Jiicdheere media

Jiicdheere media kusoo dhawoow page ka rasmiga ah ee Jiicdheere media ��������https://t.me/joinchat/j9LHx8GNji0zOWE0

20/04/2026

🔥 BAAQ MUHIIM AH – DHISMAHA MASJIDKA LAAS-GACAMEEY 🔥
Sheekh Nuur Xuseen Jaamac ayaa si rasmi ah u codsaday in laga qeyb qaato dayactirka iyo dib u dhiska Masjidka deegaanka Laas-Gacameey, kaas oo si weyn u waxyeelloobay kadib weerar arxan-darro ah oo ay soo qaadeen kooxo argagixiso ah.
Masjidku waa hoygii cibaadada, waa meel lagu xuso Allaah, waa tiirka bulshada – maanta wuxuu u baahan yahay garab istaag, taageero, iyo sadaqo socota (Sadaqah Jaariyah).
💔 Weerarkaasi wuxuu dhaawacay dhismaha masjidka, balse ma dhaawici karo iimaankeena iyo midnimadeena.
🤲 Walaalayaal, ka qeyb qaata dib u dhiska Guriga Allaah!
Qof walba wax ha ku darsado, wax kasta oo aad bixiso waa ajar kuu kaydsan.
📞 Kala xiriir:
0618205392 (Hormuud)
0907681333 (Golis)
✨ Ha moogaan fursaddan kheyrka ah – maanta wax bixi, berri ajar ka hel!
📢 Faafi si uu u gaaro dad badan – kheyrkana qayb ka noqo!

IXTIRAAMKA MASAAJIDDA IYO HURDADA 🕌🔥✨ Masaajidku ma aha meel hurdo lagu nasto…Waa guri Ilaahay lagu caabudo, lagu xuso, ...
18/04/2026

IXTIRAAMKA MASAAJIDDA IYO HURDADA 🕌🔥
✨ Masaajidku ma aha meel hurdo lagu nasto…
Waa guri Ilaahay lagu caabudo, lagu xuso, laguna toobad keeno 🤍
📖 Alle wuxuu yiri:
“Guryaha uu Alle oggolaaday in la kor yeelo oo magiciisa lagu xuso…”
💭 Is weydii naftaada:
Sidee bay ku habboon tahay in aad ku seexato meel Ilaahay lagu caabudo?
⚖️ Xukunka hurdada masaajidka:
✅ Waa bannaan tahay haddii ay jirto baahi ama daruuri
❗ Lama jecla in laga dhigto caado joogto ah
⚠️ Waa xaaraan haddii ay dhib ku noqoto dadka kale
🔥 Xaqiiqda:
Masaajidku waa meel qalbiga lagu nooleeyo,
ma aha meel lagu hurdo oo keliya!
🌙 Haddii aad rabto barako:
Ku dadaal salaadda jamaacada 🕌
Ku badso xuska Ilaahay 🤲
Ixtiraam masaajidka iyo dadka ku jira
🤍 Qofkii masaajidka sharfeeya… Ilaahayna wuu sharfi doonaa!
📢 Fariin culus:
Ha ka dhigin masaajidka meel aad ku seexato…
👉 Ka dhig meel aad ku badbaaddo!
🔥 Share garee si fariintan u gaarto ummadda
🔥 Follow garee bogga si aad u hesho wacyigelin qiimo leh

17/02/2026

Warbixin dhalashada Bisha ramadaan Goorma Bisha Ramadaan Dhalanaysaa ? ama la arki karaa?



15/02/2026

🎉 Hambalyo Hoggaanka Cusub! 🎉
Waxaa magaalada Galkacyo lagu doortay hoggaanka cusub ee ururka dhalinyarada Beesha Qubeys. Munaasabaddan ayaa ujeeddadeedu ahayd xoojinta midnimada dhalinyarada iyo horumarinta beesha.
Hoggaanka cusub waxaa lagu booriyey inay ka shaqeeyaan wada-tashi, anshax, isla xisaabtan, iyo horumarinta bulshada. Munaasabadda ayaa ku dhamaatay jawi farxad leh, iyadoo lagu ducaystay in Alle ka garab galo xilka cusub.

15/02/2026

🌙 Udiyaar-garowga Bisha Ramadaan 🌙
Bisha Ramadaan waa fursad qaali ah oo Ilaahay nagu siiyo sanadkiiba mar. Qofkii si wanaagsan isu diyaariya, wuxuu ka faa’iidaystaa kheyr aan la qiyaasi karin.
🎯 Ka bilow toobad dhab ah.
📖 Samee qorshe Qur’aan akhris maalinle ah.
🤲 Badso duco iyo sadaqo.
🕌 Ku dadaal salaadaha jamaacada.
💞 Nadiifi qalbigaaga, cafi dadka, oo ka fogow muranka.
Sida uu ku boorriyay Dr. Shiikh Abuukar Xasan Maalin, Ramadaanku ma aha kaliya gaajo iyo harraad, balse waa iskuul tarbiyeeya nafta oo kobciya taqwada.
🌟 Aan ka dhigno Ramadaankan mid ka duwan kuwii h**e.


08/02/2026

Sheekh Umal "Ummadda haloo gurmado war adaa hayee bixi Lacagaha aad akoonada ka buuxsatay oo Doorashada aad ku galeyso bixi dadka xoolahooda adaa hayee maxaa dadka been uga sheegee".

16/11/2025

Address

Gaalkacyo

Telephone

+252682711326

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jiicdheere media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share