Radio Garowe

Radio Garowe Bogga Rasmiga ah ee Idaacadda Radio Garoowe

18/10/2025

Waxaa si habsami leh u socota Waddada isku xiri doonta Dhaadaar iyo Boosaaso.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo faray inay yimaadaan shir ka dhacaya...
18/10/2025

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo faray inay yimaadaan shir ka dhacaya Garowe.

18/10/2025

Awrtu waa gadiidka ugu muhiimsan Calmiskaad, waxayna qayb ka qaateen dagaalka ciidamada difaaca Puntland cagta ku marriyeen argagixisada Dc*ish.

18/10/2025

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan laga hadlay xaaladda guud ee dhaqaalaha Puntland iyo dabagalka Miisaaniyadda 2025.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Guddiga Maaliyadda Golaha iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaan diiradda lagu saaray kor joogteynta hirgelinta miisaaniyadda 2025, bixinta qoondada hay’adaha dowladda, iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada.

Sawirro: Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirk...
18/10/2025

Sawirro: Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Abdirisaaq Abdulaahi xagaa, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Jaamacadda Pwani ee dalka Kenya, Prof. James Kahindi iyo Hormuudka Kuliyadda Culuumta Badda iyo Kalluumaysiga, Prof. Bernerd Fulanda.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyey heshiis iskaashi oo dhexmaray Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Jaamacadda Pwani ee Kenya, iyadoo deeq Waxbarasho oo heerka Labaad ah ay Jaamacadu siinayso shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga, si loo horumariyo aqoonta iyo xirfadaha Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud Cismaan Maxamuud Cali, Maamulayaasha Jaamacadaha East Africa iyo CityCot oo qayb ka ah heshiiska Iskaashi iyo masuuliyiin kale.

Garoowe: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon.Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo la...
18/10/2025

Garoowe: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon.Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagaga hadlayey xaaladda Guud ee dhaqaalaha Puntland iyo dabagalka Miisaaniyadda 2025.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in goluhu xog ka helo arrimaha dhaqaalaha dalka, daba galo nidaamka guud ee maaliyadda, kharash bixinta qoondada miisaaniyadda, islamarkaana lagu kor-joogteynaya dhaqan-gelinta Miisaaniyadda 2025 ee Goluhu ansixiyey. Waxaa si gaar ah loo kor istaagay xaquuqda shaqalaha, ciidamada iyo guud ahan cabashooyinka jira taas oo ugu dambayn dood iyo falanqayn dheer kadib Guddomiyuhu kula dar-daarmay wasaaradda maaliyadda adkeynta Ilaalinta xuquuqaadka shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dawladda, iyadoo la soo jeedeyey xalal ku saabsan bixinta xuuqaha iyo culaysyada kale iswaafajintooda.

Dhinaca kale, waxaa Wasaaradda maliyadda la faray, dar-dargelinta dakhli Ururinta, beekhaaminta kharashka iyo bixinta, iyadoo loo balamay kulamo kale.

18/10/2025

"Waxaan DFS ku cambaaraynayna khal khalka ay ka wado gobolka Sanaag iyo isku dirka ay ka wadaan gobolka Sool" gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Cabdinaasir Maxamuud Guray oo kasoo jeeda Puntland ayaa ra'iisul wasaaraha DFS Xamse Cabdi Barre u magacaabay maareeyaha...
18/10/2025

Cabdinaasir Maxamuud Guray oo kasoo jeeda Puntland ayaa ra'iisul wasaaraha DFS Xamse Cabdi Barre u magacaabay maareeyaha guud ee garoonka Aadan Cadde, Cabdinaasir ayaa horay usoo qabtay jagadaan.

Muqdisho: Waxaa maanta kooram la'aan u baaqday fadhigii golaha shacabka kadib markii ay xildhibaano badan soo xaadiri wa...
18/10/2025

Muqdisho: Waxaa maanta kooram la'aan u baaqday fadhigii golaha shacabka kadib markii ay xildhibaano badan soo xaadiri waayeen, waxaaana si dhab ah loo ogayn sababta ay fadhiga ugu baaqdeen.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii Xildhibaanadu ku kala qayb sameen xubnaha la doortay ee BFS ku matali doona Baarlamaanka Bariga Afrika, waxaana laga tagay mataaladii Puntland iyo Waqooyi bari.

Waxay arrintaani dhalisay buuq iyo in cadaadis ay saaran tiro xildhibaano ah ra'iisul wasaare Xamse iyo gudoomiye Aadan Madoobe.

Ceel riig ah oo dhawaan laga hirgaliyey deegaanka XamXama ee Garowe oo biyo badan keenay ayaa dadka deegaanku ku diirsad...
18/10/2025

Ceel riig ah oo dhawaan laga hirgaliyey deegaanka XamXama ee Garowe oo biyo badan keenay ayaa dadka deegaanku ku diirsadeen, xilli abaar iyo biyo la'aan ay ka jirto , waxaana dhagax dhigay masuuliyiin uu kamid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Jowle Jaamac.

18/10/2025

Godkasto ay galaan argagixisada Dc*Ish ciidamada difaaca Puntland waa ku holcinayaan.

Address

Islaan Mohamed Street
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Garowe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio Garowe:

Share