05/06/2025
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar cusub oo mamnuucaya gelitaanka muwaadiniinta ka soo jeeda 12 dal oo uu ku jiro Soomaaliya, isaga oo ku sababeeyay in tallaabadan lagama maarmaan u tahay ilaalinta dalka Maraykanka "argagixisada ajnabiga ah" iyo khataraha kale ee amni.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah ololaha adag ee ka dhanka ah socdaalka ee uu Trump bilaabay marka uu galay muddo-xileedkiisa labaad. Waxa sidoo kale qayb ka ahayd masaafurinta boqolaal muwaadiniin reer Venezuela ah oo loo haysto xiriir ay la leeyihiin kooxaha burcad-badeedda, iyo dadaallo lagu diidayo in qaar ka mid ah ardayda ajnabiga ah ay iska diiwaangeliyaan jaamacadaha Maraykanka.
Dalalka ay saameynayso mamnuucidda buuxda ee socdaalka waa:- Afghanistan, Myanmar, Chad, Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan, iyo Yemen.