Puntland News

Puntland News Kusoo dhawoow warbaahinta puntland news warar sugan & xogo rasmi ah

15/02/2026

Islaan Cise vs nabadoon Yasin

Madaxweynayaasha Puntland iyo jubbland ayaa diiday in wax sawir ah laga qaado kulan ay si wadajir ah ula yeelanayaan Xam...
13/02/2026

Madaxweynayaasha Puntland iyo jubbland ayaa diiday in wax sawir ah laga qaado kulan ay si wadajir ah ula yeelanayaan Xamse Cabdi Barre.

Kulanka oo hadda socda ayaa warbaahinta kala duwan laga reebay gudaha, iyadoo banaanka lagu ceshay ilaa amar dambe. Lama shaacin sababta rasmiga ah ee diidmada sawir-qaadista, balse tallaabadan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan ajandaha iyo natiijada kulanka.

Saciid Deni oo mar kale gobolka Mudug  taliye boolis uga dhigaya sarkaal kasoo jeeda gobolka Nugaal.Col Aarsade ayaa loo...
07/02/2026

Saciid Deni oo mar kale gobolka Mudug taliye boolis uga dhigaya sarkaal kasoo jeeda gobolka Nugaal.

Col Aarsade ayaa loo magacaabi doona maalmaha soo socda taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug iyadoo madaxweyne Deni uu diiday dhammaan saraakiishii kasoo jeeday Mudug ee araajida u dhiibatay,

Muumin Cabdi Shire taliyaha booliska Puntland ayaa ku qanciyay saciid Deni in xasaradda iyo xaaladaha ka aloolsan gobolka Mudug uu xal u noqon karo taliye Aarsade.

Taliyaha hadda jooga qaybta booliska Mudug ayey madaxtooyada Puntland uga shakisan tahay in uu mushaar ka qaato xiriirna la leeyahay booliska Xamar

30/01/2026

badu aad bay u kacsan tahay oo vedio'ah🙈

Waxaa xalay magaalada Garoowe ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Dhamme Jaamac Cabdinor Dambalaas Jaamac, oo ka mid ah...
29/01/2026

Waxaa xalay magaalada Garoowe ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Dhamme Jaamac Cabdinor Dambalaas Jaamac, oo ka mid ahaa saraakiisha muhiimka ah ee Ciidamada Amniga Puntland

Marxuumku wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan Guutada 3aad, Ururka Birjeex, isagoo hayay darajada Laba Xidigle (2-Star Officer). Intii uu ku jiray howlihiisa ciidanimo, wuxuu muujiyay hoggaan, geesinimo iyo karti shaqo, taas oo sababtay in uu kaalin muuqata ka qaato hawlgallo amni oo kala duwan.
Hayaankiisa ciidanimo

Dhamme Jaamac Cabdinor wuxuu guulo wax ku ool ah la gaaray cutubyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin:
Ciidanka PMPF
Ciidamada Daraawiishta Puntland
Ururka Birjeex, oo ahaa cutubka uu hadda ka tirsanaa

Marxuumka waxaa lagu xusuusan doonaa daacadnimo, u heellanaan difaaca shacabka iyo adkeynta amniga, gaar ahaan doorkii uu ka qaatay hawlgallada lagula dagaallamay cadowga daacish

Alle ha u naxariisto Dhamme Jaamac Cabdinor Dambalaas Jaamac, Jannatul Firdowsa ha geeyo, ehelkiisii iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo Aamiin

Wararka la faafinayo ee sheegaya in dad ku nafwaayeen deegaanka Ceel-Helay, oo hoostaga degsiimada Balibusle ee gobolka ...
28/01/2026

Wararka la faafinayo ee sheegaya in dad ku nafwaayeen deegaanka Ceel-Helay, oo hoostaga degsiimada Balibusle ee gobolka Mudug

waa warar aan sal iyo raad toona lahayn (Fake News)
Kadib xaqiijin rasmi ah oo la sameeyay saacad ka hor ma jirto wax cid ku nafwayday ama dhacdo dhimasho ah oo ka dhacday deegaankaas

inkastoo Guddoomiyaha Gobolka Mudug uu galabta warbaahinta u baahiyay xog aan la hubin

DEG DEG:Caawa Ummalkhayr Cabdiwali waxay ku aqal gashay magaalada Garowe, iyadoo si rasmi ah uga baxday iska-bulonimo Dh...
23/01/2026

DEG DEG:
Caawa Ummalkhayr Cabdiwali waxay ku aqal gashay magaalada Garowe, iyadoo si rasmi ah uga baxday iska-bulonimo Dhalinyaro badan oo ay ka mid yihiin Xabiib Farah, kuwaas oo h**e uga xumaa aqal-galkeeda ayaa haddana si niyad sami ah ugu hambalyeeyay, iyaga oo u rajeeyay nolol guur oo farxad iyo barwaaqo leh maxay ka dhigan tahay arintaas ?

In ka badan 7,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay si ...
17/01/2026

In ka badan 7,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay si ballaaran uga soo galay gobolka Mudug, iyadoo ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo shaacin ujeeddada dhabta ah ee ka dambeysa

dhaq-dhaqaaqan ciidan ee baaxadda leh.
Wararka laga helayo ilo amni ayaa sheegaya in gelitaanka ciidamadaasi uu yahay mid si xeeladaysan loo qorsheeyay, hase yeeshee ma jiro war cad oo ka soo baxay Madaxtooyada Dowladda Federaalka oo faahfaahinaya

qorshaha ama himilada ay halkaasi ka leeyihiin. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo iyo walaac isa soo taraya oo ay qabaan bulshada deegaanka iyo falanqeeyayaasha arrimaha amniga.
Khubaro ku takhasustay amniga iyo siyaasadda Soomaaliya ayaa falanqeyn ku tilmaamay in dhaq-dhaqaaqan milatari uu xambaarsan yahay khatar amni, islamarkaana uu sababi karo colaado hor leh haddii aan si taxaddar leh loo maareyn

Qaar kamid ah khubaradaasi waxay ka digeen in xaaladda Mudug ay qaadi karto waji u eg fowdadii iyo burburkii dalka galay sanadkii 1991, haddii khilaafaadka siyaasadeed iyo is-maandhaafka awood qeybsiga ay isku beddelaan dagaal hubeysan

Dhinaca kale, shacabka ku dhaqan gobolka Mudug ayaa muujinaya walwal iyo cabsi ku aaddan mustaqbalka amni, iyagoo ka baqaya in gobolka uu noqdo goob ay ku hardamaan dano siyaasadeed iyo milatari oo aan dan u ahayn xasilloonida iyo nabadda shacabka

Ugu dambeyn, indhaha shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa ku sii jeeda tallaabada xigta ee Dowladda Federaalka, iyadoo la sugayo caddeyn rasmi ah oo qeexaysa sababta dhabta ah ee ciidamadaasi loo geeyay Mudug, si looga hortago xaalad amni darro iyo burbur hor leh oo dalka dib ugu celin kara waqti madow oo la soo maray

Ahmed Apdi

Mohamed Cabdiwali Hirsi, oo loo yaqaan Indhoos waa macallinka iyo hoggaamiyaha kooxda Yasin Nor Indhoos Waa ciyaaryahan ...
09/01/2026

Mohamed Cabdiwali Hirsi, oo loo yaqaan Indhoos waa macallinka iyo hoggaamiyaha kooxda Yasin Nor Indhoos Waa ciyaaryahan da’yar oo hibbo gaar ah u leh kubadda cagta, kuna ciyaara booska dhexda (MR Goal)

Indhoos waxa uu si joogto ah u muujiyey karti, maskax ciyaareed iyo hoggaan muuqda taas oo ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu tayada wanaagsan ee ka soo baxa xaafadda SYL Doorkiisa dhexda garoonka waxa uu noqday laf-dhabarta isku xidhka weerarka iyo difaaca taas oo kooxdiisa keentay horumar la dareemi karo

Iyadoo la eegayo da’diisa hibadiisa iyo heerka uu ka gaadhay kubadda cagta Mohamed Cabdiwali Hirsi (Indhoos) waxa uu si buuxda ugu qalmaa in sanadkan loo dhiibo hoggaaminta xulka gobolka Mudug si uu ugu noqdo waji cusub oo horseeda guulo iyo mustaqbal ifaya

Madaxweyne Dani,waa Soo laabtay Maanta,waxaana sugaya shaqooyin door ah.Gudaha PL?1. Waxqabadka Xukuumada Laba Sano kadi...
04/01/2026

Madaxweyne Dani,waa Soo laabtay Maanta,waxaana sugaya shaqooyin door ah.

Gudaha PL?

1. Waxqabadka Xukuumada Laba Sano kadib ( 8 Janaayo).

2.Isku shaandhayn Golaha Wasiirada iyo Agaasimayaasha.

3.Gudi soo diyaariya talada rasmiga ah ee ....

B.Go'aanka PL ee aqoonsiga Israa’iil.
T. Midnimada iyo masiirka PL.
J. Dalka iyo sii wada joogiisa.

Isku shaandhaynta?

Aadbaa loo sugayaa oo loogu baahan yahay Xukuumada,Ciidanka iyo shaqaalaha hoose.

Xogaha aan helayno,waxay leeyihiin....

1.Sadex Wasiir oo Wajjiyo cusub oo Gobollada Sanaag,Sool iyo Bari ah...

B.Sanaag Amniga.
T. Bari Qorshaynta.
J. Sool Caafimaadka.

2.Sadex Wasiir oo Mudug ah lama taaban doono,kuwaasoo kala ah..

B.Cadaalada.
T. Waxbarashada.
J. Maaliyada.

3. Agaasimayaasha tagaya,waxaa ka mid ah....

B. Agaasimaha Biyaha.

4.Talyayaasha Ciidamada...

B.Talyaha Booliska Caydiid oo Haylaan ah.

T. Talyaha PMPF Muumin oo Nugaal ah.

J. Talyaha PMPF Cabdiraxmaan Dhinbil oo la gayn doono mid ka mid ah hogaamada Ciidamada Booliska.

Dhanka Somali weyn?

Somaliya,waxay galaysaa marxalad Xasan iyo Ayaxiisa dalka looga bad baadinayo.

Puntland talaabooyinka Dabka usaaran...

1.Shirweyne mucaaradka layskugu keeno markale in lagu qabto PL.

2.Shirkaas in lagu dhiso Gudi ay ku midaysan yihiin mucaaradka iyo Gudoon Guud.

3. Mucaaradku in ay dajiyaan doorashada nooca ay noqonayso iyo hanaanka ay uqabsoomayso.

Mw Deni Maanta,waa hogaamiyaha ugu saamaynta badan guud ahaan Somaliya.

JQ.

Address

Madaxtooyada Puntland
Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Puntland News:

Share