29/05/2026
Kulanka wadatashiga ah ee uu shir guddoominayay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur wuxuu ahaa shir muhiimad weyn u leh xaaladda siyaasadeed, nabadgelyada, iyo mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaan Somalia. Xilligan dalku ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaa aad muhiim u ah in la helo gogollo wadatashi iyo is-afgarad oo ay bulshada iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanku kaga tashanayaan danaha guud, si looga hortago wax kasta oo keeni kara qalalaase siyaasadeed ama amni.
Goโaannada iyo fariimaha kasoo baxay kulankan waxay muujiyeen biseyl siyaasadeed, masuuliyad iyo dareen ku dhisan ilaalinta nabadda iyo wadajirka bulshada. In la adkeeyo muhiimadda doorasho xor ah, loo dhan yahay, heshiis lagu yahay, isla markaana daahfuran, waa tallaabo lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo dowlad-dhiska.
Sidoo kale, waxaa muhiim ah in dhammaan beelaha kale ee dega Galmudug ay iyaguna qabtaan shirar wadatashi oo noocan oo kale ah, si loo mideeyo aragtida bulshada, loo xoojiyo wadajirka, loogana hortago kala aragti duwanaansho horseedi kara xiisad. Marka ay bulshadu ku midoobto nabad, wada hadal, iyo ilaalinta danta guud, waxaa sahlan in la gaaro xal waara iyo mustaqbal deggan oo ay ku wada naaloodaan shacabka Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.