Puntland News

  • Home
  • Puntland News

Puntland News Kusoo dhawoow warbaahinta puntland news warar sugan & xogo rasmi ah

31/07/2025
50/51 Mudug ?
29/07/2025

50/51 Mudug ?

  Gudoomiyaha Guddiga Qaban-qaabadda Shirwaynaha Horumarinta Gobolka mudug Mohamed Baldho ayaa Shaaciyey in maalinta bir...
28/07/2025

Gudoomiyaha Guddiga Qaban-qaabadda Shirwaynaha Horumarinta Gobolka mudug Mohamed Baldho ayaa Shaaciyey in maalinta biri ah uu shirwaynaha horumarinta gobolka mudug uu ka furmi doono Gudaha Magalada Gaalkacyo.

Arinta ayaa imanaysa xili dawlada PL ee uu Hogaamiyo Madaxwayne Siciid Deni ay Cadaysey in hogaanka shirka iyada loo dhiibo muddo 10 bari ahna dib loo dhigo Madaxda dawlada federalka kumatala gobolka mudug aysan ka qaybgali karin shirkaaas balse guddiga qaban-qabada ayaa diidey arinta iyaga oo sheegay in qodobada shirka looga hadlayo ay yihiin baahiyaha iyo dayaca ka jira gobolka oo aysan xukumadu wax muhiimad ah siin Mudddo badan balse dadka deeganku isku tashanayaan.

Shirka ayaa ah shir nabdoon oo horumarka gobolka looga hadli doono sida
1- Airport Abdullahi Yusuf
2- Biyo-Saarka Magalada Galkacyo
3- Dhismaha Wadooyinka Magalada IWM.

Sidoo kale Waxaa goobta lagu daahfuri-doono Sanduuqa Horumarinta Gobolka mudug (Mudug Development Fund) kaas oo qurbo-joog iyo Daljoogtu si wadajir ah wax ugu aruurin doonan baahiyaha Gobolka Mudug.

Puntland News

  Wufuud kala duwan ayaa si isdaba joog ah ugu soo qulqulaya magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka kala imaanaya gudaha dalk...
25/07/2025

Wufuud kala duwan ayaa si isdaba joog ah ugu soo qulqulaya magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka kala imaanaya gudaha dalka iyo dibaddiisa. Ujeedadoodu waa ka qaybgalka shirka horumarka gobolka Mudug, kaas oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 30-ka bishan.

Goobaha bulshadu ku cawayso sida Hotel, Makhayadaha, ayaa caawa laga dareemaya jaamka iyo Wufuuda ka qayb galaysa Shirka Horumarinta Gobolka mudug.

20/07/2025

Wasiirka warfaafinta Puntland cayiid Dirir “ Tukaraq oo u dambaysey 52 wiil oo rer mahad ah oo ilmo adeer ah baa ku dhimateyy hal nin oo dhulbahante ah kuma jirin marka raga dhiigiisu ma ahan dood miyaa…..”

Dood adag oo dhex martey Wasiir Caydiid iyo Wasiir Warfafinta Khaatumo Najiib Barkhadle ayuu hadalka ka sheegay Wasiir Caydiid.

Puntland News

Qormooyinka cadiifadaysan caruuraha iyo dumarka yeysan isaga keen dirin. Ugu yaraan aragti siyaasadeed oo aynu qolyaha f...
16/07/2025

Qormooyinka cadiifadaysan caruuraha iyo dumarka yeysan isaga keen dirin. Ugu yaraan aragti siyaasadeed oo aynu qolyaha federalka ee aynu is hayno aan ku wajahno aan miiska keeno.

Haddii Taas la waayo, xabadda guriga dhexdiisa ka qaraxdaa waxay ka waxyeelo badan tahay madfaca banaanka Laga Soo tuuray ee TaaS Inaka ilaaliya.

Waxaa qorey 𝙓𝙞𝙡𝙙𝙝𝙞𝙗𝙖𝙖𝙣 𝙔𝙖𝙨𝙞𝙞𝙣 𝙅𝙖𝙖𝙢𝙖𝙘 𝘾𝙪𝙢𝙖𝙧.

Xildhibaan Yasiin Jama Taakilo
10/07/2025

Xildhibaan Yasiin Jama Taakilo

Gabadha qoraalkan leh waa hooyadda dhashay wiil kamid ah agoontii uu ka tegay gaashaanle Farxaan Cabdulqaadir Xassan Xar...
10/07/2025

Gabadha qoraalkan leh waa hooyadda dhashay wiil kamid ah agoontii uu ka tegay gaashaanle Farxaan Cabdulqaadir Xassan Xaraare oo bishii labaad ee sanadkan ku geeriyooday hawlgalka Calmiskaad. Wiilka yar dilaac caloosha ah ayuu ku dhashay, dalka iyo dalalka Bariga Africa intaba waxba waa looga qaban waayay.

Bishii November 2024 oo loo diyaar-garoobayay hawlgalka Calmiskaad ayuu gaashaanle Farxaan hawsha wiilka ula tegay madaxweyne Deni, waxaana loo balanqaaday in kharashkii India lagu geyn lahaa laga bixinayo, yadda oo ay sidaas tahay, welina ballantii taagantahay ayuu Farxaan geeriyooday.

Kadib, geeriddii Farxaan, Aggaasimaha PMPF ayaa la kulmay ehelka, wuxuu faray in lasoo qiimeeyo kharashka ku bixi kara wiilka, 12 kun oo Doollar ayaa lagu soo qiimeeyay oo waliba qiimaynta waxaa sameeyay dhakhaatiirta hay'adda PMPF. Qiimayntii oo 7 bilood laga joogo maanta, waxaa dawladdii iyo hoggaanka PMPF laga la'yahay wixii yaraa ee ay balanqaadeen.

Saraakiishii iyo ragii ciidanka ee wiilka yar la tolka ahaa ee kumanaanka nin gaaraya ilaa hadana buuraha u saaran in ay wadaddii Farxaan maraan, waa kari waayeen in ay taliskooda ay cadaadis ku saaraan in wiilka yar ee agoonka ah dawadda laga bixiyo.

Wiilka yar waan dawaysan karnaa oo waan u tashanaynaa, kuwa buuraha ilaa hadda ku dhimanaya iyagana waan u tashanaynaa, meeshan dal iyo dawlad loo dhinto k**a jiraane, shirkad bay isu bedeshaye

Boosaaso:- Ciidamadii ku soo dhawacmey Hawlgalka Calmiskaad oo xirtey wadada Soo Gasha isbitaalka guud ee Boosaso iyaga ...
29/06/2025

Boosaaso:- Ciidamadii ku soo dhawacmey Hawlgalka Calmiskaad oo xirtey wadada Soo Gasha isbitaalka guud ee Boosaso iyaga oo ka cabanaya Daryeel Xumo Caafimaad.

Arinta ayaa Timid Xili Saaka Madaxwayne Deni uu Xaflado & Dabaldagyo ku qabsanayo Madaxtooyada Garoowe.

Puntland News

Gaalkacyo:- Waxa hada ka socda Gudaha magalada Gaalkacyo Bananbaxa xoogan oo bulshada galkacyo ay kaga cabanayaa Dhaqaal...
28/06/2025

Gaalkacyo:- Waxa hada ka socda Gudaha magalada Gaalkacyo Bananbaxa xoogan oo bulshada galkacyo ay kaga cabanayaa Dhaqaale Dawladu ku soo rogtey bulshadii haystey ganacsiyada yaryar.

Arinta ayaa ku soo aadaysa xili magalada laga dareemayey guuxa Mudaharaad xoogan oo looga soo horjeedo waxqabad la’aanta Xukumadda Deni ee Gobolka Mudug.

Bananbaxa ayaa laga yaaba in uu sii xoogaysto iyada oo dhalinyaradii kacdoonku ay raadinayeen waxqabad iyo isbadal gudaha Gaalkacyo ah.

Puntland News

25/06/2025

Xildhiban Yasiin Taakilo oo su’aalo kulul waydiiyey wasiirka warfaafinta Puntland Caydiid Dirir iyo wasiir caydiid oo su’aalaha ka jawaabi wayey.

Puntland News

Magacaabis Agaasime waxeed'yada Dowladda hoose,Jariiban :- 21, June, 2025: Duqa degmada Jariiban Ahna Guddoomiyaha golah...
21/06/2025

Magacaabis Agaasime waxeed'yada Dowladda hoose,

Jariiban :- 21, June, 2025: Duqa degmada Jariiban Ahna Guddoomiyaha golaha deegaanka Mudane Cabdishakuur Maxamed Faarax ayaa magacaabay.
1. Gacayte Maxamuud Cabdille Agaasimaha Waaxda Hawlaha Guud,

2. ⁠Hanad Cismaan Cabdi Agaasimaha Dakhliga

Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay inay dardargeliyaan hawlaha shaqo ee Waaxyaha loo idmay,

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Puntland News:

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share