Gale Joog

Gale Joog ARDAA Waa Shirkad Warbaahineed Kashaqaysa Arimaha Bulshada.

10/04/2026

Bosaso Airport.
Juma Mubarak.

Markabkii ceelasheenna ka soo saari lahaa shidaalka oo ku soo xirtey Dekeda Muqdisho.Laakiin adigu ka shacab ahaan barwa...
09/04/2026

Markabkii ceelasheenna ka soo saari lahaa shidaalka oo ku soo xirtey Dekeda Muqdisho.

Laakiin adigu ka shacab ahaan barwaaqadaas waxaad wax ka heli doonta marka siyaasiyiinta & reerahoodu dhergaan inta ka soo harta.

Mayor-ka cusub ee New York city Mamdani ayaa mushaar ahaan u qaadan doona sanadkii lacag dhan $258,750 taas oo cel celis...
05/11/2025

Mayor-ka cusub ee New York city Mamdani ayaa mushaar ahaan u qaadan doona sanadkii lacag dhan $258,750 taas oo cel celis ahaan bishii dhan uu Mushaar u heli doono lacag aan ka badneyn $21,000.

Waxaa xusid mudan in New York budget-keeda sanadlaha ah uu yahay $104.8 billion.

Surya Gal Matahay Gudoomiyaha Gobolka Banadir Cadeeyo Budgetka Saxda ah re magalada Muqdisho soo gala Iyo Mushaarka uu Qaato cadadkiisa.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Budget-ka Soomaaliya ee sanadkii 2024 uusan ka badneyn USD $1.0 billion.

Farqiga waa duni isla xisaabtanta, iyo duni qofba meeshuu kasoo gaaro uu darsado badeelka.

WARSAXAAFADEED, BOOLIISKA PUNTLAND:Ciidanka Booliska Puntland wuxuu wargelin muhiim ah u dirayaa shacabka reer Puntland,...
04/11/2025

WARSAXAAFADEED, BOOLIISKA PUNTLAND:

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu wargelin muhiim ah u dirayaa shacabka reer Puntland, isagoo ku wargelinaya in la bilaabay hawlgallo amni oo ballaaran oo lagu xaqiijinayo xasilloonida, ilaalinta sharciga, iyo badbaadada guud ee bulshada.

Hawlgalladani waa qayb ka mid ah qorshaha istiraatiijiga ah ee xoojinta amniga dalka, laguna bartilmaameedsanayo falalka amni-darrada, hubka sharci-darrada ah, iyo dhaqdhaqaaq kasta oo lid ku ah nabadda iyo kala dambeynta bulshada.

Waxaa si gaar ah digniin loo dirayaa:

• Qof kasta oo hub sharci-darro ah ku dhex qaata magaalooyinka.
• Qof kasta oo wata gaadiid aan taariko lahayn ama aan diiwaan-gelin rasmi ah heysan.

• Qof kasta oo isticmaala, iibiyo, ama ku lug yeesha maandooriyeyaasha.

• Qof kasta oo isku ekeysiiya ciidan ama si sharci-darro ah u adeegsada dharka iyo astaamaha ciidamada amniga.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu caddeynayaa in tallaabo sharciga waafaqsan oo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda falal amni-darro, khatar ku ah amniga bulshada, ama carqalad ku ah hawlgallada amniga ee socda.

Shacabka Puntland waxaa lagu boorinayaa inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga, kana qayb qaataan ilaalinta xasilloonida iyo dawladnimada.

Amniga Puntland waa masuuliyad qaran iyo mid bulsho oo wadajir ah.

Haddii aad aragto fal dambiyeed, qof laga shakiyey, ama xaalad amni oo halis ah, la soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland adigoo wacaya 999

Ciidanka Booliska Puntland waa diyaar 24/7 — si ay u gutaan waajibaadkooda ilaalinta sharciga, difaaca shacabka, iyo sugidda nabadda dalka.

Wasarada Humanitarian Ka Dowlada Puntland Ayaa Gabtay Guud Ahaan Shaqaday Uhaysay Dadka Reer Puntland Kadib Markay Awood...
04/11/2025

Wasarada Humanitarian Ka Dowlada Puntland Ayaa Gabtay Guud Ahaan Shaqaday Uhaysay Dadka Reer Puntland Kadib Markay Awoodi Wayday Inay Shaqo La Taaban Karo Ka Qabato Taakulaynta Iyo La Socoshada Xaaladaha Bini’aadanimo Dalka Ka Jirta.

Dad Waynaha Reer Puntland Ayaa Ladaaladhacaya Roobla’aan Sicir Barar Iyo Abaayo Daba Dheerad Oo Sababay In Lawaayo Baad Kii Iyo Biyihii Nolosha Aadanaha Saldhiga U Ahayd.

Qaybo Kamida Gonolada Puntland Ayey Ka Imanaysaa Qaylo Dhaan Ku Salaysan Biyo La’aan Ay Sababtay Abaaraha Daba Dheeradaay Taas Oo Sababi Karta Iyo Dad Iyo Duunyaba Aysaamayn Xoogleh Ugaysato.

Maxay Kulatahay?
Nala Wadaag Faladaada.

ARDAA

Ciidanka Danab Ee Ka Amarqaata Jeneraal Jimcale Jama Takar Ayaa Cadeeyey Inay Hiigan Buuxa Ku Jiraan Dowlada Puntlandna ...
03/11/2025

Ciidanka Danab Ee Ka Amarqaata Jeneraal Jimcale Jama Takar Ayaa Cadeeyey Inay Hiigan Buuxa Ku Jiraan Dowlada Puntlandna Ay Kala Xarig Furteen Kadib Markay Xuquuq Aysheeg Inay Dowlada Ka Helijireen Ka Goosatay Hanjabaadna Ugu Dartay.

Maka Dhabayn Doontaa Dowlada Puntland Go’aan Keedii Ahaa In Ciidan Aan Ka Amar Qaadan Dowlada Uusan Puntland Ka Shaqayn Doonin.

Maxay Kulatahay?
Faladaada Hoos Noogu Reeb.

Culimada Reer Xamarka Iyo Culimada Reer Waqooyigu Ma Ka Dhiiran Yihiin Culimada Reer Puntland!!?Culimada Reer Koonfur Iy...
02/11/2025

Culimada Reer Xamarka Iyo Culimada Reer Waqooyigu Ma Ka Dhiiran Yihiin Culimada Reer Puntland!!?

Culimada Reer Koonfur Iyo Culimada Reer Waqooyi Waxay Ka Siman Yihiin Inay Ku Dhiiran Yihiin Nidaamka Dowladeed Ee Dadkoodu Rabaan Oo Ah Reer Koonfureed (Unitary) Iyo Reer Waqooyi(Gooni Ugoosad) Iyadoo Mawlacyada Iyo Microphone nada Fagaaraysha Si Barrera Uga SheegaanNidaamka Ay Taageer San Yihiin!

Maxay Culimada Reer Puntland Oo Aan Marnaba Culimada Koonfur Iyo Madaxda Dowlada Somalia Aysan U Ogolayn Inay Madax Ka Noqdaan Hay’ada Culimada Somaliyeed Uga Aamusan Yihiin Duulanka Afka Ah Ee Ay Puntland Ku Soo Qaadan Culimada Koonfureed Iyadoo Ay Dhawr Jeer Oo H**e Dagaalo Hubaysan Oo Toosa Iyo Kuwo Afka Ah Puntland Ay Ku Soo Qaadeen!?

Dowlada Galmudug Waxaa Ka Curtay Sasaanta Doorashada Madax Wayanaha Taas Oo Ay Ku Baratami Doonaan Villa Somalia Oo Ay W...
02/11/2025

Dowlada Galmudug Waxaa Ka Curtay Sasaanta Doorashada Madax Wayanaha Taas Oo Ay Ku Baratami Doonaan Villa Somalia Oo Ay Wakiil Ka Yihiin Wasiiru dowlaha Madax Tooyada Abshir Bukhari Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somalia Kuwaasoo Dhisaya Ganacsade Liiban Shuluq Gudoomiyihii H**e Deeroshada Dadban Ee Galmudug.
Iyo Madasha Samata Bixinta Somalia Oo dhisaysa Agaasimihii H**e Laanta Socdaalka Somalia Dr Koofi.

Waxaa Rajadoodu Quus Maraysaa Madax Waynaha Hada Jooga Ee Ahmed Abdikarie Qoor-Qoor Iyo Agaasimaha Hayda NİSA Oo Isagu Aad Uraadinayey kursigaan.

Qoor-Qoor Iyo Mahad Salad Oo Labaduba Saamayn buuxda kuleh Degaanka Dowlada Galmudug Ayaan Wali Cadayn Halka Ay Ololohooda Kula Biiri Doonan Iyo Inay Kutlad Gaar Utagan Oo Tartamaysa Noqon Doonaan.

Maxay Kulatahay.
Fariintada Hoos Noogu Reeb.

Baaraarug La’aanta Dhibatada Ay Keento Daawada Xoolaha.Wasarada Xananada Xoolaha Ayaa Sanad Walba Dawo Aan Tayadeed Lahu...
02/11/2025

Baaraarug La’aanta Dhibatada Ay Keento Daawada Xoolaha.

Wasarada Xananada Xoolaha Ayaa Sanad Walba Dawo Aan Tayadeed Lahubin Ku Dawaysa Xoolaha Ku Nool Puntland.
Dhawr Mar Oo Ay Dawadaas Xoolaha Iyo Dadka Xooladhaqatada Ahiba Ku Sumoodeen Wasaradu Wax talaba Ah ma Qaadin.

Dadka Cilmiga Dawaynta Xoolaha bartay Ayaa Sheega In Aan Si Sax Ah Loo Isticmaalin Dawaynta Xoolaha Taasina Ay Sababtay In Ay Dadka Iyo Xuluhuba Ku Jiradaan Dawadaas.

Dadka Xoola Dhaaatada Ah Ee Puntland Kunool Ayaa Aaminsan Inay Dawadaani Tahay Mid Lagu Cirib Tirayo Xoolahooda Kadib Markay Dhibato Badan Kala Kulmeen Dowlad Udanqatana Ay Waayeen.

Xoolalayda Puntland Ayaa Wajahaya Abaaro, Sicir Barar Iyo Suuq La’aan Haysata Xoolaha Ay dhaqdaan.

Wasarada Xanaanada Xoolaha Oo Puntland U Qaabilsan Horumarinta Xoolaha Ma Ka Garaabi Doontaa Cabashada Bulshada Xoola Dhaqatada ah Mise Mashquuca Dawaynta Ayaa Uga Muhiimsan Bahida Bulshada!?

Nala Wadaag Faaladaada.

Wasaradaha Dowlada Puntland Oo Albaabada Xirtay Kadib Markay Bulshada Garasiın Waayeen Adeeg Shaqo Oo Hufan. Shacbaka Ca...
02/11/2025

Wasaradaha Dowlada Puntland Oo Albaabada Xirtay Kadib Markay Bulshada Garasiın Waayeen Adeeg Shaqo Oo Hufan.

Shacbaka Canshuur Bixiyeyaasha Ah Ee Dowlada Puntland Ayaa Wajahaya Inay Galiwaayaan Xafiisyada Dowlada Kadib Markay Madaxda Dowlada Puntland Ay Amar Ku Bixiyeen Inaysan Wasaradaha Dowlada Puntland Soo Gali Karin Qofaan Balan Kahaysan Wasiirka Ama Agaasimaha Guud.

Guud Ahaan Shaqooyinka Wasaradaha Iyo Adeeg Bixintii Ay Bulshadu Uga Baahnayd Inay Ka Helaan Wasaradaha Ayaa Lawaayey Kadib Markay Wasiiradu Albaabada Xirteen.

Talabadan Ayaa Kadhigan Kadib Markay Wasiirada Iyo Agaasimeyasha Guud Ee Dowladu Ay Gudan Waayeen Waajibaad Koodii Shaqo, Kuna Fashilmeen Shaqadii Ay Dad Waynaha Uhayeen.

Madaxwaynaha Dowalada Puntland Oo Inta Badan Daahfuraan Shaqo Sheega Markuu Fagaarayasha Ka Hadlayo Talabo Maka Qaadi Doonaa Mise Madaxwaynaha Ayaa La Og In Albaabada Laga Xirto Bulshada.

Faladaada Nala Wadaag.

Puntland oo ku guulaysatay in ay ka guurto ciidankii h**e ee abaabulnaa Hab beeleedka ayaa dhistay ciidan cusub oo Booli...
02/11/2025

Puntland oo ku guulaysatay in ay ka guurto ciidankii h**e ee abaabulnaa Hab beeleedka ayaa dhistay ciidan cusub oo Boolis ah kuwaas oo maanta la wareegaya amniga magaalooyinka waawayn ee caasimadda.

Ciidanka cusub oo lagu xushay aqoon iyo ib ay ka fogyihiin balwada ayaa lagu wareejinayaa amniga magaalooyinka Garowe, Bosas iyo Gaalkacyo si magaalooyinka looga saaro hubka culus ciidanka beelaha.

ARDAA

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gale Joog posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share