OGAAL MEDIA

OGAAL MEDIA Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from OGAAL MEDIA, Media/News Company, Galcom, Gaalkacyo.

OGAAL MEDIA, Waa warbaahin madax bannaan oo si joogto ah u soo gudbisa wararka caalamka, kuwa Soomaalida iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey dunida, ku xirnow si aad ula socoto xaqiiqooyin cusub iyo dhacdooyin muhiim ah.

02/10/2025

Wadada laamiga ah ee muhiimka u ah isku xirka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bacadweyn ayaa si hufan shaqadu uga socota, iyadoo dhismaheedu haatan marayo meel wanaagsan marayo

OGAAL MEDIA

Aaska marxuum Abuukar Maxamed oo labo maalin ka hor lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
01/10/2025

Aaska marxuum Abuukar Maxamed oo labo maalin ka hor lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

01/10/2025

β€œWaxaan idin balanqadaynaa cidna inaysan ku nasan fal amni daro oo gobolka laga geysato ”

-Taliyaha howlgalinta ciidanka qaybta booliska Gobolka mudug Carab Dhuubane

OGAAL MEDIA

01/10/2025

π—šπ—”π—Ÿπ——π—’π—šπ—’π—•; waxaa saaka ka qabsoomay isu-soo-bax ballaaran oo lagu iclaamiyay in qofkii si ula kac ah qof u dila loo qisaasi doono, iyadoo bulshada si rasmi ah loogu wargeliyay in arrintani tahay go’aan lagu dhaqmi doono.
OGAAL MEDIA

 ; Waxaa saaka magaalada Gaalkacyo lagu aasay Alle ha u naxariistee Abuukar Maxamed Faray, oo labo maalmood ka hor kooxo...
01/10/2025

; Waxaa saaka magaalada Gaalkacyo lagu aasay Alle ha u naxariistee Abuukar Maxamed Faray, oo labo maalmood ka hor kooxo hubeysan ku dileen koontaroolka xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Marxuumka, oo ahaa darawal gaari xamuul ah, ayaa u shaqayn jiray gaadiidka u kala goosha gobollada Koonfureed iyo Goboladda Puntland, waxaana lagu dilay xilli habeen ah isagoo ku sugnaa guri uu ka degganaa magaalada.

OGAAL MEDIA

01/10/2025

Jawi roob aroor h**e iyo Degmada Carmo ee Gobolka Bari, Puntland.

ODOROSKA ROOBKA DEYRTA – 29 Sebtembar ilaa 05 Oktoobar 2025Sida saadaasha hawada Ee todobaadka soo socda ay tilmaamayso,...
30/09/2025

ODOROSKA ROOBKA DEYRTA – 29 Sebtembar ilaa 05 Oktoobar 2025

Sida saadaasha hawada Ee todobaadka soo socda ay tilmaamayso, roobabka Deyrta ayaa gabi ahaanba ka curan doona guud ahaan dhulka Soomaaliyeed horaanta bisha Oktoobar 2025.

Qeybo ka mid ah deegaanada Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa la filayaa inay helaan roobab dhexdhexaad ah. Bulshada ku dhaqan deegaanadaasi waxaa lagu boorinayaa inay muujiyaan taxadar dheeraad ah, isla markaana ka feejignaadaan meelaha biyaha mareenada ah si looga fogaado khatarta biyaha roobka ka imaan karta.

OGAAL MEDIA

Bandhiga Dhiganaha Ismahurto Taariikh iyo Qiso Jacayl Burburkii Soomaliya dhowaan ha loo diyaar garoobo.
30/09/2025

Bandhiga Dhiganaha Ismahurto Taariikh iyo Qiso Jacayl Burburkii Soomaliya dhowaan ha loo diyaar garoobo.

30/09/2025

; Dowladda hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa wax ka badal ku sameysay canshuurtii laga qaadi jiray sadex-biloodka gaadiidka bajaj-ta.

OGAAL MEDIA

  DEG-DEG, Dowladda Hoose ee Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqday canshuur dhimis loo sameeyay gaadiidka bajaj-ta canshuurtii la...
30/09/2025

DEG-DEG, Dowladda Hoose ee Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqday canshuur dhimis loo sameeyay gaadiidka bajaj-ta canshuurtii laga qaadi jiray saddex biloodka, taas oo qayb ka ah fududeynta culayska dhaqaale ee gaadiidkaas.

Horay waxaa gaadiidka bajaj-ta looga qaadi jiray canshuur dhan 21 Dollar saddexdii bilood, balse hadda waxaa laga dhigay 15 Dollar saddexdii bilood. Go’aankan ayaa ka dhashay latashiyo ay yeesheen Guddiga Gaadiidka Bajaj-ta iyo maamulka degmada, kadib codsiyo isdaba joog ah oo ka yimid gaadiidleyda.

OGAAL MEDIA

30/09/2025

Odayaasha Gobolka Mudug in kabadan 32 sano ayey shirayeen waxbana k**a imaan, markay so kala dareeraan ayey xabadu bilaabmaysay.
-Caasho bagaag.

OGAAL MEDIA

Address

Galcom
Gaalkacyo

Telephone

+252907484899

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when OGAAL MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share