RAFLE MEDIA

RAFLE MEDIA Warar sugan • Madadaalo • Wareysiyo • Wacyigelin bulsho • Xayaysiiyo
La soco RAFLE MEDIA – warbaahin casri ah.

Iiraan ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayayso miino dhigto marin-biyoodka Hormuz, sida ay shaaciyeen sirdoonka Marayk...
10/03/2026

Iiraan ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayayso miino dhigto marin-biyoodka Hormuz, sida ay shaaciyeen sirdoonka Maraykanka. Arrintan ayaa sii kordhinaysa walaaca ku saabsan amniga maraakiibta iyo dhaqaalaha caalamka.

Marin-biyoodka Hormuz waa halbowlaha ugu muhiimsan ee dhoofinta saliidda, iyadoo maalin kasta ay ka gudbaan boqolaal markab oo sida shidaal iyo badeecooyin kale, oo ay ku jiraan gaaska dabiiciga ah.

Haddii miinooyin la dhigo, waxay khatar weyn ku noqon karaan maraakiibta, waxayna sababi karaan kor u kac qiimaha shidaalka iyo xiisado siyaasadeed oo ka sii daraya gobolka. RAFLE MEDIA

Hay'adda caalami ah ee u dooda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay isticmaaleen...
10/03/2026

Hay'adda caalami ah ee u dooda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay isticmaaleen hubka loo yaqaan white phosphorus oo lagu tuuray guryo ay ku noolaayeen dad rayid ah gudaha koonfurta Lubnaan.

Sida ay hay’addu tilmaantay, waxaa la xaqiijiyey sawirro siddeed ah oo muujinaya dab ka kacay goobo rayid ah kadib weerarradaas.

White phosphorus waa kiimiko keenta dab aad u xooggan, waxaana sharciyada caalamiga ah mamnuuc ka dhigaan in lagu isticmaalo meelaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka

Wehel tv

Makhaayadaha iyo hoteelada ku yaalla Hindiya ayaa halis ugu jira in la xiro sababo la xiriira yaraanta Gaaska Dabiiciga ...
10/03/2026

Makhaayadaha iyo hoteelada ku yaalla Hindiya ayaa halis ugu jira in la xiro sababo la xiriira yaraanta Gaaska Dabiiciga ah ee la sh*to (LPG), taasoo ka dhalatay dagaalka Mareykanka iyo Iran.

Iran ayaa xannibtay maraakiibta ka imanaysa Qatar ee LPG-da qaada, iyadoo sidoo kale saldhigyo soo saara LPG lagu weeraray gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran. -Wehel Tv

Koonfurgalbeed & Galmudug ayaan weli soodhoweyn Dhammatirka Dastuurka JFS oo jidaynaya doorashooyin toos ah, ilo ka tirs...
05/03/2026

Koonfurgalbeed & Galmudug ayaan weli soodhoweyn Dhammatirka Dastuurka JFS oo jidaynaya doorashooyin toos ah, ilo ka tirsan labadan maamul ayaa tilmaamaya in ay doonayaan in ay qaataan door dhexdhexaad ka ah DFS & Golaha Mustaqbalka oo iyagu go'aamiyaan masiirka dalka.

Sida ay soosaareen Mucaaridka Dowladda Federaalka; 132 xildhibaan oo ka kooban labada   aqal ee Baarlamanka JFS ayaa ka ...
05/03/2026

Sida ay soosaareen Mucaaridka Dowladda Federaalka; 132 xildhibaan oo ka kooban labada aqal ee Baarlamanka JFS ayaa ka maqnaa kulanka Ansixinta Dastuurka, taasi oo ka dhignaanaysa in aan la helin kooram.

Guddoonka Baarlamanka se waxay sheegeen in 222 xildhibaan ay goobjoog ahayd ansixinta Dastuurka, iyada oo mudane kalena Online ku codeeyey.

Si Dastuur u meel maro waxa loo baahan yahay 184 Xildhibaan & 36 Senator = 220Xil.

Ma jirto cid madax-banaan oo xaqiijisey sheegashada labada dhinac.

05/03/2026

RAFLE MEDIA

05/03/2026

Kusoo Dhawaada Saaxiibayaal warbaahinta Casrigaa Ee RAFLE MEDIA

Address

Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RAFLE MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share