OGAAL MEDIA

OGAAL MEDIA Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from OGAAL MEDIA, Media/News Company, Galcom, Gaalkacyo.

OGAAL MEDIA, Waa warbaahin madax bannaan oo si joogto ah u soo gudbisa wararka caalamka, kuwa Soomaalida iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey dunida, ku xirnow si aad ula socoto xaqiiqooyin cusub iyo dhacdooyin muhiim ah.

22/08/2026
Laamaha Amniga Puntland waxaa caawa si iskiis ah isugu soo dhiibay Ninkan oo lagu magacaabo Axmed oo sheegtay in uu dila...
21/08/2026

Laamaha Amniga Puntland waxaa caawa si iskiis ah isugu soo dhiibay Ninkan oo lagu magacaabo Axmed oo sheegtay in uu dilay oo qiraal kayahay dil 2019 kii ka dhacay magaalada Qardho oo lagu dilay Marxuum Cabdullaahi Boobe.

Axmed wuxuu sheegay in uu dalal badan isu maray markii uu dilka geystay kadib balse ay waxba uhagaagi waayeen, uuna ka hurdi waayey dilkii uu ugeystay Cabdullaahi Boobe oo waliba ay saaxiibbo dhow ahaayeen.

Kiiska dilka Cabdullaahi Boobe waxaa loo xiray dad badan waxaana loo dhaariyey dad badan balse caawa waxaa laamaha amniga isu dhiibay Ninkan oo sheeganaya in uu isagu dilka gacantiisa kugeystay.

21/08/2026

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha ay biyuhu fariistaan ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, oo ay ka socoto shaqo isugu jirta banayn iyo dumin dhismayaal, si loo sameeyo marin-biyoodyo ay biyuhu maraan.

20/08/2026

Gaalkacyoll Waxaa maanta si rasmi ah u bilowday fulinta wajiga koowaad ee Mashruuca Biyo-saarka Magaalada Gaalkacyo, iyadoo shaqada laga bilaabay qaar ka mid ah goobihii loo qorsheeyay in mashruucu ka hirgalo.

25 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo ayaa mar kale codsaday in la qabto kalfadhiga Golaha, kaas oo dib ...
19/08/2026

25 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo ayaa mar kale codsaday in la qabto kalfadhiga Golaha, kaas oo dib u dhacay muddo laba bilood ah.

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay qaybaha bulshada gobolka MudugGAALKACYO, Soomaaliya — Madaxweynaha Dowladda Puntland,...
19/08/2026

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay qaybaha bulshada gobolka Mudug

GAALKACYO, Soomaaliya — Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kulan qado iyo is-xogwareysi ah kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug.

Kulanka waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, masuuliyiinta degmada iyo gobolka iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland ee ku sugan Mudug.

Intii uu socday kulanku, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan amniga, arrimaha bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee Mudug.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in haatan ay ka go’an tahay xukuumaddiisa in wax weyn laga qa...
19/08/2026

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in haatan ay ka go’an tahay xukuumaddiisa in wax weyn laga qabto dardargalinta Amniga iyo tayeynta kaabayaasha hormarineed ee magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Qado uu Madaxweyne Deni u sameeyey waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo ayaa daarneyd mahadcelin, iyada oo looga hadlay arimaha amniga, midaynta ciidamada, wada-shaqaynta dowladda iyo bulshada Gobolka.

"Haatan muhiimad gaar ah ayaan siinaynaa arimaha gobolka mudug dhinacyada amniga horumarka iyo iskaashiga, waxaan rajeynaynaa in aan mudo kooban gudahood wax weyn ka qabano gobolka" Ayuu madaxweynuhu ka yiri madasha.

17/08/2026

Socdaalkii nabadda ee 8-sano ka hor uu Madaxweyne Farmaajo ku yimid deegaano kartirsan Puntland iyo Galmudug, Gaalkacyo oo ahayd magaalo ay ka taagneyd xiisado colaqdeed ayaa si wadajir ah bulshada labada dhinac ay Madaxweyanaha usoo dhaweeyeen.

Xiligaas shacabku waxay muujiyeen rabitaankooda ku aaddan nabad, midnimo iyo in laga gudbo colaadaha iyo kala-qaybsanaanta.

8-sano kadib!

17/08/2026

Gaalkacyo oo laga bilaabay wajiga kowaad ee baneynta goobaha loo qorsheyey in uu maro mashruuca biyo saarka.

16/08/2026

DEG-DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka baaqday safarkii uu caawa ku tagi lahaa Gaalkacyo. Bari subax ayaa la filayaa inuu galo!

Address

Galcom
Gaalkacyo

Telephone

+252907484899

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when OGAAL MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share