12/09/2025
: Magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa mar kale wajahaysa weerar culus, kadib markii dagaalyahannada AS ay saaka aroortii h**e weerar dhowr jiho ah kusoo qaadeen magaalada.
Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa abuuray xaalad kacsanaan ah, iyadoo rasaas culus ay weli ka dhaceyso hareeraha magaalada, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Guddoomiyaha degmada Ceeldheer, Cabdiraxmaan Axmed Cumar oo la hadlay warbaahinta madaxa-bannaan ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si adag u difaacayaan magaalada, islamarkaana aysan u suurtagelin in kooxda AS ay gudaha si buuxda ugu galaan.
Ceeldheer oo ah goob aad muhiim u ah kana tirsan gobolka Galgaduud ayaa si rasmi ah looga xoreeyay gacanta maleeshiyaadka AS 24-kii December ee sanadkii 2023, wixii intaas ka dambeeyayna waxay ahayd xarun ciidan iyo deegaan istiraatiiji ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Kooxaha argagixisada ee AS ayaa barahooda bulshada ku sheegtay in ay magaalada la wareegeen, balse warar ka madax-bannaan labadda dhinac oo ilaa iyo hadda xaqiijin kara ma jiraan sheegashadaasi, iyadoo dagaalka uu wali socda.
Hayaan Tv and Radio