Wargeys somali tv

Wargeys somali tv Wargeys.com kala soco wararka oo dhan

04/11/2025

Sida laga soo xigtay Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF, Soomaaliya ayaa samaynaysa koboc dhaqaalaha oo ay ugu marayso sannadkan dalalka khaliijka qaar kood.

Ma dareentey koboc dhaqaale?

31/10/2025
24/10/2025

Waxaa soo ifbaxaya kala qeybsanaan u dhaxeysa xubnaha ku haray Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ku saabsan muddo-kordhinta la rumeysan yahay inay raadineyso Villa Somalia, xilli uu gabaabsi yahay muddo-xileedka Xasan Sheekh.

Sida aan xog ku helnay, khilaafka ayaa ka taagan sida loo wajahayo muddo-kordhinta la tuhunsan yahay inay ku socoto Villa Somalia, iyadoo xubno qaar ay qabaan in hadda war laga soo saaro oo la dhalleeceeyo, halka kuwa kalena ay rumeysan yihiin in aan laga hadlin maadaama weli madaxweynaha uu waqti sharci ah u harsan yahay.

Xubno ay ku jiraan Shariif Sheekh Axmed, Cabdi Faarax Shirdoon iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qaba in laga hortago hawshaas, oo si rasmi ah mawqif looga qaato lana soo saaro war-murtiyeed, si loo weeciyo dhiirigelin kasta oo Villada ay ka qabto inay ku dhaqaaqdo qorshahan.

Hase yeeshee, xubno kale oo ay ka mid yihiin laba ra’iisul-wasaare h**e, Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, ayaa aaminsan in warkan uu yahay mid aan sal lahayn, sidaas darteedna ka hadalkeedu uu sharciyad iyo dhiirigelin siinayo Madaxweyne Xasan Sheekh. Xubnahan ayaa qaba in la sugo illaa Villa Somalia ay tallaabadan ku dhaqaaqdo ama muujiso calaamado.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa muddo-xileedkiisa ka harsan ku dhowaad 7 bilood, oo macnaheedu yahay in weli uu waqti ku filan u harsan yahay si loo billaabo qabashada doorashada.

Hase yeeshee, xubno ka mid ah mucaaradka ayaa rumeysan in doorashada qof iyo cod ujeedadeedu tahay in marka waqtigu soo dhowaado laga laabto; taasi oo waqti dheeri ah siinaysa madaxweynaha si uu xafiiska u sii joogo, kadibna billaabo qabashada doorasho dadban. Madaxweyne Xasan ayaa muddo ku adkeysanayey in uusan rabin muddo-kororsi, ayna ka go’an tahay inuu fuliyo ballan-qaadkii uu sameeyey ka hor inta aan la dooran, ee ahaa qabashada doorasho qof iyo cod.

17/10/2025
17/10/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY XUBNAHA SOOMAALIYA KU MATALAYA BAARLAMAANKA BARIGA AFRIKA

Muqdisho, Oktoobar 15, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maanta u doorteen in ay Soomaaliya ku matalaan Baarlamaanka Bariga Afrika.

Madaxweynuhu ayaa sheegay in ka mid noqoshada Xildhibaannadan ee Golaha Baarlamanaka Bariga Afrika ay tahay guul Soomaaliyeed oo ka tarjumaysa dib u kabashada dalka iyo kobaca doorka bulsho ee Soomaaliya, waxa uuna ku booriyey xubnahan in ay si firfircoon uga shaqeeyaan danaha iyo codka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaannadan laga sugayo in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo bulsho ee Bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.

DHAMMAAD

Mohamed Dugoow
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
[email protected]

17/10/2025
16/10/2025
16/10/2025

Xuska Maalinta Cuntada Adduunka 16 october


16/10/2025

Gobolkee Soomaaliya kaga taallaa magaaladan mar ahayd il dhaqaale oo caalamka quudisa?
https://bbc.in/4qeGdgq

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wargeys somali tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wargeys somali tv:

Share