16/07/2025
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
Waxaan halkan baaq iyo guubaabo uga dirayaa reer Bacadweyne meel kasta oo ay joogaan: gudaha dalka iyo dibaddiisaba.
Waxaa hubaal ah in kursiga matalaadda shacabka Bacadweyne uu yahay masuuliyad weyn oo ku saleysan daacadnimo, aqoon, karti iyo ilaalinta sharaf iyo karaamo bulsho.
Nasiib darro, waxaan aragnaa in mararka qaar ay xilal matalaad ah ku fadhiistaan dad aan u qalmin, kuwaas oo sumcadda deegaanka dhaawaca, kuna shaqeeya dano shaqsiyeed, kana fog danta guud ee shacabka. Tani waxay keentaa ceeb iyo sharaf-darro ay dusha u riddo nafteeda, qoyskeeda, iyo deegaanka ay ka dhalatay.
Waxaa muhiim ah in aan si mideysan u istaagno, kana shaqeyno sidii kursigaas muhiimka ah uu ugu fadhiisan lahaa qof naga mid ah oo damiir leh, meteli kara shacabka si hufan, ilaaliya kara danaha deegaanka Bacadweyne, kuna taagan caddaalad iyo karti.
Reer Bacadweyne waxaan leeyahay:
Kursigaas inta uu muuqdo, halaga gaaro; ha noqdo mid lagu kasbado kalsoonida shacabka, loogana faa’iideeyo deegaanka, ee ha noqon mid lagu ceebeysto.
U hiilliya caddaaladda, tolnimada, iyo horumarka Bacadweyne.
Reer qubeys