Mudug news

Mudug news warar xaqiiq ah kala soco

Musharrax Madaxweyne Liibaan Ahmed Hassan Maanta booqday xaruumaha Danta guud ee Magaalada Gaalkacyo waxaan halkaas kuso...
28/05/2025

Musharrax Madaxweyne Liibaan Ahmed Hassan Maanta booqday xaruumaha Danta guud ee Magaalada Gaalkacyo waxaan halkaas kusoo dhaweeyay masuuliyiinta Degmada iyo maamulayaasha xaruumahaas

Xaruumaha uu booqday Musharrax Liibaan Ahmed Hassan ayaa kala ah Isbitaalka weyn ee Gobolka Mudug iyi xaruumo kale wxayna salka ku haysay u kuurgalid xaaladda dhabtaa ee xaruumahaas u haayaan shacbiga Gobolka Mudug

Liibaan Ahmed Hassan ayaa ugu Qeybta Raajada Isbitaalka Gaalkacyo oo Dhismaheedh socodo ugu deeqay 25K halka Xaruunta Caafimaad ee Xaafadda Garsoor ugu deeqay 20K sidoo kale Musharrax Liibaan Ahmed Hassan ayaa Xaruunta Dowladda Hoose Bilowga Dhismaheeda ugu deeqay 20K

Musharax Liibaan Ahmed Hassan ayaa maalmahaan Safar shaqo ku joogay Gobolka Mudug halkaas oo uu ka haayay Shaqooyin loogu adeegayay Bulshada Gobolkaan Degan

Musharax Liban Ahmed Hasan ayaa maanta booqday halka ay taallo gogosha tacsida ee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax. Booqas...
15/05/2025

Musharax Liban Ahmed Hasan ayaa maanta booqday halka ay taallo gogosha tacsida ee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax. Booqashadan ayaa ka mid ahayd muujinta tacsida iyo ixtiraamka uu u hayo geeridii naxdinta lahayd ee Ugaaska, oo ahaa halyey caan ka ahaa bulshada dhexdeeda.

musharax xildhibaan Galmudug Cabdi casiis Faarax garaase(Nuska) ayaa gaaray Deeganka bandar-seed gobalka mudug isagoo ka...
04/07/2024

musharax xildhibaan Galmudug Cabdi casiis Faarax garaase(Nuska) ayaa gaaray Deeganka bandar-seed gobalka mudug isagoo kadhagaxdhigay Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka

Dhismaha Isbitaalkaan ayaa waxaa deegaanka ugu deeqay Xildhibaan Cabdicasiis Faarax Aadan Garaase oo mid ah Xildhibaanada golaha Deegaanka Dagmada dhuusa Mareeb ee Caasimadda Galmudug

Guddoomiyaha Deegaanka Bandarseed cabdullahi maxamuud ciise iyo , qaar ka tirsan odayaasha iyo bulshada Deegaanka ayaa wadajir uga mahadceliyay Xildhibaan Abdi Casiis Nuska garashadiisa ku aadan sidii oga jawaabay Baahida deegaanka Bandarseed

Xildhibaan Cabdicasiis Faarax Aadann ayaa sheegay inuu ka daqnaday Baahida dhanka Caafimaadka ee heysata Bulshada ku nool Deegaanka, Bandarseed

Gaalkacyo gaar ahaan Astaan golol waxaa laga jaray Maqaaxida Qurux iyo Qabaw kaasoo aad ka helayso cuntoonka kaladuwan k...
19/05/2024

Gaalkacyo gaar ahaan Astaan golol waxaa laga jaray Maqaaxida Qurux iyo Qabaw
kaasoo aad ka helayso cuntoonka kaladuwan kaluunka Dalka Jumlo iyo Tafariikh Coffe IWM
musuliyiin ka tirsan degmada Gaalkacyo Ganacsato ayaa xariga ka jaray

Waxaa maanta garoonka diyaaraha Gaalkacyo lagu soo dhaweeyay Wafdi balaaran oo uu Hoggaaminayo Taliye ku xigeenka Ciidan...
09/05/2024

Waxaa maanta garoonka diyaaraha Gaalkacyo lagu soo dhaweeyay Wafdi balaaran oo uu Hoggaaminayo Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Gaashaanle Sare Nuur Xayir waxaana wafdigaan qeyb ka ahaa saraakiil kale iyo Abwaanad Farxiyo Cabdul oo ka mid ah qurba joogta Gobalka Mudug ee aadka loo qadariyo una dhaq dhaqaaqda Horumarka Gobalka Mudug.

Wafdiga waxaa garoonka Oshaako kusoo dhaweeyay Maamulka Gobalka Mudug , kan Degmada Gaalkacyo , saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobalka Mudug .

Gaalkacyo waxaa ka furay manta oo Axad ah shir lagu heshiineynaya beelaha sacad iyo leelkase kuwasi oo horay ugu dagaala...
28/04/2024

Gaalkacyo waxaa ka furay manta oo Axad ah shir lagu heshiineynaya beelaha sacad iyo leelkase kuwasi oo horay ugu dagaalamay qeyb ka mid ah deegaanada dhaca galbeedka mudug.

Shirka ayaa waxaa goob joog ah madax heer fedraal, kuwa ka socda maamulada Galmudug iyo Puntland iyo odayaasha labada dhinac .

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS Ahmed Moallim Fiqioo dib ugu laabtay Muqdisho iyadoona ay sogootiyeen Masuuliyiin Ka tirsan...
22/04/2024

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS Ahmed Moallim Fiqioo dib ugu laabtay Muqdisho iyadoona ay sogootiyeen Masuuliyiin Ka tirsan Galmudug

Shirkaan oo looga hadlayay Nabadda Beelo wadaga Galbeedka Gobolka Mudug ayaa maanta waxaa Gaalkacyo ka daahfuray Wasiira...
21/04/2024

Shirkaan oo looga hadlayay Nabadda Beelo wadaga Galbeedka Gobolka Mudug ayaa maanta waxaa Gaalkacyo ka daahfuray Wasiirada Arrimaha dibadda iyo Gaadiidka iyo duulista Hawada JFS Ahmed macalin fiqi iyo Fardowso Cismaan Cigaal

Shirka ayaa waxaa gobjoog ka ahaa masuuliyiin ka dowladda Soomaaliya iyo Galmudug iyo Puntland

Masuuliyiinta ayaa wadajir u qiray inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo Nabadda iyo wadajirka Bulshada Gobolkaan Degan

Wasiirada Arrimaha dibadda iyo Duuoista Hawada DFS Axmed Macalin Fiqi iyo Fardowso Cismaan Cigaal oo shirka Furay ayaa wadajir u sheegay

Shirka ayaa Daahfurkiisa waxaa laga soo saaray qodobo muhiima oo dhamaan taabanaya muhiimadda ay leedahay wadajirka Beelaha Dega Galbeedka Gobolka Mudug

Kulan lagu soodhaweynayey wasiirka arimaha dibadda DFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa lagu qabtay magalada gaalkacyo xar...
20/04/2024

Kulan lagu soodhaweynayey wasiirka arimaha dibadda DFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa lagu qabtay magalada gaalkacyo xarunta gobalka mudug

Kulankaan oo dhaliyarda Gaalkacayo sooqaban_qaabiyeen waxaa ka sooqaybgalay Xildhibaano katirsan DFS 2.gole dowlada galmudug maamulka degmada gaalkacyo Iyo qaybaha bulshada Gaalkacyo

Ganacsade, Siyaasi ahna Musharax Madaxweyne Galmudug Liiban Ahmad Hasan oo sanad kaste ciidsiiya 50 agoon ah Ayaa Maante...
05/04/2024

Ganacsade, Siyaasi ahna Musharax Madaxweyne Galmudug Liiban Ahmad Hasan oo sanad kaste ciidsiiya 50 agoon ah Ayaa Maantey Ciidsiyey agoontii aabayaashood ku waayay dagaaladii soo maray Gobolka mudug ee hadda laga soo bogsoonaayo.

Mahadsanid Mudane

AFUR WADAREED.Agaasimaha guud wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Galmudug Mohamed Abdullahi Cali ayaa afur-...
02/04/2024

AFUR WADAREED.

Agaasimaha guud wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Galmudug Mohamed Abdullahi Cali ayaa afur-wadareed ugu sameeyey hormuudka Gabalka Mudug waxaana kasoo qaybgalay Waziiro, Xildhibaano, gudoomiyeyasha gobolka mudug puntalnd iyo galmudug , lataliyaha madaxweynaha dhanka amniga, taliyasha ciidamada Darawishta, Poliska, Nabadsugida, Danab iyo Asluubta, Dhalinyada, Culimada iyo Safaaxada.

Ujeedka afurka ayaa ahaa ugu mahad celinta laamaha amniga sugida aminga degmada, kor uqaadista dib uheshiisinta iyo in la ilaaliyo guud ahan nabadda.

Dhamaan madax, saraakiil & dhalinyarro waxaa laisla qiray in waajib guud laiska saaro ka shaqaynta amniga iyo ladagaalanka khawaarijta si bulshadu amni iyo xasilooni ugu noolaato.

Gudomiyaha gudiga difaaca gobolka mudug shiikh cabdi manaan ayaa kulanka ka sheegay in wajiga 2aad ee ladagaalanka khawaarijta aysan ukala harin reer mudug ayna tahay shaqo noowada taal oo ubaahan inaan iska garabsiino.
Kulanka ayaa kuso dhamaaday si wanagsan Waxaan lagu balamay wadir iyo shaqo hufan.

Diyaar garow Xafladda Caleema saarka Beesha Ree Maclin Abdalle Sacad Oo Maanta ka dhaceysa Gaalkacyo,qabanqaabada ayaa h...
28/02/2024

Diyaar garow Xafladda Caleema saarka Beesha Ree Maclin Abdalle Sacad Oo Maanta ka dhaceysa Gaalkacyo,
qabanqaabada ayaa hadda ka socota Gaalkacyo Galmudug

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mudug news posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share