15/08/2025
Waxaa dhawaan magaaladda Jalam ku soo idlaaday, tartan uu soo agaasimay maamulka Ciyaaraha deegaanka kaas oo ay ku tartameen Afar kooxood oo Xaafaddaha magaaladda ah, Kooxx ka socotay degsiimadda Kala-bayr iyo Daarusalaam.
Koobka oo heerar kala duwan soo maray ayaa ugu dambayn, waxaa final iskugu yimid Kooxda FC- Dhagaxlay iyo Kooxda degsiimadda Kala-bayr. Ugu dambayn waxaa koobka hanatay Kooxda FC-Dhagaxlay ee xaafadda Dhagaxlay.
Guddoomiyaha Ciyaaraha magaaladda Jalam Maxamuud Arday ayaa boggaadiyay, guud ahaan ciyaartaydii qeybta ka ahayd tartanka isaga ku ammaanay doorka qiimaha leh iyo habsami u socodka tartanka. Ugu dambayn halkaas waxaa Abaal-marino lagu guddoonsiiyay guulaystayaashii tartanka.
Jalam Media Inc