ILIG-DALDALO TV

ILIG-DALDALO TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from ILIG-DALDALO TV, TV Channel, Somalia �, Garowe.

KUSOO DHAWAADA WARBAAHINTA SOOMAALIYEED EE *ILIG-DALDALO* WARAR SUGAN, "WARBAAHIN MADAXBANNAAN OO XAQIIQADDA XOGGAHA DALKEENNA IYO KUWA DIBADDA AAD KA HELI DOONTAAN".

25/12/2025

Mowqifkeyga ku aadan Doorashada Xaafaddaha Muqdisho oo la mid ah tii H.E Said Abdullahi Deni Puntland ka qabtey waxna u qaban weydey ugu dameyna uu khasab ku galay Doorashadii 08 January oo ahayd Hannaan Qabali ah.

Wllkey Hassan Sheikh Mohamud hada qobatey bal wax ha ku qabato, USA iyo UN ina ka tage yaa ku dhageysan oo waxaad walaaqeyso war u hayo.

LAMA HURAAN WAA CAWSKII JILAAL, TENDHADII AFISYOONE BAA KU DHOWREYSA".

Da'ud Farah

☆   PUNTLAND IYO SOMALIA 🇸🇴 WAA BARACAY, HADAAD HOREY U MAQLI JIRTEY   BAA BARACAY: :- Dhaqaale xumada ka jirta Maamulku...
22/12/2025

☆ PUNTLAND IYO SOMALIA 🇸🇴 WAA BARACAY, HADAAD HOREY U MAQLI JIRTEY BAA BARACAY:

:- Dhaqaale xumada ka jirta Maamulku wax Qorshe Dowladdeed iyo Siyaasad ah k**a laha, Maamulka Puntland isaga ayaaba sabab u ah in Dhaqaaluhu dhuuxa tago.

● Naafada Dhaqaalaha Puntland:
==================

■ SHILLING SOOMAALIGII:

• Shillin Soomaali la'aan, Waayo waxay Bulshadeennu isticmaaleysaa Lacag qalaad oo Hawo ah, Taas oo xilli walba khalad Maaliyaddeed ku iman karo.

■ DHAQAALAHA ARGAGAXISADA:

• Dagaalka Argagaxisada oo dhaqaale badan ku baxay iyo Dhiig bax Shacab awalba tabaaleysnaa, Dhaqaaluhu sii liicaayey ayey galeen Halgan mintid ah oo ay kula dirireen Argagaxisada Shisheeye ee Daacish oo Dalkooda soo weerarey.

■ SICIRKA IYO MACIISHADA:

• Sicir barar iyo Maciishad qaali, Madaama ay Aduunka iyo Bariga dhexe oo wax noo soo maraan muddooyinkaan ay ka taagnaayeen Qalalaase Amni iyo Qulqulatooyin isku dhacyo ah, Waxaa yaraadey isu socodkii Ganacsiga oo saameyn Dhaqaale iyo mid Ganacsi ka dhalatey.

■ LACAGTA BAXDEY:

• Lacagtii gudaha ku wareegeysey oo bannaanka u baxdey taas oo Dalal kale lagu maalgashtey, Wali si xoog ah ayaa gudaha Dalka lacagtu uga sii baxeysaa ilaa la gaarey in Mushaarkii la raro oo ah heerkii u hooreeyey.

■ MASHAARIIC LA'AAN PUNTLAND:

• Mashaariic la'aan, Sidaad ogtihiin hadii Qarankii Soomaaliyeed burburey waxay Dalka iyo Dadku ku noolaayeen Mashaariicda Shisheeye oo siyaabo badan looga faaidi jirey sida Shaqaale, Shirkaddo Qandaraas qaata, Dad ka faaideysantayaal ah "Beneficiaries" iyo Si guud yadoo loo joojiyey ama uu u yaraadey Deeqdii Caalamiga ahayd oo uu joojiyo Wadamo uu Maraykanku ka mid yahay Dhaqaalihii uu ku bixin jirey Gargaarka Bini-Adamnimo ee Soomaaliya.

■ SHAQO LA'AAN IYO DHISMO XAAFADDO:

• Meeshii Dalka iyo Dad Shaqo abuur iyo Wax sòosaar Ganacsato u sameyn lahayd oo Warshado, Goobo Xirfaddaha lagu barto iyo Isbitaalo casri ah dhisilahaayeen bey waxay Maalkii ku khasaarinayaan Fookhyo iyo Xaafaddo aan la aqoon wax degga, Waayo Dadkii Dhaaqlo la'aan iyo Baagomudo weeye dhallintii wadanka.

■ MAALGASHIGA GANACSIGA GUDAHA:

• Maalgashiga Shirkadaha Shisheeye iyo Soomaali ee gudaha Puntland oo yaraadey ama aan jirin, Sidoo kale waxaa jira inaan kor loo qaadin Dalxiisa Dalkeenna oo Dhaqaale soo siyaadin lahaa.

■ DADKII XILALKA IYO XOOLAHA HAYSTEY:

• Dadkii ladnaa oo dibada geeyey dhaqaalohoodi, Arrintaan ayaa loo sababeynayaa arrimo is-biirsadey sida Dadkii gudaha oo yaraadey Ganacsiguna wuxuu rabaa Macaamiil badan iyo meel Dad joogo oo wax ka soconayaan.

■ MUSHAARKII SHAQAALAHA IYO CIIDANKA:

• Maamulkii Mushaarkii Shaqaalaha iyo Ciidanka waa bixin waayey dhaqaalo la'aan awgeed oo Number badan Dakhli kasoo gali jirey Dadweynaha iyo Ganacsiga baa baxay, Kuwo waa keceen, Kuwo waa Guureen iyo Kuwo Haajirey.

■ MUSUQMAASUQA MAALIYADDA PUNTLAND:

• Ku tigri Dhaqaale iyo Musuqmaasuq Dhaqaalaha Puntland Cashuuraha soo xerooda oo waayey maareyn kharash bixin wanaagsan iyo Miinsaaniyad Miisaaman.

■ ABAAR LABO-LIXAADSATEY:

• Abaar labo lixaadsatey oo Dadka iyo Duunyadda saameyn xoogan ku yeelatey oo aan gurmad Dowlo iyo Bini-Adamnimo lahayn.

■ DHALLINYARADII TAHRIIBTEY:

• Dhallinyarada ama Xooggii oo ka tahriibey Puntland iyo Soomaaliya yagoo kusii qulqulaaya Dalal Shisheeye si ay u helaan nolol wacan.

■ GANACSATADII GUDAHA OO CEYROWDEY:

• Ganacsatada Gudaha ahaa oo deymowdey, Taas sabab u tahay duruufaha Dhaqaale ee Dalku wajahay.

■ DHAQAALAHA KU LUMEY KHILAAFKA SIYAASADDEED DFS IYO PUNTLAND:

• Khilaafka Siyaasaddeed ee iyo ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yaashay in Dhaqaaluhu sagxadda tago, Waayo waxaa dhacay Mashaariic badan ay rikaateysey DFS iyo kuwo ay diidey in Puntland saxiixdo, Yadoo Dangaara ay isku hayaan H.E Said Abdullahi Deni iyo Hassan Sheikh Mohamud Danta-Guudna ay meel iska dhigeen.

■ DANYARTII OO DUNTEY:

• Danyartii oo Albaabada soo xiratey, Buuq iyo Stress Nafti ah oo yimi, Waxay ku noolaayeen Taakulada Shisheeye ama Deeqda Caalamiga ah iyo Dhaqaalaha dabarka go'ay ee gudaha Dalka.

● Arimahaan oo is biirsadey ayaa sabab u noqdey in Bulshadeenna saameyn ku yeelato Dhaqaalo xumada ka jirto Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Alla Mahadleh
Da'ud Farah

16/12/2025

Hadaljeedintii Garaad Siciid Xaaji Munaasabadda Garaadka cusub ee BAH-IDOOR WARSANGALI Gobolka Sanaag.
____________________________________________
Garaad Siciid Xaaji iyo Wafti balaaran oo uu Hoggaaminaayo ayaa ka qayb galay Munaasabadda Garaadka Guud ee Bah-wadaag oo ka Dhacdey Deegaanka ee Gobolka Sanaag.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madax-dhaqameed ka kala yimi Gobolada iyo Degmooyinka Dalka Soomaaliyeed, Saraakiil Dowladdeed iyo Bulshada qeybeheeda kala duwan.

☆MAALMUHU ISU-EKAA:● Horey waxaa Dowladdii Soomaaliya ee M SIYAADBARRE u dumiyey AUN MD   Ahmed, Puntland dhaqaaleheedi ...
09/12/2025

☆MAALMUHU ISU-EKAA:

● Horey waxaa Dowladdii Soomaaliya ee M SIYAADBARRE u dumiyey AUN MD Ahmed, Puntland dhaqaaleheedi buu sagxadda geeyey Naf iyo Maal buu geeyey Xamar Isagoo ku andacoonaya Soomaali-weyn baan doonayaa, Alle wuxuu qadarey inuu is-casiloo cararo.

● Hada waxaa dumiyey Dowladdii M Farmaajo Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni sidoo kale Dhaqaalihii Puntland sagxadda buu geeyey, Horeyna wuxuu Muqdisho ugu rarey Lacagtii u badneyd isagoo faro marana waa soo laabtey, Hadana diyaar buu ula yahay Dhaqaale inuu geeyo oo faro marnaan kusoo laabto.

● *Bal waa aragnaa halka Dan iyo Duruuftu dhigto ODEYGA" Hadalkiisi hoose ee uu xalay Cashada ka sheegay kaga waramey", Muhiim waxaa ah in Qofka meesha loo doortey wax ka qabto lkn Qof ka fekeraaya inuu meel kale ku gaaro guuleysan maayo.

Alla Mahadleh
Da'ud Farah

Garowe ☆ *  IYO   DHIB-MOOYE DHEEF KUMA QABTO*      ______________________________________●    iyo  :- Waa labada cadow ...
09/12/2025

Garowe

☆ * IYO DHIB-MOOYE DHEEF KUMA QABTO*
______________________________________

● iyo :- Waa labada cadow ee ay leedahay iyo , Hadii aan Xalwaara "A sustainable solution" loo helin BIYAHA iyo KORONTADA Magaaladan in lagu sii noolaado waa adkaaneysaa, Waxaa jiro Tiro badan oo Dad ah oo labadaa Adeeg dartood uga guurey Garowe.

● Waxaa cajiib ah in Kiradii Guryuhu iyo Bicii Dhulku I qarso noqdeen oo yagii dhaafeen, Ka dib markii SAACADDO programming' ah Guryihii ku xirteen oo Bishii Qiimo waali ah soo saarayaan.

● Hadaba, Waxaan baaq cod dheer ah u dirayaa Dhammaan Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Reer Nugaaleed waa inaad ka fekertaan in labadaan Adeeg Xalwaara u heshaan oo naga caawisaan inaad Shirkaddo Adeegyadaa nasiiya noo keentaan, Waxaan u balan qaadayaa, Anigoo ku hadlaaya Afka Bulshada Garowe ku dhaqan oo ay dulleysteen Daneystayaal Shacabkeenna Dhiiggooda ka macaasha oo ah Arxan-laawayaal inaysan waxyeelikarin una xirneyn Ganacsiyadda BIYAHA iyo KORONTADA Magaaladeenna.

● iyo :- Waa labada Cadow ee ay Garowe iyo Shacabkeedu leeyihiin, Waxaana muhiim ah in la helo bedel Badeeco, KOOX DULLI AH OO DANEYSTAYAAL AH nama dulleysan karaan ee waa iska kor qaadeynaa.

☆ iyo :

● Hada hoos bey u dheceen oo markii dhaqaalihiina yaraadey Garowe deggisteedi h**ey xawliga ugu socoteyna yaraatey baa dani u run sheegtey, Inkastoo Guryaha iyo Xaafaddaha Magaaladu kala qaalisan yihiin iyo Waliba Aagaga Dhulka Magaalada Tusaale XAAFADDA HALGAN iyo XAAFADDA WABERI oo ah Xaafad Hooyo ah iyo Mid ka mida Xaafaddaha Garowe lagu asaasey bilowgii Magaalada, Dhulkeedu waa raqiis halka Halgan Dhulkeeda Dad gaar ah gadan-karaan.

● Kirada Guryaha Magaaladu waa ku kala duwan yihiin Guri raqiis ah iyo Guri qaali ah waa sidaa doorato Adigu waa Suuqfuran 'Free Market' Waa wax Dad kala duwan gacantooda ku jira mid baahan, Xeyraan oo xoogaagiisa la siin karo iyo mid wax haysta Dhulku iyo Waliga meesha uu ku yaal ama Xaafadda uu markaas dhoco Dhulku, KIRADA GURYAHA Xal waa loo helayaa waa inaad GURI dhisato oo Dhulka qaaliga ah waxaad helaysaa dhul raqiis ah.

● Lkn bal waxaan ka hareyn hadaad Kiro deggan tahay ama Guri aad leedahay oo Qiime waali ah BIYAHA iyo KORONTADA Garowe waa "Monopoly" 🚝 Koox u xiran oo sidey doonaan bey ka yeelaan Shacabkeenna ladaalaa dhacaya duruufaha adag ee nololeed ee ay waqti xaadir wajahayaan sida Abaar Maamul-xumo, Abaar Alle keen ah iyo Dhaqaalihii oo sagxadda tagey bey ugu sii dareen culeys Maaliyaddeed oo aysan qaadikarin.

● Hada ka hor waxaan ku eedeeyey inaysan Taakulada ka qeyb qaadan oo Shacabka dheeftooda ku celin oo aan waxba laga faa'idin, Waa aragteen yagoo bilaabey been been Taakulo ku sheeg ah sida NEC waliba meelaha u baahan meel aan ahayn yagoo sandareero ku bixinaaya goortii laga reebo jidka GOLIS hormara oo ay waxyar oo boor isku qaris ah ku dareen, Dhiiggeenni bey shubtaan dheefna k**a helno Bulshoy.

● Aduunka Dowladdaha baa Maamula Dadkooda iyo Dalkoodana wax ka tara sida Waxbashada, Caafimaadka iyo Adeegyo Dowlo oo FREE ayey Dadkooda helaan waa in bedel la helo dhib waali ah kaliya oo aan dheef lahayn waxcelin lahayn waxaan nahay Dad dhaaminaaya fuusto daloosha xaqiiqadu waa sidaas.

☆ :- NEC IYO NUWACO waxay u xiran tahay hal koox labada Shirkaddoodba "SHARE" weeye labo Kooxood maaha waa hal-koox baa leh labada Shirkaddood oo dhiig-miirato ah oo la yaqaan kaliya BIYAHA ayaa PPP ah oo Dowladdu Guriga iyo Ceelkii h**e ee Garowe kula share tantaa hal Ganacsato baa isla leh labada Shirkaddood, Marka Xal baa loo baahan yahay Magaalada looga badbaadinaayo wuxuuna ag-yaal ninkasta oo Maal haysta oo Maalgalin sameyn kara, Sidaas si la mid Shacabkuna u hiiliyaan Ganacsatadaa u soo gurmaneysa, Hadii kale Qof walba ha diyaarsado meeshuu u qaxi lahaa inaan ka qabsano iyo inaan qaxno bey taagan tahay.

Alla Mahadleh
Da'ud Farah

 :-   oo u Sharaxan Madaxweynaha Soomaaliya siduu sheegtey, Su'aalo badan dul hoganayaan ayaa CIIDANKA   ku dhaarteen si...
07/12/2025

:- oo u Sharaxan Madaxweynaha Soomaaliya siduu sheegtey, Su'aalo badan dul hoganayaan ayaa CIIDANKA ku dhaarteen sida laga soo xigtey Saraakiisha Ciidankaa qeybtood.

MAAMULKA-Puntland State House ayaa h**ey uga gunuunucaayey imaatiga Shakhsigaan dhawaan maqalkiisu ahaa, Xagga kasoo galay Saaxadda SIYAASADDA.

Wixii ka soo kordha halkaan 👁‍🗨.

Alla Mahadleh
Da'ud Farah

Abuukaate   Gudoomiyaha Difaacaha Xuquuqul-Insaanka   waa Halyey, Waxaan ku xasuustaa intuu XAFIISKA joogey,   oo mid no...
06/12/2025

Abuukaate Gudoomiyaha Difaacaha Xuquuqul-Insaanka waa Halyey, Waxaan ku xasuustaa intuu XAFIISKA joogey, oo mid noqdey file-shii uu Xafiisku isha ku hayey, Yadoo Xarig xadgudub ah Dowladdu igula kacdey, Xafiiska ayaa isoo direy Xubno Xafiiska ka socda oo wareysi igula yeeshay Saldhigii aan ku xirnaa, Sidoo kale waxay si dhow ula socdeen Kiiskeyga xilligaa.

Waxaan ka markhaanti kacayaa in Xafiisku shaqeeyey Gudoomiye Said Muumin iyo Shaqaaluhu waa ku Mahadsan yihiin sida Wanagsan ee ay Bulshadooda ugu soo adeegeen, Maantana markii MANDATE-kii ka dhamaadey u cadeeyeen.

:- Waxaan iyo kula Talinayaa inaynaan helayn GUDOOMIYE Said Muumin oo kale, Talo waa mar aad hayso iyo Mar aad heybineyso oo aadan heyn.

Alla Mahadleh
Da'ud Farah

06/12/2025

IYO :- Waxaan uga Mahadcelinayaa Bulshadeyda Taageerada ay ii muujiyeen, Kuwii ii -gareeyey -ka iyo Kuwii isoo -gareeyey, Waxaan u baahnahay wali garabkiina waana ku mahadsan tihiin dedaalkiina aad ii muujiseen.

:- Waa inay jirto sidaas daraadeed waa in Bulshadu isu gurmato oo ay ka warhayaan oo wajahaya xaalad Abaar oo xun iyo Hayaan, Alle waxaan ka baryayaa inuu noogu deeqo Caam ah Aamiin inshaAllah.🤲

Alla Mahadleh
Da'ud Farah

06/12/2025

DEGDEG:- oo ay xoogeysteen Rabshadihii iyo Qalalaasihii halkaa ka taagnaa, Saaka ayaa ah maalin kale oo adag oo ay wajahayaan Dadka Deegaankaa .
ILIG-DALDALO TV

06/12/2025

SAAKA IYO .

05/12/2025

Dowladda Maraykanka ayaa qaadey tilaabo ay h**ey ugu goodisey oo Soomaalida ka dhan ah, Taas oo Sharci iyo Sharci daro aan loo eegeyn.

Address

Somalia �
Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ILIG-DALDALO TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share