mubaarak media

mubaarak media Geeri lama huraayee
Godka maalintaan galo
ii gargaar Allahay

07/07/2025

Wararka naga soo gaaraya degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan ayaa waxey sheegayaan in qarax ismiidaaminn ah uu kadhacay qeybo kamid ah degmada Moqokori.

Qaraxan oo la sheegay inuu ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyadoo gaarigaas lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamo deegaan ah iyo shacab.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa kadhashay qaraxan walow aan faahfaahin rasmi ah laga heynin tirada dadka kudhintay qaraxaas.

Faahfaahinta halkan kala soco.

21/06/2025

Hadal Jeedinta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Dhoore ee furitaanka Imtixaanka Fasalka 8aad.

mubaarak media

14/05/2025

Madaxweynaha Qaranka: “Ma sii joogeyno meeshii aan 25 sano kahor joognay, waa inaan horay u soconnaa oo la jaanqaadnaa horumarka dunida.”

11/05/2025

Guddoomiyaha Gargaar ayaa ka warbixiyay howlo isugu jira Dhisidda Goob ku meel gaar ah, waxkabarta iskuul xananburo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka M...
06/05/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa qeyb ka ah gogoshii wadatashi ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bilaabay, waxaana looga arrinsanayaa xaaladda dalka, amniga, iyo horumarinta dimuqraadiyadda.

Shirka waxaa kasoo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 1-aad Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo madaxda dowlad-goboleedyada dalka ee ka kala socday Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug, SSC-Khaatumo, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ajandaha shirka ayaa xooga lagu saaray arrimaha ugu muhiimsan ee dalka, oo ay ka mid yihiin:

Dardargelinta howlgallada xoreynta deegaannada ay kooxaha argagixisadu ku sugan yihiin

Dhammeystirka dastuurka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed

Dib u dhiska ciidamada qalabka sida

Horumarinta dowladnimada iyo maamulka heer qaran

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay muhiimadda wadajirka iyo wadatashiga, isagoo ku boorriyay madaxda dowladda iyo kuwa dowlad-goboleedyada inay ka qeyb qaataan dhismaha dowladnimo buuxda oo ku saleysan wada shaqeyn iyo is-afgarad.

mubaarak media

02/05/2025

Siyaarada Macallin Cabdullaahi Sheekh Cumar Rooble oo si weyn looga Xusay Dhuusamareeb

30/04/2025

Barnaamijka: “Darajo & Dadaal”
Baalinta Khamiista – Fursad Dahabi ah oo Ardayda F.4 ah

Arday qiimo leh oo fasalka 4-aad ah,
Waxaa la gaaray waqtigii aad naftaada u diyaarin lahayd guul waarta. Barnaamijkeena “Darajo & Dadaal” maalinta Khamiista, ayaan bilaabaynaaa isagoo wata talooyin dhaxal gal ah oo kaa caawin doona:

Diyaarinta imtixaanka si xeel dheer ah

Maaraynta waqtiga iyo walbahaarka

Dhisidda kalsoonida iyo yoolkaaga waxbarasho

Su’aalo iyo jawaabo toos ah oo furan

Xusuusnow:
Darajo lama helo la’aanteed dadaal. Khamiista waa fursaddaada – ha moogaanin!

La wadaag asxaabtaada.


mubaarak media

28/04/2025

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiintaa Gudaha XFS oo Muqdisho ku qabatay kulan looga hadlayay sidii loogu midoobi lahaa dagaalka Khawaarijta oo ay isugu yimaadeen Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

28/04/2025

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS dawlada go'aan ayay ka qaadatay dagaalka Khawaarijta, waa in aan garab istaagnaa Ciidanka Qaranka."

27/04/2025

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta kormeeray sida ay degmada Howlwadaag uga socoto diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka soo socda.

27/04/2025

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Xoogga Sadaam C/llaahi Cismaan "Wasiirrada iyo xildhibaannada waan uga mahadcelinayaa sida ay noogu garab istaageen daawadaan."

26/04/2025

Dhibaatada Imaaraadku ku hayo Soomaaliya iyo dunida Muslimka waa arrin baaxad leh. Waxay ku lug leeyihiin faragelin siyaasadeed, taageeridda kooxo gaar ah, carqaladeynta dowladnimada Soomaaliya, iyo abuuridda kala qeybsanaan.

mubaarak media .

Address

Halkaan Kala Sasco Warar , Warbixino , Sheekooyin Dhab Ah
Dhuusamarreeb

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when mubaarak media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to mubaarak media:

Share