Warshiil Tv

Warshiil Tv kala soco murti madadaalo warki ugu danbeyey ee dunida ka dhaca journalists

28/12/2024

Suugaanta Xaashi I.Siciid “SAAR. Sidaan kuugu oon qabo maaragtaa fanaanka heestaa sameeyay.

26/12/2024

"TOLOW GUNIMA DIRIRKA JOOJIYA" BAAQ LOO DIRAY BEELAHA KU DAGAALAMAYA GALBEEDKA GOBOLKA MUDUG

20/12/2024

Ololaha Nadaafadeed ee Xafadda Israac Isku Duubnida Bulshada iyo Dhalinyarada Iftiinka Gobolka Mudug

Naxariistii janno Eebbe haka waraabsho waxaa maalinta birito ah lagu aasi doonaa gaalkacyo General Cawil Axmed Yusuf  (D...
14/12/2024

Naxariistii janno Eebbe haka waraabsho waxaa maalinta birito ah lagu aasi doonaa gaalkacyo General Cawil Axmed Yusuf (Dhiig-Sokeeye ), oo12 bishaan Ku geeryoodey Ethiopia.

Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa ku hawlan qaban qaabada aaska marxuumka. Warshiil Tv

Ciyaar Saaxiibtinimo oo ka Dhacaysa Garoonka Cawaale Stadium ee GaalkacyoBeri galab waxaa garoonka kubadda cagta ee Cawa...
12/12/2024

Ciyaar Saaxiibtinimo oo ka Dhacaysa Garoonka Cawaale Stadium ee Gaalkacyo

Beri galab waxaa garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium, magaalada Gaalkacyo, ka dhici doonta ciyaar saaxiibtinimo oo dhexmaraysa laba xul oo kala metelaya jaamacadaha East Africa University (EAU) Puntland iyo Gaalkacyo University Galmudug.

Ciyaartan, oo loogu talagalay in ay sare u qaaddo is-dhexgalka bulshada, ayaa lagu wadaa inay noqoto munaasabad xiiso badan oo soo jiidata taageerayaal badan. Waxaana ka qeyb geli doona labada maayar ee magaalada Gaalkacyo, Puntland iyo Galmudug Maxamed Cabdirisaaq iyo Cabdiraxmaan Sh. Xasan.

Dhammaan dadweynaha magaalada Gaalkacyo waxaa lagu wargalinayaa inay soo xaadiraan.

Aflax Electronics oo laga Furay GaalkacyoXarunta cusub ee Aflax Electronics ayaa si rasmi ah Galabtay looga furay magaal...
10/12/2024

Aflax Electronics oo laga Furay Gaalkacyo

Xarunta cusub ee Aflax Electronics ayaa si rasmi ah Galabtay looga furay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan aagga Xera Dayax. Xaruntu waxay bixisaa qalab elektaroonig tayo sare leh iyo adeegyo qiimo macquul ah oo loogu talagalay macaamiisha.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenka Gaalkacyo, Guddoomiyihii h**e ee dhalinyarada iyo Ganacsato, kuwaas oo bogaadiyay dadaalka shirkadda ee horumarinta adeegyada elektaroonigga iyo kobcinta dhaqaalaha magaalada Gaalkacyo.

Aflax Electronics ayaa la filayaa inay kaalin muhiim ah ka qaadato daboolidda baahiyaha qalabka elektaroonigga ee Gaalkacyo iuo Degaanada ku xeeran, iyadoo macaamiisha lagu soo dhoweynayo adeegyo tayo sare leh iyo Qiima Raaligeliya.

09/12/2024

"Intii maamulka ssc la yagleelay puntland waxay qaaday talaabooyin lagu curyaaminayao ssc khaatumo".

Duqa Degmada Gaalkcyo Mohamed Cabdirisaaq Warsame ( Daacad ) uu wehlinayo Isu-duwaha Wasaarada arimaha gudaha DPL Cabdif...
09/12/2024

Duqa Degmada Gaalkcyo Mohamed Cabdirisaaq Warsame ( Daacad ) uu wehlinayo Isu-duwaha Wasaarada arimaha gudaha DPL Cabdifitaax Samater Ciise, ayaa xilalka u kale wareejiyey Xoghayihii H**e ee Degmada Gaalkcyo Ukun Cabdicasiis Maxamed Iyo Xoghayaha Cusub Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax (Geesaweyne) munaasibad kooban oo ka dhacday Xarunta Dowladda Hoose.

07/12/2024

Isbedel & Horumar: Bulshada Xaafadda Israac oo Codsanaya Tallaabo Degdeg ah

07/12/2024

6 Faa'iido oo Cajiib ah oo Aad Ku Helayso Akhrinta Qur'aanka Kariimka ah!

06/12/2024

"Axmed Madoowe 13-sano ayuu Kismaayo joogay, hubkii uu helano bakhaaro ayuu ka buuxsanayay, hadda ayuu soo bixiyay si'uu ugula dagoolo dowladda Soomaaliya" Xasan Sheekh Maxamuud

Warshiil Tv

Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in ay labaataneeyo diyaaradood oo ciidan cudub ah ka dejiso magaalada Raaskaanboon...
06/12/2024

Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in ay labaataneeyo diyaaradood oo ciidan cudub ah ka dejiso magaalada Raaskaanbooni ee Jubbaland, maalmaha soo aaddan; iyada oo kharashka duilimaadyada oo idil ay bixinayaan Shirkadaha Diyaaradaha Gudaha, sidaasi waxa ku heshiiyey DFS iyo Diyaaradaha ka dib maanta oo aan diyaarado ka shaqayn koonfurta dalka.

DFS waxa ay amartay diyaaraddii aan u hoggaansamin in aysan ka shaqaynayn dalka, Jubbaland waxa ay ka digtay tegista Raaskaanbooni.

Address

Gaalkacyo

Telephone

+252907250809

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warshiil Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category