
11/11/2024
: Madaxweyen Deni iyo guddoon Baarlamaanka Puntland ayaa ku heshiiyay in mushaar kordhin loo sameeyo xildhibaannada Baarlamaanka islamarkaana mushaarkooda laga dhigo $4000 oo dollar.
Mushaarka Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo ahaa $2500 dollar ayaa hadda lagu kordhin doonaa $1500 taasi oo wadar ahaan noqonaysa $4000 kun oo doollar sida ay ii sheegeen dad xog-ogaal ah.
Tallaabadani ayaa timid kadib markii dhawaan mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Puntland soo gudbiyeen mooshin ku saabsan in mushaar kordhin loo sameeyo Baarlamaanka.
Abdoulrahman Isse