GM Goel media

GM  Goel media Welcome To GM goel media

Daniel Alves oo kaga digay kooxda Barcelona guuldarada heshiiska Neymar Jr bilooyin kahor.:Wargeyska “Mundo Deportivo” e...
04/09/2019

Daniel Alves oo kaga digay kooxda Barcelona guuldarada heshiiska Neymar Jr bilooyin kahor.

:Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday in Daniel Alves uu ku sharad tamay loolanka u dhexeeyay kooxaha Barcelona iyo Paris Saint-Germain, ee ku saabsanaa mustaqbalka xiddiga ay isku dalka ka soo wada jeedaan ee Neymar Jr.

Neymar ayaa lala xiriirinayay inuu ku laaban doono Barcelona inta lagu guda jiray suuqii kala iibsiga ee xagaaga, kaddib mudo labo sano uu ugu soo dhaqaaqay kooxda Paris St Germain heshiis rikoor ah ee gaarsiisnaa 222 milyan euro.

Bishii May ee lasoo dhaafay, xiligaas uu Daniel Alves ahaa xiddig ka tirsan Paris Saint-Germain ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalka Neymar Jr, wuxuuna xaqiijiyay in ninka ay isku wadanka yihiin uusan ka tagi doonin caasimada Faransiiska.

Daniel Alves ayaa xilligaas sheegay:

“Waxaan sharad ku galayaa, in Neymar Jr uu kusii nagaan doono Paris Saint-Germain”.

“Neymar wuxuu ku jiraa xaalad kala guur ah, sababtoo ah natiijooyinka uma fiicna sida la rabay, aad ayuu u jahwareersan yahay, wuxuuna doonayaa in natiijada ay si cad u muuqato”.

Waxaa xusid mudan in xiddigaha Daniel Alves iyo Neymar Jr ay si wada jir ah uga wada ciyaareen kooxaha Barcelona iyo PSG, si la mid ah xulka qaranka Brazil

MAHADSANID

Waakee xiddiga ku sugan Chelsea ay dooneyso Juventus inay la saxiixato suuqa jiilaalka ee soo aadan??:Wargeyska “Daily E...
04/09/2019

Waakee xiddiga ku sugan Chelsea ay dooneyso Juventus inay la saxiixato suuqa jiilaalka ee soo aadan??

:Wargeyska “Daily Express” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in macalinka kooxda Juventus ee Maurizio Sarri uu codsaday in loo sameeyo saxiixa xiddiga reer Brazil ee Willian marka la gaaro suuqa furmi doono bisha Janaayo ee soo aadan.

Maurizio Sarri iyo 31 jirkan reer Brazil ayaa ka soo wada shaqeeyay kooxda Chelsea xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, wuxuuna muhiim u ahaa xiligaas qorshaha macalinka reer Talyaani.

Willian ayeey wararku sheegayaan inuu doonayo ka tagista kooxda Chelsea, maadaama tan iyo markii uu yimid tababare Frank Lampard uusan si weyn u adeegsanin laacibkan kulamadii ay ka soo ciyaareen xili ciyaareedkan.



Wargayska ayaa sheegay in Maurizio Sarri uu qorsheenayo inuu la saxiixdo Willian bisha janaayo ee soo aadan si uu ugu sii xoojisto safka kooxda Juventus, wuxuuna ka codsaday maamulka inay kala xaajoodaan saraakiisha Chelsea, si heshiiskiisa loo dhameystiro xili h**e.

Juventus ayaa qorsheeneysa in Chelsea ay ku cadaadiso heshiiska ay kaga dooneyso Willian, maadaama qandaraaskiisa Blues uu dhacayo xili ciyaareedka soo socda, maadaama laga cabsi qabo in beeca xurta ah uu ku dhaqaaqo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

MAHADSANID

Laba Xiddig Oo Chelsea Ah Oo Tababarka Kaga Dambeeya Xiddigaha Kale Ee Kooxda Si Ay U Qanciyaan Tababare Franka Lampard ...
04/09/2019

Laba Xiddig Oo Chelsea Ah Oo Tababarka Kaga Dambeeya Xiddigaha Kale Ee Kooxda Si Ay U Qanciyaan Tababare Franka Lampard Oo La Ogaaday.

:Tababare Frank Lampard ayaa si adag ku bilowday xirfadiisa chelsea ee tababaranimo xilli ciyaareedkan kadib markii kaliya guul gaadhay hal kulan 4-tii kulan ee ay kooxdiisu ciyaartay ilaa haatan horyaalka premier League.

Laakiin waxa jira Laba xiddig oo tababarka kaga dambeeya xiddigaha kale ee kooxda si ay u caawiyaan kooxdooda sidoo kale una qanicyaan tababare Frank Lampard.

Chelsea ayaa badisay kaliya kulankii Norwich City ee Iyada oo bar-baro galay kulamada Leicester City iyo Shefiled United halka ay bar-baro kala kulmeen kooxda Man United.

Da,yarka Tammy Abraham ayaa dhaliyay 4 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan isaga oo min 2 gool ka dhaliyay kulamadii Norwich City iyo Shefiled United.

Laakiin arintaas ayaan ahayn mid la yaab leh marka loo eego in uu Tammy Abraham iyo da,yarka kale qaab ciyaareed fiican ku jira ee Mason Mount yihiin labada xiddig ee tababarka kaga dambeeya xiddigaha kale ee kooxda si ay u qanciyaan tababare Lampard.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in Tammy Abraham Iyo Mason Mount tababar gaar ah qaataan kadib marka ay Xiddigaha Blues ee kale ka baxaan tababarka si ay qaab ciyaareed fiican u soo bandhigaan.

Labada xiddig ayaa tabaabr ku qaata laadadka iyo waliba ka shaqaynta qaab ciyaareedkooda xilli uu tababare Lampard wakhti u diyaariyay labada xiddig si ay u horumariyaan qaab ciyaareedkooda.

MAHADSANID

Juventus oo ku dhawaaqday liiska xiddigaha kaga qeyb galaya kulamada Champions League xili ciyaareedkan… (Yaa Ka Maqan Y...
04/09/2019

Juventus oo ku dhawaaqday liiska xiddigaha kaga qeyb galaya kulamada Champions League xili ciyaareedkan… (Yaa Ka Maqan Yaase Ku Soo Baxay?)

:Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday liiska xiddigaha qaaska ah ee kaga qeyb galaya tartanka Champions League inta lagu gudi jiro xili ciyaareedkan 2019/2020.

Juventus ayaa dooneysa xili ciyaareedkan inay ku guuleysato koobka Champions League, kaddib markii ay saraakiisha Bianconeri dib u habeen xoogan ku sameeyeen safka kooxda saxiixyo waaweyn, sida daafaca reer Holland ee Matthijs de Ligt.

Bianconeri ayaa ku dhawaaqday liis ka kooban 22 ciyaartoy uu ku tiirsanaan doono tababare Maurizio Sarri kulamada Champions League ee xili ciyaareedkan.

Waxaa liiskan ku soo bixin magacyada xiddigo muhiim ah uu ugu h**eeyo Giorgio Chiellini kaasoo qaliin looga sameeyay jilibka lugta midig, waxaan sidoo kale liiskan ku soo bixin xiddigaha Emre Can iyo Mario Mandžukić.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo liiska 22 ciyaartoy ee kooxda Juventus kaga qeyb galaya tartanka Champions League xili ciyaareedkan 2019/2020:

Wojciech Szczesny, Mattia De Sciglio, Matthijs de Ligt, Miralem Pjanic, Sami Khedira, Cristiano Ronaldo, Aaron Ramsey, Paulo Dybala, Douglas Costa, Alex Sandro, Danilo, Blaise Matuidi, Juan Cuadrado, Leonardo Bonucci, Gonzalo Higuain, Daniele Rugani, Merih Demiral, Adrien Rabiot, Rodrigo Bentancur, Carlo Pinsoglio, Federico Bernardeschi, Gianluigi Buffon.

Giorgio Chiellini oo qaliin maray… (Ogoow mudadda uu maqnaanayo):Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ku shaacisay Website...
04/09/2019

Giorgio Chiellini oo qaliin maray… (Ogoow mudadda uu maqnaanayo)

:Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ku shaacisay Website-keeda rasmiga ah in si guul ah looga gudbay qaliinkii lagu sameeyay Giorgio Chiellini, si uu kaga soo kabsado dhaawaca ka soo gaaray Jilibkiisa lugta midig.

War rasmi ah ee ka soo baxay kooxda Juventus ayaa lagu shaaciyay in Giorgio Chiellini uu garoomada ka maqnaan doono inta badan xilli ciyaareedkan.

Macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri ayaan ku xisaabtami doonin adeega Giorgio Chiellini mudo dhan 6 bilood.

35 jirkan ayaa soo gaaray dhaawac dhanka jilibka ah inta lagu gudi jiray tababarka Juventus, iyadoo war rasmi ah ee ka soo baxay kooxda lagu sheegay:



“Giorgio Chiellini wuxuu maanta maray qaliin jilibka lugta midig ah si uu kaga soo kabsado dhaawaca uu ka qabo”.

“Qaliinkan waxaa fuliyay Professor Christian Fink, waxaana ku wehliyay dhakhtarka kooxda Juventus ee Dr. Tsironis, wuxuuna qaliinka ku dhamaaday si guul ah”.

“Waqtiga soo kabashadiisa waxaa la filaayaa inay gaari doonto mudo 6 bilood ah”.

Dhaawaca soo gaaray Giorgio Chiellini ayaa waxay war wanaagsan u tahay daafaca reer Holland ee Matthijs de Ligt kaasoo fursad u waayay inuu ka soo muuqdo shaxda Juve kulankii furitaanka ee horyaalka Serie A, laakiin kaddib dhaawaca Chiellini waxaa iska cad booskiisa kooxda.

Taageerayaasha Barcelona oo doortay heshiiskii ugu muhiimsanaa ay kooxda ka sameysay suuqii kala iibsiga ee xagaaga:Taag...
04/09/2019

Taageerayaasha Barcelona oo doortay heshiiskii ugu muhiimsanaa ay kooxda ka sameysay suuqii kala iibsiga ee xagaaga

:Taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa doortay heshiiskii ugu muhiimsanaa ee ay kooxdu sameysay intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaaga ee xalay lasoo xiray.

Wargayska “Mundo Deportivo” oo si aad ah ugu dhaw kooxda reer Catalonia ayaa cod uruurin ka sameeyay taageerayaasha Barca, taasoo ku saabsan arimo badan, sida heshiisyadii ugu fiicnaa ay kooxda dhameystirtay, iyo ciyaaryahanka ay muhiim aheyd in maamulka ay shaqaaleysiiyaan.

Inta ugu badan taageerayaasha ayaa waxay u codeeyeen in xiddiga Atletico Madrid ee João Félix xiddigii ugu fiicnaa ay muhiim ahaan leyd in kooxda ay la saxiixato inta uu furnaa suuqan xagaaga.

Sidoo kale jamaahiirtya kooxda Barcelona ayaa waxay maamulka ku eedeeyeen inay ku guuldaraysteen sameynta heshiiska xiddiga naadiga Paris St Germain ee Neymar Jr.

Natiijooyinka kasoo baxay aftida uu sameeyay wargayska “Mundo Deportivo” ayaa waxay noqotay sidan:



Heshiiskii ugu fiicanaa ay sameysay kooxda Barcelona xagaagan:

Frenkie de Jong: Wuxuu helay 75% ee ah cododka taageerayaasha.

Antoine Griezmann: 17%.

Neto 2%.

Junior Firpo 2%.

Heshiisyadii ay fiicneyd inay baxaan:

Philippe Coutinho: 64%

André Gomes: 26%

Malcom: 6%

Vermaelen: 3%

Denis Suárez: 2%

Rafinha: 2%

Jasper Cillessen: 1%.

Heshiisyadii ay jeclaan lahaayeen inay sameeyaan maamulka kooxda Barcelona?

João Félix: 57%.

Ciyaartoy kale: 30%.

Eden Hazard: 6%.

Mauro Icardi: 3%.

Nicolas Pépé: 2%.

Harry Maguire: 1%.

Sideed u qiimeyneysaa howlgalkii maamulka kooxda Barcelona ee ku aadanaa heshiiska Neymar Jr?

Mid naxdin leh: 72%

Dhex dhexaad: 10%

Waa mid la aqbali karo: 7%

Fiican: 7%

Aad u fiican: 5%

Fadeexad Jaceyl: Thibaut Courtois & Sidii uu ula wareegay Gabadhii uu Jeclaa Kevin De Bruyne… (Xalkuse muxuu noqday?:Waa...
03/09/2019

Fadeexad Jaceyl: Thibaut Courtois & Sidii uu ula wareegay Gabadhii uu Jeclaa Kevin De Bruyne… (Xalkuse muxuu noqday?

:Waa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu xiisaha badan oo ay Jaraa’idyadu ka shifeen dagaalkii Kevin De Bruyne & Thibaut Courtois ee la xiriira haasaawaha, mana ahan sheeko naadir ah oo tan oo kale waa ay ka dhex dhacdaa xiddigaha ciyaara kubadda cagta ama guud ahaan ciyaaraha kala duwan.

Kevin De Bruyne iyo Thibaut Courtois waa labo xidig oo saameyn weyn ku leh kubadda cagta heerka sare ee haatan, waxa ayna u kala saftaan Kooxaha Real Madrid iyo Man City, iyagoo wada matala xulka qaranka Belgium, waxaana ka dhex dhacday sheeko maseyr ahayd oo labada xiddig ay isku qabsadeen hal Gabar.

Sidee ayey labada xiddig ugu dagaalameen hal gabar, sirta ka dambeysay isku dhacooda, gabadha oo iyaduna ka hadashay arrinta xasaasiga ah iyo shaqsiga ay jeclaatay labadooda, xogahaasi iyo kuwa ka badan ka daawo muuqaalka hoose.

Mahadsanid

03/09/2019

Wll kusoo biir page_ka GM . Lana soco ciyaaraha iyo warar kii ugu dan beeyay

Saddexda xiddig ee ku tartami doona abaal-marinta xiddiga bisha Agoosto ee kooxda Man United oo la shaaciyey:Inkastoo na...
03/09/2019

Saddexda xiddig ee ku tartami doona abaal-marinta xiddiga bisha Agoosto ee kooxda Man United oo la shaaciyey

:Inkastoo natiijooyinka Kooxda Manchester United aysan qurux badnayn afartii kulan ee ugu horreeyay horyaalka Premier League fasalkan 2019/20, waxaana kaliya ay haystaan hal natiijo aan oo qurux badan oo ay ka gareen kooxda Chelsea taasi oo cabirka ay la egtahay deedda awoodeed oo ay saxiixyada xagaagan ay kooxda sameeysay sida, Daniel James, Aaron Wan Bissaka iyo Harry Maguire, kuwaasi oo ah saddexda xiddig ee u tartami doona abaal-marinta bisha Agoosto ee kooxda Man Utd.

DANIEL JAMES – 4 kulan / 3 gool ayuu dhaliyay

Xiddiga da’da yar ee reer Wales ayaa si fiican ku bilawday nolosha kooxdiisa cusub ee Man United kaddib markii uu kaga soo biiray Swansea City bishii June.

Daniel James waxa uu dhaliyay gool daqiiqado gudahood markii uu badal ku soo galay kulankii Chelsea ee tartan rasmi ah, waxaana uu dhaliyay gool kale oo cajiib ah taasi oo aheyd barbarihii ay la galeen kooxda Crystal Palace kulankii ka dhacay garoonka Old Trafford.

James ayaa intaasi kaddib wuxuu gool kale oo qurux badan ka dhaliyay kooxda Southampton dheeshii isbuucan, in kastoo barbardhac lagu kala baxay.

HARRY MAGUIRE – 4 kulan ayuu u saftay

Maguire si deggan oo xasilloon ayuu ku bilawday noloshiisa kooxda, isaga oo ku daray difaaca kooxda Manchester United dareenka awoodda iyo deganaanshaha safka dambe ee kooxdiisa, inkastoo ay cilado yar iska jireen, balse isaga laguma eedeyn karo middaasi.

Gudbinta aragtidiisa ayaa ku soo kordhisay waji cusub kulammada kooxda waxaana lagu amaani karaa ku dagaalanka kubbadaha jooga sare, taasoo gacan wayn ka geysatay hannaanka difaaca Man United.

AARON WAN-BISSAKA – 4 kulan ayuu saftay

Wan-Bissaka waxa uu u soo celiyay qayb ka mid ah farxadda Jamaahiirta, isaga oo aan ka baqaneynin kuwa ka soo horjeedda, waxaana uu lahaa taxaddar aan caadi ahayn.

Daafaca dambeedka bidix ee lagu naanayso wiilka caara-caarada wuxuu ahaa mid si joogto ah u

Willian Oo Diidan In Hishiis Cusub U Saxiixo Chelsea , Maxaa U Sabab Ah ?:Ilo wareedyo saxaafadda Italy ay qoreyso ayaa ...
03/09/2019

Willian Oo Diidan In Hishiis Cusub U Saxiixo Chelsea , Maxaa U Sabab Ah ?

:Ilo wareedyo saxaafadda Italy ay qoreyso ayaa sheegaya in garabka kooxda Chelsea ee willian uu qorsheynayo in xagaaga dambe u wareego Juventus

Willian aya xagaagii h**e lala xariiriyay Barcelona balse Chelsea ayaa diiday ka dib markii Hazard uu u wareegay Real Madrid dhawaan

Tutto Mercato ayaa sheegeysa in laacibkaas reer Brazil uu diiday in hishiis cusub uu u saxiixo Chelsea xilli midkiisa haatan uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka dambe

Talaabada uu ku diiday Willian in qalinka uu ku duugo hishiis cusub ayaa ah ka dib wadahadallo uu la galay Juventus ayna isla meel dhigeen in qaab xor ah ugu soo wareego marka xilli ciyaareedka uu dhamaado

Juventus ayaa xagaagaan dhowr ciyaartooy kula soo wareegtay qaab xor ah waxaana ka mid ah Ramsey oo ay Arsenal ka soo heleen iyo Rabiot oo PSG ahaa

Address

Big Street
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when GM Goel media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share