06/11/2025
Shalay xarunta Baarlamaanka Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ka dhacay dhacdo aan waafaqsanayn hab-maamuuska baarlamaannimo, kuna suntan gaf siyaasadeed iyo sumcad-dil qaran. Hadallada iyo eedeymaha aan salka sharci ku fadhiyin ee halkaas laga jeediyay waxay dhaawac u geysteen sharafta iyo karaamada guud ee shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka iyo Dowladda Puntland, iyo weliba magaaladda Bosaaso, oo leh taariikh, sharaf, iyo kaalmo qaran oo muuqata.
Sida la wada ogyahay, dhammaan xogaha iyo doodaha ka dhaca goleyaasha Dowladda waa in lagu saleeyaa ilaalinta midnimada dalka, tixgelinta nidaamka federaalka, iyo dhowrista xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Hadalladii meeshaas ka dhacay waxay ahaayeen kuwo si degdeg ah loo yiri oo aan laga fiirsan, isla markaana sababi kara:
• 𝐊𝐢𝐜𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚-𝐝𝐡𝐚𝐱𝐚𝐲𝐧 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐝𝐞𝐞𝐝𝐚,
• 𝐊𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐬𝐨𝐨𝐧𝐢-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝, • 𝐈𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐚𝐰𝐚𝐜 𝐤𝐮 𝐲𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐬𝐭𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐜𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚.
Waxaa xusid mudan, sida uu sheegay Mudane Xasan Xaamid Xasan, Ku-Xigeenka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ee Sudan, in dalalka ka qeyb galiay colaadaha Sudan uusan ku xusin Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax caddeyn ah oo la xiriirq eedeymaha la sheegay. Sidaas darteed, hadallada noocan ah waxay noqon karaan ku xadgudub madax-bannaanida qaran.
𝗤𝗢𝗗𝗢𝗕𝗔𝗗𝗔 𝗦𝗛𝗔𝗥𝗖𝗜𝗚𝗔 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗦𝗔𝗔𝗕𝗦𝗔𝗡 𝗔𝗥𝗥𝗜𝗡𝗧𝗔𝗔𝗡𝗜:
1. Dastuurka KMG ah – Qodobka 54-aad wuxuu qeexayaa wada-shaqeynta iyo kala xadeynta awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
• Hadallada dhaawacaya Dowlad Goboleed waxay ka hor imanayaan dastuurka dalka.
2. Dastuurka – Qodobka 10-aad wuxuu farayaa ilaalinta midnimada dhuleed iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliya.
• Eed maran oo ka dhan ah qayb ka mid ah shacabka Soomaaliyeed waxay lid ku tahay qodobkani.
3. Xeerka Ciqaabta Soomaaliya (Penal Code) – Qodobada 451, 452 iyo 453
(Sumcad-dil iyo Aflagaado aan Caddayn Loo Hayn)
• Xeerka Ciqaabta Soomaaliya wuxuu si cad u mamnuucayaa faafinta eedeyn, hadal, qoraal, ama warbeen-abuur dhaawacaya sharafta, karaamada, ama maamuuska shakhsi ama hay’ad dowladeed.
Hadallada lagu dhaawacayo sumcadda Puntland iyo shacabka deggan waa lagu qaadi karaa mas’uuliyad sharci.
• Xeerka ciqaabta soomaliyeed (Qodobka 219 ee xeerka ciqkhalkhal gelinta ummada iyo dawlada)
• Qodobka 269 xeerka ciqaabta soomaaliyeed ( Aflagaado loo geysto laan siyaasi ah ama maamul ah ama mid garsoorid)
𝗕𝗢𝗦𝗔𝗦𝗢 – 𝗛𝗢𝗢𝗬𝗔𝗗𝗔 𝗨𝗠𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗘𝗘𝗗
Bosaaso waa magaaladii xilli walba u adeegaysay ummadda Soomaaliyeed, iyadoo hoy iyo nabad u noqotay boqolaal kun oo Soomaali ah dagaallo iyo dhibaato ka soo barakacay. Waa xarun ganacsi, dhaqaale, iyo nabad-raadis qaran oo la wada siman yahay. Sumcadeeda iyo astaanteeda ma aha mid lagu ciyaaro.
𝗕𝗔𝗔𝗤 𝗜𝗬𝗢 𝗧𝗔𝗟𝗢
Waxaan u soo jeedinaynaa Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka in uu:
Soo saaro warsaxaafadeed cad oo sharaxaya mowqifkiisa rasmiga ah,
Isla markaana uu ka noqdo eedeymaha aan salka sharci ku lahayn ee ay wargaysyada iyo dadka qaarkood si khaldan u fasireen,
Si loo ilaaliyo midnimada siyaasadeed, karaamada Dowladda, iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
Xildhinaan Mohamed Shendi
Puntland