Wacyi-dhis

Wacyi-dhis kor u qaadidda iyo kobcinta wacyiga bulshada Somaaliyeed dhanka aqooneed iyo fekerba.

soo dhawaada.

''Inta maanku gaajaysan yahay guuli waa weli''
Hadraawi AHUN

24/11/2024

Naftu seeto yay waayin
Hana falin sidaa doonto.

-Hadraaw: Sirta nolosha

Abuuridda kownka iyo makhluuqaadka ilaahay abuuray la iskama abuurin ee midjasta ujeeddo iyo hadaf ayaa loo loo abuuray oo uu ka hayaa adduunka. Xayawaanka duurjoogta ah, dhirta fara badan ee kala jaadka ah, xoolaha aynu dhaqanno iyo waxkastoo naflay ah oo alle abuuray u jeeddo ayaa Eebe SWC ka leeyahay.

Bini'aadamku, tusaaale ahaa, wuxuu ka mid yahay makhluuqaas hase-yeeshee ka duwan inta kale oo dhan. Ilaahhay SWC ayaa karaameeyey oo ka fadilay inta kale adduunkana loo sakhiray si uu danihiisa ugu adeegsado ama ugu fushado. Eebe nimcooyin farabadan ayuu ku gallafaystay bini'aadamka kuwaas oo la soo koobi karin. Marka la soo uruuriyo waxa uu kaga geddisan yahay makhluuqaadka kale waxaa lagu soo koobaa laba qodob: Fekerta iyo Akhlaaqda.

Nimcooyinkaas ballaaran ee Eebe SWC ku mannaystay waxaa daba socda Imtixaan. Mahan hortaa bannaan iyo sidaa doonto yeel. Imtixaankaas waxaa ugu horreeya uguna muhiimsan inuu yahay 'Mukallaf' oo ka dhigan mid masuuliyad saaran tahay xisaabna laga sugayo. Waxa ugu horreeya ee masuuliyaddu ka saaran tahayna waa Naftiisa inuu ku sugo wadada qumman ee addeecidda Ilaahay, u hogaansanka amarradiisa iyo ka feejignaanta waxaa uu ka reebay.

Naftu had iyo jeer waa mid ku mamman/dhaggan dhal-dhalaalka iyo dhalanteedka, raacidda hawadeeda iyo waxay ay ka hesho hadba iyo dhex muquurashada danbiyada. Xakamaynta iyo ka ilaalinta hawo-raacidda ayuu ka dhalanayaa loollan xooggan ee u dhexeeya iyada Sayidkeeda.

وَمَا أُبَرِّئُ نَفْسِي ۚ إِنَّ النَّفْسَ لَأَمَّارَةٌ بِالسُّوءِ إِلَّا مَا رَحِمَ رَبِّي ۚ إِنَّ رَبِّي غَفُورٌ رَّحِيمٌ (53)

Ina Aadam waxaa waxaas oo nimcooyin ah waxaa loo siiyey inuu ku garto Allihii siiyey intan uguna mahadceliyo. Ku guulaysiga Imtixaankaasna wuxuu ku xirnaan doonaa seere iyo xakama u yeelidda nafta iyo shahawaadka ama wax ay naftu jeceshay.
Sideedaba iyadu waa mid ku maran shahawaadka oo, tusaale ahaa, haddii ay maanta adoo rogrogaya baraha bulshada ay kaasoo horbaxaan laba muuqaalka oo midna xumaato faafinayo midna wanaag naftu waxay u janjeertaa kan xumaanta akhrinaya. Markasta oo aad ka celisana waa markasta oo aad ka gudubto imtixaankii aynu kor uga hadalnay.

Naftu waxay inooga baahan tahay seere iyo xakame xadeeya meelaha ay rabto inay u foofto iyo waxa ay rabto inay qabato

Sannadahan danbe waxaa qabsaday baraha bulshada ay Soomaalidu isticmaasho gaar ahaan Tiktok rag dhalinyaro u badan oo ku...
20/11/2024

Sannadahan danbe waxaa qabsaday baraha bulshada ay Soomaalidu isticmaasho gaar ahaan Tiktok rag dhalinyaro u badan oo ku xifaaltama qabiilada marar badanna aflagaadeeya ama caaya qabiillo kale si ay daawasho badan (views) badan u helaan. Dhalintaas in badan oo ka mid ahi ayaa ka gudba xadka dhaqanka iyo anshaxa kana qayb qaata colaado iyo dagaallo reereed oo meelo Somaaliya ka mid ah ka dhacaya.

Waxaa kaloo jira, oo la yaabna ah, inay dad u badan kuwa qurbaha jooga ay fangareeyaan raggaas iyagoo siinaya Gifts wax loogu yeero oo ah lacago Online ah. Intaas waynu ka dharagsaanayn innagu laakiinse saaka waa wargayska Telegraph ee Ingiriiska laga leeyahay oo warbixin ka qoray arrintaas, isagoo tilmaamay inay abuuri karto isku dhac qabiil iyo nacayb faafa. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in qurbajoogta soomaaliyeed oo awalba ka soo cararay qaxa iyo rafaadka soomaaliya ka jira ay hadda qayb wayn ka yihiin ciyaaraha Tiktok ka socda daawayaasha ugu badanna ay yihiin iyo weliba kuwa ku bixiya lacagaha.

Waa la yaab qof meel uu shalay ka cararay oo isla wixii uu ka cararay dab ku sii shidaya oo sii bulaalinaya meeshuu inuu wax uun ka beddelo haba yaraatee isku dayi lahaa.

Mashriq iyo Maqrib waa la isla sheegay waallida iyo jahliga soomaali!

Many in Somali society are concerned that online bravado can cross the line into hate speech, worsening clan-based rivalries

15/01/2023

Soo dhawaada.🙏

Address

Inji Zone
Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wacyi-dhis posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share