23/05/2025
Maleeshiyada Dhulmahante ayaa isku day weerar fulaynimo ka fuliyey magaalada Coodanle, balse uma suurtagelin iskudaygoodii fulaynimada iyo is miidaaminta ahaa.
Maalinkii 02/11/2024 Ina Garaad Soofe sidan buu u hadlayey, waayo maalinta jab weyn baa ku dhacay maleeshiyada reerkii oo xanuun buu dareemayey, iyaga oo halka ay ku dhimanayeen ee ay weerarka ku ahaayeen ahayd Qorilugud intay Buuhoodle ka yimaadeen.
Maanta raali buu ka yahay kuwa soo dirayana kow buu ka yahay in maleeshiyaad gaadmo ah loo soo diro dad deegaankoodii iyo guryahoodii jooga oo hurda.