farsamada biyaha ee dalka, isaga oo soo qabtay Shaqooyin kala duwan oo Dhanka Biyaha ah sida Madaxa Injineerada Farsamayaqaanada ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

Khadar wuxuu shaqada biyaha ku soo biiray sannadkii 1984, xiligaa oo uu ka bilaabay Wakaaladda Biyaha ee Burco, halkaas oo uu ka muujiyay karti, dadaal iyo xirfad sare.

Intii uu khibraddiisa sii kobcinayey wuxuu u wareegay Muqdisho, isaga oo ka qayb qaatay hirgelinta iyo fulinta mashaariic muhiim ah oo dhinaca biyaha ah. taas oo si weyn u ballaadhisay aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa farsamo ee dhanka Biyaha Sannadkii 1986 wuxuu dib ugu soo laabtay Burco, halkaas oo uu si toos ah ugu hawlgalay dayactirka iyo horumarinta ceelasha biyaha ee Gobolka Togdheer Isagoo door muuqda ka qaatay sugidda helitaanka biyo nadiif ah.

Muddo dheer ayuu ka tirsanaa laf-dhabarta khubarada biyaha ee Wasaaradda, isaga oo si gaar ah ugu xeel-dheeraa dayactirka iyo maaraynta ceelasha dhaadheer. Shaqadiisa waxaa lagu xasuustaa hufnaan, masuuliyad iyo u heelanaan adeegga bulshada, wuxuu door weyn ka qaatay horumarinta adeegyada biyaha iyo ilaalinta kaabayaasha biyaha ee dalka.

Alle haw naxariistee Khadar Maxamed Ducaale waxa uu shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi, halkaas oo uu ku sugnaa. Maanta ayaa maydkiisa la keenay dalka, waxaana lagu aasay magaalada Dacar Budhuq.

Aaska marxuumka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Jananka Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland, iyo shaqaalaha Wasaaradda Biyaha oo uu ka tirsanaa marxuumku.

Dhammaan masuuliyiinta iyo ka qayb-galayaashu waxay Alle uga baryeen inuu alle naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, qoyska iyo qaraabadiisana ka siiyo samir iyo iimaan.

Guud ahaan Khadar Maxamed Ducaale wuxuu ka tagay dhaxal muuqda oo ku saabsan horumarinta iyo joogtaynta adeegyada biyaha, isaga oo noqday tusaale lagu daydo oo ku saabsan xirfad, daacadnimo iyo u adeegidda bulshada.

25/04/2026

Golaha Guurtida oo Kulan ay Ka lahaayeen muddo kordhinta Dib udhigay Saaka.

24/04/2026

Alle Hawnaxariisto Eng Khadar Maxamed Ducaale oo ku geeriyooday Dalka Kenya 🇰🇪 Caasimada Nairobi
Waa geeri naxdin badan.

23/04/2026

Waa safar taariikhi ah, intuu tago Imaaradka carabta.

share and follow.

23/04/2026

DEGDEG: Dawladii keligeed taliska ahayd wixii ayku burburtay waxay ahayd cabudhinta, markaa berberana waxan leeyahay hays casilaan hadii aanay u adkaysanayn dhaliisha shacabka.. Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.

share abd follow

23/04/2026

Madaxweyne Cirro oo safar ugu baxaya dalka Debediisa.
Waa dalkee baad isleedahay?

22/04/2026

Hargeisa iyo Xuska 18 Maya, oo Calankii la la soo baxaya, iyo xamaasada doorkan.

share and follow.

21/04/2026

Guurtiyey iska taga raqaya baa tihiine, Nimanka intii nafta lahayd weya ka dhamaatay, shacabka hargeisa oo ka hadlay muddo korinta wakiilada iyo golaha deeganka.

share and follow.

21/04/2026

Waxan ahay nin faaligku dhacaya, ha laysoo daayo wiilkayaga yar wuu ii maydhi jiraya wuu ii waysayn jiraya, waxa lagu xidhigay diin baad waxyeeshaya.

share and follow.

20/04/2026

Sheekh Hargeisa Dhexdeeda Uga duceeyey Umada Islaamka ah.

Share and follow

19/04/2026

DEGDEG; Waxaan leeyahay Cabdiraxman cirro xasuuso dadkii halganka kula soo galay, gudoomiyaha haayada shqalaha dawladana..

share and follow.

Address

Burco

Telephone

+252634221596

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cumar shabaash posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cumar shabaash:

Share