26/02/2021
TAARIIKH NOLOLEEDKII ABWAAN
OO KOOBAN
GEERIYEEY XISHOODLAAY.
XEJIYAAY FOGEEYAAY.
XAASHA EE AF TAHANIMO.
HADII UU XABAAL GALAY .
ABWAANKII XIDIGIN JIRAY.
MURTIDII XAG LOO DAYO.
XULASHADA AHAYD IYO.
XARAGADDA HIGAADDII.
AYAA XARAFKII HOOSDHABI.
FARASKII XIDDIGAYSNAA XAKAMAHA AYAA SUDHI?
MOHAMED XAASHI KA SOCOYE SOMALAAY WAYNAKAA.
Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye waxa uu 1950kii ku dhashay magaalada Hargaysa, Hooyadii waxay la dhashay oo la waalaalo ahaa Wiil iyo 4 hablood, Dhammaantood waxay ku noolaayeen magaalada Hargaysa.
Abwaanka Waxay hooyadii iyo aabihii kala tageen isagoo aan weli gaashaan qaadin, waxaana koriinkiisa intii badnayd la wareegtay oo kafaalo qaaday Eedadii.
Abwaanku waxa uu Waxbarashadiisii Dugsiga Hoose/dhexe iyo sare ba ku qaatay Magaalada Hargaysa iyo Sheekh Muddadii u dhaxaysay 1960kii illaa 1970kii, Kadib waxa uu abwaanku galay Kulliyadii lafoole sannadkii 1974kii halkaas oo uu ka qaatay shahaadada loo yaaqan BSC, Isla wakhtiyadaas Abwaanku isagoo Dhalinyaro ah wuxu bilaabay curinta Maansooyinka iyo hal abuurnimada, Waxa uu Abwaanku Dhalay 4 Hablood oo laba bahood ah kuwaaso la kala yidhaa Hodan Maxmed Xaashi iyo Hoodo Maxmed Xashi oo ay dhashay SAHRA MAXMED XUSEN NALEYE, oo ahayd Xaaska weyn iyo weliba Hiddo iyo Hibo oo ay u dhashay xaaskiisa Muna Qawrax oo iyada uu guursaday 02-12 2004.
Abwaanku isagoo illaa Wakhtigan uu geeriyoon doono ku dhex badweynta Curinta Maansooyinka iyo Suugaanta kala duwan ayaa waxa uu sameeyey Riwaayado badan oo ay ka mid ahayd Riwaayadda Dadka badankoodu aadka u hadal hayaan ee aqoon iyo af garad oo iyada ay wada sameeyen sxbkii Hadraawi , kuwaaso jilayaashi riwayaddana ay ka mid ahaayeen Maxmed Mooge iyo Shankaroon.
Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye waxa uu ka qaybgalay oo weliba ahaa shamacyadii ugu iftiinka badnaa Maansooyinkii Taxanaha ahaa ee SIINLEY DA, Tasoo dalka ka curatay sannadkii
La Soco qaybta 2