Yufle media

Yufle media Weriye kashaqeeya Arimaha Bulshada

01/06/2026

Haddii ALLE Salaada Subax ku Waafajiyey Cafimaadna Ku Soo Kacday
Ku Shugri Allahii Ku Abuuray oo
Dheh
ALXAMDULILAAH

31/05/2026

Shan Sano Ka Hor Oo Maanta Ku Beegaan Xildhibaankaad Doortay Muxu Qabtay?

31/05/2026

Reer Sanaag Haday Gartaan oo codkooda Siyaan Musharax Axmed Shire Maxamed (Baandheye) Horumar Badan Bay Gaadhayaan..

31/05/2026

Daawo Faahfaahin Ku Saabsan Xanuunka Xumada ..

Dhammaadka bishan May waxay astaan u tahay halgankii, naf-hurnimadii iyo geesinimadii ay muujiyeen halgamayaashii SNM iy...
31/05/2026

Dhammaadka bishan May waxay astaan u tahay halgankii, naf-hurnimadii iyo geesinimadii ay muujiyeen halgamayaashii SNM iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. 27-kii May 1988-kii, magaalada Burco waxaa ka billowday dagaal xooggan kadib markii ciidamada SNM gudaha u galeen magaalada. 29-kii May 1988-kii, cutubyo ka tirsan SNM ayaa ku waabariistay magaalada Cadaadley, iyagoo dagaal culus kadib la wareegay gacan ku haynteeda. Halka 31-kii May 1988-kii, ciidamada SNM ay waaberigii soo galeen magaalada Hargeysa.

Dawladdii xilligaas jirtay waxay adeegsatay dhammaan awooddii ciidan ee ay haysatay, oo ay ka mid ahaayeen diyaarado dagaal, madaafiic, taangiyo iyo hub culus oo kala duwan. Dagaallada iyo duqaymuhu waxay socdeen ku dhawaad afar iyo toddobaatan (74) maalmood, iyaga oo sababay burbur baahsan oo gaadhay in ka badan boqolkiiba toddobaatan (70%) dhismayaashii magaalada Hargeysa. Warbaahintii caalamku magaalada Hargeysa waxay ku tilmaameen “Bombing of Dresden, 1945”, oo ah magaalo ku taalla dalka Jarmalka oo si weyn loo burburiyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka (World War II), waxayna noqotay dhacdo caan-baxday oo diiwaanka gashay.

Waxaa la qiyaasaa in ku dhawaad konton kun oo qof (50,000) ay ku naf waayeen dagaalladaa iyo duqaymahaa, halka dhaawacuna uu gaadhay ilaa boqol iyo konton kun oo qof (150,000). Sidoo kale, in badan oo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ah ayaa noqday qaxoonti iyo barakacayaal, kuwaas oo ka badan boqolkiiba toddobaatan (70%) guud ahaan shacabka. Ugu dambayn, halgankaasi wuxuu ku dhammaaday guul ay gaadheen halgamayaashii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM iyo la soo noqoshadii madaxbannaanidii Jamhuuriyadda Somaliland.

Alle SWT ha u naxariisto dhammaan halgamayaashii xaq-u-dirirka ahaa ee ku shahiiday halgankaa iyo shacabkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay, dhammaantoodna Jannatul Firdowsa Alle SWT ha ka waraabiyo.

“Gobannimadu waa geed ku baxa dhiigga geesiga”

Madaxweeme H**e Muse Bihi Abdi

31/05/2026

Subax wanaagsan

31/05/2026

Taarig ku Salaadka.

30/05/2026

Odaygii cabdalle sandheere caawa hallaga war doono amni gacanta uguma jiree

Address

Yufle
Sool

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yufle media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share