01/12/2024
Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu taageerayey dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe). Xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada, sida nabadoonnada, siyaasiyiinta, haweenka, iyo dhalinyarada, ayaa diiradda lagu saaray taageerada hoggaankiisa iyo dadaallada uu ku bixiyo midnimada iyo horumarinta Jubbaland.
Ka qeybgalayaashu waxay Axmed Madoobe ku tilmaameen hoggaamiye ka shaqeynaya isku duubnida bulshada iyo maamul wanaagga. Waxay si gaar ah u ammaaneen dib u doorashadiisa, taasoo ay ku sheegeen mid sharci ah oo muujineysa rabitaanka shacabka Jubbaland. Waxaa sidoo kale la bogaadiyey dadaallada uu ku bixinayo sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, xukuumadda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhaliilo culus loo jeediyey. Waxaa lagu eedeeyey inay ku guuldareysatay in si dhexdhexaad ah loo maareeyo xiriirka kala dhaxeeya maamul goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland. Ka qaybgalayaashu waxay sheegeen in dowladda dhexe ay ku mashquulsan tahay faragelinta maamul goboleedyada, halkii ay ka shaqeyn lahayd taageeridda midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.