Voss Tv

Voss Tv FADLAN HADAA HALKAN SO GAADHO FOLLOW NASO DHEH
WAXAN SO BANDHIGNA WARBIXINTA DALKA IYO DIBADA IYO CAAWINTA DADKA DHIBAN

WAR CUSUB: Bisle Omer, ayaa dib loo xidhay saaka. Xalay ayuu muuqal duubay isagoo live- Tiktok soo galay.
18/05/2026

WAR CUSUB:

Bisle Omer, ayaa dib loo xidhay saaka. Xalay ayuu muuqal duubay isagoo live- Tiktok soo galay.

Waxaa la dhagaxdhigay bilowga wajiga 2aad ee jidka jayga ah ee Wardheer, Sololay ilaa Cagaarwayne oo ay ku baxayso lacag...
15/05/2026

Waxaa la dhagaxdhigay bilowga wajiga 2aad ee jidka jayga ah ee Wardheer, Sololay ilaa Cagaarwayne oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 165 milyan oo birr.

Masuuliyiin uu ugu horeeyo Madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Mudane Faysal Rashiid ayna weheliyaan Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Jidadka DDS Mudane Axmednaasir Soofe, Maamulka Doollo iyo Musharrixiinta Xisbiga Barwaaqo ee Gobolka Doollo ayaa dhagaxdhigay mashruucan oo wajigiisa labaad dherer ahaan uu dhan yahay 25km.

Wadadan oo dhismaheeda uu fulinayo Xafiiska Jidadka DDS ayuu wajigeedii 1aad oo la dhameystiray uu ahaa 27km, iyadoo marka lagu daro wajigan labaad ay noqonayso 52km oo xidhiidh ah oo fududayn doonta isu socodka bulshada oo xiliyada roobka gaab badani ka haysto in ay usoo socdaalaan Deegaanka intiisa kale.

Xisbiga Barwaaqo Laanta Gobolka Doollo.

voss Tv

Masuuliyiin heer deegaan ah ayaa kormeer lagu dardargalinayo taageerada iyo taakulaynta bulshada xiliga jilaalka dheeraa...
02/03/2026

Masuuliyiin heer deegaan ah ayaa kormeer lagu dardargalinayo taageerada iyo taakulaynta bulshada xiliga jilaalka dheeraaday ku soo maray dhismaha shaybaadhka caafimaadka xoolaha ee saddex gobol iyo ceelasha biyaha ee magaalada Qabridahar.

Kormeerakan oo uu hogaaminayay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDS Mudane Cumar Aadan oo ay ku wehelinayeen Guddoomiyaha Gobolka Qoraxay Mudane Shaafi Muxumed Cabdi, Duqa Maamulka Magaalada Qabridahar Eng. C/risaaq Cawil Muxumed iyo masuulin kale oo ka socday heer deegaan.

Kormeerkan oo diirada lagu saarayay qiimaynta xaalada jilaalka iyo gurmadka loo fidinayo bulshada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xaalada gurmadka jilaalka, islamarkaana loo dardargalin lahaa gaadhsiinta biyaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee daryeelka caafimaadka xoolaha. Kormeerkan wuxuu muujinayaa ka go’naansho buuxda oo ay masuuliyiintu u hayaan daryeelka bulshada iyo badbaadinta nolosha xoolaha xilligan adag.

Voss Tv

28/02/2026

Magaalada Shiniile ee xarunta gobolka Siti ayaa lagu qabtay munaasabad ballaadhan oo lagu shaacinayey balanqaadka iyo astaanta doorashada 7aad uu ku tartamayo Xisbiga Barwaaqo.

28/02/2026

من خلق الملائكة؟

Puntland iyo Waqtiga Afurka ee caasimadaha gobalada Puntland oo ay shaacisay Wasaarada Cadaalada iyo arimaha diinta PLAd...
19/02/2026

Puntland iyo Waqtiga Afurka ee caasimadaha gobalada Puntland oo ay shaacisay Wasaarada Cadaalada iyo arimaha diinta PL

Adigu meesha aad joogto goormaa laga afuraa?

WAR DEGDEG AH! Itoobiya ayaa si ramsi ah ugu dhawaaqday in berri ay soon tahay.Madaxweynaha Gollaha Arrimaha Islaamka ee...
17/02/2026

WAR DEGDEG AH! Itoobiya ayaa si ramsi ah ugu dhawaaqday in berri ay soon tahay.

Madaxweynaha Gollaha Arrimaha Islaamka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in bishii la arkay oo berri arbacadu ay noqoneyso maalinta koobaad ee bisha barakeysan ee Ramadan.

GAALKACYO:- Sheekha weyn ee Soomaaliyeed Shiekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa maalinta Beri ah ku soo wajahan magaalada Gaalk...
05/02/2026

GAALKACYO:- Sheekha weyn ee Soomaaliyeed Shiekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa maalinta Beri ah ku soo wajahan magaalada Gaalkacyo, isaga oo sida qorshuhu yahay maalinta Jimcaha Muxaadiro ka jeedin doona Garoonka Cawaale Stadium.

Voss Tv

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa qaabilay masuuliyiin uu hoggaaminayo Zlatan Milisić oo ah Madaxa Ha...
04/02/2026

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa qaabilay masuuliyiin uu hoggaaminayo Zlatan Milisić oo ah Madaxa Hay'adda WFP ee Itoobiya.

Masuuliyiinta ayaa kawada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac, kor-u-qaadidda mashaariicda horumarinta ee wax-soo-saarka beeraha iyo biyaha iyo sidii la isaga kaashan lahaa ka-jawaabidda Jiilaalka ka jira Deegaanka.

Voss Tv

Qalloocan.Mudo asbuuca waxaa Magaalada Qaloocan ka tagan Khilaaf xogaystay oo salka ku haya dhismaha Dawlad Hoose oo dha...
21/01/2026

Qalloocan.

Mudo asbuuca waxaa Magaalada Qaloocan ka tagan Khilaaf xogaystay oo salka ku haya dhismaha Dawlad Hoose oo dhawaan loo dhisay magaalada.

Khilaafkan ayaa saameeyay gabi ahaanba xarumihii adeeg bixinta dawlada, Sida Xafiiskii Maamulka,Matoorkii Biyaha,Xaruntii Caafimaadka,Waxbarashadii iyo Saldhigii Qabalaha oo Shacab diidan Maamulka cusub xirteen.

Shacabkan cabashadooda ayaa daaran xubinka duqa loo magacaabay oo tan iyo intii isbedelku deegaanka ka dhacay Guddoomiye ka ahaa santarka muddo badana cabasho ay ka gudbiyeen shacabku, in mar labaad isla asagii Maayar looga dhigo Dawladii Hoose ee Cusbayd.

Maamulkan Dawlada hoose ee buuqa dhaliyay ayaa waxaa dhisay amarkeedana lahaa Gudoomiyaha Gobolka Doollo,kadib markii uu liisti qoran oo kor looga soo diray u soo dhiibay xubnihii ka socday Xafiiska hawlaha Guud iyo Maamulka Dagmada Gallaadi sidaana lagu dhisay.

Waxaa xalay u hoyday magaalada Qaloocan oo ku sugan Gudoomiyaha degmada Gallaadi iyo Madaxa Biyaha degmada oo uu soo amray Gudoomiyaha Gobolku si ay u dajiyaan khilaafka uu asagu ka abuuray santarka.

Bil ka hor ayay aheyd sidan oo kale markii santarka Dhudub Gudoomiyihiisii la badalay hamayn madow, amarkana uu bixiyay Gudoomiyaha Gobolku isagoo u diray G/kuxigeenka degmada iyo hogaanka Nabadgalyada kadib uu ka dhashay buuq balaaran.

Gudoomiye Cabdullaahi waa Gudoomiyihii abid Gobolka soo mara ee faragalintiisu ilaa sanatarada gaadho.

Voss Tv

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Voss Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category