RTG Radio Television Gabiley

RTG Radio Television Gabiley Kala soco Wararka Faallooyinka iyo Sheekooyinka

04/08/2022

Siyaasiga uu Deegaan kastaa u baahan yahay Waa Prof:Axmed-yasiin Sh.Cali Ayaanle oo kale. Waana in Siyaasigu uu ka Fekeraa Xaalada Nololeed ee Dadkiisu ku jiraan iyo Sida ugu Fiican ee si ka Wanaagsan sidaa h**e Loogu bedelilahaa Nolosha Dadka uu Siyaasiga u yahay. Daawo:Q2aad.

02/08/2022

Marka Siyaasiga Matalaada dhabta ah dadkiisa Matalaa uu Runta ka sheegayo Waaqaca jira waxa uu u hadlaa sidaa Prof:Axmed-yasiin oo kale. Balse marka siyaasiga Oohin iyo Baroor ku soo baxay sida Xildhibaan Ooyaaye oo kale ayuu Oodo jiidhaa.

02/08/2022

Warbixin: Xaalada Siyaasadeed ee Dalku Haatan Marayo iyo Baaq ku Wajahan Ururka Saxaafada Somaliland ee Solja. ILaahow Khayr ka dhig oo aanu dhib dhicin, Aan Dalkeenna u Ducayno Khayrkiisana aan ka shaqayno.

21/07/2022

Waa Inay Jirtaa Isla Xisaabtan, SIYAASIYIINTA Tuugta ah Waa Inay Leeyihiin File lagu Ururiyo Waxay Ummadda ka dhaceen si aanay u yeelan Han danbe oo Siyaasadeed, Waana inaanay Qaban Wax Xil Dawladeed ah oo danbe.
Waxaa Arrimahaa ka hadlaya Aqoonyahan: Maxamed Khadar. Waxaanu Sheegay Inay Haboon tahay in Siyaasi Maxamuud Xaashi Baadhis la galiyo oo loo diro Hanti-dhawrka Qaranka.

"Way Inagu Dhex Bakhtiyayaan"Masaajidka Salafiyiinta Xaafada Laag-barako.____________________________________________Wax...
15/04/2022

"Way Inagu Dhex Bakhtiyayaan"
Masaajidka Salafiyiinta Xaafada Laag-barako.
____________________________________________

Waxay haysataa Walaasheen Oo Faalig Ku dhacay ah oo aanay u hayn waxay Cunnaan Iyo Waxay Cabaan toona, Iyadu Ma Awoodo Waxay Dhakhtar Ku Tagto. Waa Imtixaan Adduun Waana La inagu Eegayaa bal sidaan Ka Yeelno. Magaceedu waa Malaha Ehelo Hayntoodu Buuran tahay oo Gargaarta, Waxay Wax Ka sugaysaa ILaahay Iyo Walaalo Waxaad adigu Ku Tarto Walaasheen. Numberka loogu dirayaa Waa 063-6000991.Ugu Dir Waxaad helayso Walaalo. Waxaa Xaaladeeda laga Shaaciyey Masaajidka Salafiyiinta ee Xaafada Laag-barako Gabiley/Somaliland.

Taariikhda Mashruuca Ceel-bardaale Ee Cidii Lahayd Ay Dibad-wareega ka tahay.___________________________________________...
30/03/2022

Taariikhda Mashruuca Ceel-bardaale Ee Cidii Lahayd Ay Dibad-wareega ka tahay.
_____________________________________________
Taariikhda Mashruuca Ceel-bardaale Ee Sheekh Muxumed Raage Iyo Reerkii Waligiiba Daganaa ee Jibriil-Abokor.

Mashruuca Ceel-Bardaale waxa uu ku Aasaasmay Markii Sh. Muxumed Raage,oo Ka Tirsanaa Beesha Leh Dhulka uu Mashruucaas Ka Hirgaliyey uu Mashruuciisa bilaabay Sannadkii 1961kii ee Ceelbardaale, Waxaana bud-dhig u ahaa Dadkii Deegaanka ee Sheekha Jifadiisa Ka mid ahaa Iyo Xertiisii Maadaama uu ahaa Hogaamiye Diinneed oo xer Ku Taxnayd ay jirtay.

Masharuuca Waraabka Ceel-Berdaale waxa uu ku fadhiyay qiyaas ahaan Dhul-Waraabkiisu Dhan yahay15 Hektar, kaasi oo loo leexinayay Biyaha.
Waxaa jirtay 1962-dii baahi loo qabay biyo joojin iyo ka hortaga Nabaad-guurka, kaasi oo ahaa heshiis dhexmaray Dawladdii Soomaaliya iyo Hayadda Caawimmadda ee Maraykanka (USAID), hase yeeshee wuxuu la jaan qaaday qorshihii dhaqaale ee bilowday 1963kii, ahaana qorshihii shanta sanno ee ay dejisay Dawladii Soomaaliya in laga sammeeyo Naxaro Beer-roobaadka Deegaamadda Arabsiyo, Taysa iyo Xidhinta, sidoo kalana ahaa ka Hortaga Boholaha iyo Laagaha, wuxuuna ku fadhiyay qorshe ahaan Dhul Dhan 10,000 Hectares. Dadweynihii Deegaamadda Arabsiyo, Taysa iyo Xidhintu si fiican ugama faa`iidaysan, sidaasi darteedna awooddii Mashruuca waxaa loo leexiyay Ceel-Berdaale oo ay Madaxdii W/Beeruhu sidaasi amartay, iyagoo sheegay in ay jirto Mashruuc Iskaa Wax u qabso ah Oo Sheekhu bilaabay oo Beeralay ah una baahan Mashruucani. W/Beeruhu waxa ay suurto geliyeen in gebi ahaanba Mashruucii Hantidiisii iyo Qalabkiisiiba loo wareejiyo Ceel-Berdaale lagana Dhigo Biyo Waraabin Beerrood, Dooxyo xidhis, Ceelal Qodis, Dhul Banayn iyo Waddooyin.

Xaddiggii caawimadda ee loo leexiyey Ceel-Berdaale , kuna qeexan heshiiskii dhexmaray Dawaladdii Soomaaliya iyo Hayaddii Maraykanka ee caawimadda (USIAD) waxaa ay abuurtay suurto gelisayna in la keeno qalabka Waaweyn ee cagafyada sida D4, D9, cagafyadda wax lagu qodo Baabuur, Shidaal, Daayactirka Qalabka & Khubaro Tababarta Shaqaalaha, iyaddoo Wasaaradii Beeraha ee Soomaaliyana ku Deeqday Shaqaale ka tirsan Shaqaalaheeda oo qabta Hawlaha kala duwan ee Mashruuca iyo ku Shaqaynta Qalabkaba.

Xaddigaasi caawimo ee yimid goobtii Ceel-Berdaale, waxaa u noqday Dhaqaale iyo Xoog lagu fidiyay Bugcadii Ceel-Berdaale, Boodhka, Buqdhada, Seemaal, Xamarta oo dhamaantooda ka tirsan Degmadda Gabiley imikana Qaarkood uu Ku Murmayo Gobolka Awdal.

Fiditaanka Barnaamijkaasi waxa uu meel sare gaadhay Xilliggii Kacaanka, markaasi oo ay bilaabantay Iskaashatooyinkii Hanti-Wadaagaysnaa. Wuxuu Mashruucaasi Iskaashato noqday mid la jaan qaaday oo Munaasibay ahdaaftii iyo Ujeedooyinkii Kacaanka ee hamigii isku filaanshaha iyo dhiiri-gelintii Iskaashatooyinka. Kacaankii wuxuu sii xoojiyey Awooddii Iskaashatadda, Maal ahaan, Qalab ahaan iyo Muruq ahaanba, waxaana la gaadhsiiyey heer ay Tusaale u noqoto Wax-Soo saarka Iskaashatooyinka ee Goboladda Waqooyi, si gaar ah waxaa loogu sammeeyey Ciidamo khaas ah oo ilaaliya. Dadweynaha Deegaankaas oo Kaashanaya Xerta Sheekhu Waxay la baxeen Iskaashatada TACABWADAAG.waxaa la sameeyay Dhul Seereed Dhan 80-90 km oo Iskuwareeg ah oo ahaa daaqsinta xoolaha.

Hadaba Burburkii ku habsaday Hantiddii Mashruuca Iskaashatadda Tacabwadaag 1988kii wakhtigii dagaaladu ka bilaabmeen waqooyiga, waxaa ka dhashay in Dadkii Asalka ahaa ee Deegaankaasi ay noqdeen kuwo dhulkoodii laga barakiciyay oo Qaxooti Ku noqday Xeryahii Itoobiya Sida Dulcad, Daroor Iyo Balayalay. Ka dib Markii Dalka dib loo Xoreeyay Dadkii Deegaankaasi waa kuwo Ilaa Maanta laga Hortaagan yahay Inay Ku noqdaan dhulkoodii Iyagoo Murano Iyo Dagaalo Macna daro ah Lagu hayo Tan Iyo Ilaa intii Dalka lagu soo noqday.waxaana la Isla qirsan yahay oo aan la isku diidanayn Inuu Dhulka Sheekha, Beeshiisa Iyo Qaar Ka mida Xertiisu uu Fidsan yahay Ilaa Degmada Lughaya, Sida laga wada Warqabana Degmadda Lughaya Waxay Lixdankii Ka mid ahayd Degmadda Gabiley.

Si kastaba ha ahaatee xaalku ha ahaadee Taariikhda dhulka iyo sida hawlaha muranku ka taagan yahay u Aasaasmeen hadii aan ka waranay, waxaa haboon in la dul istaago halka sartu ka leexsan tahay, taas oo ah in dhulkii noocaas ahaa Maanta la leeyahay waxaa isku haysta Laba beelood, Waxaana Wax lala yaabo ah in Beel aan ahayn Beeshii Degi jirtay dhulkaas ay hada gacanta Ku hayso badi dhulkaasi Halka Marar Badan oo Lagu garamay Guurtida Somaliland oo dhexgashayna Labada Beelood ay u Xukuntay lahaanshaha Dhulkaasi Beesha Degmadda Gabiley.

Waxay Iswaydiintu tahay Maxaa loo fulin la' yahay Xukunadii Golaha Guurtida Somaliland ay Ka soo Saartay Lahaanshaha Dhulkaas?

Waxaan Xukuumadda Somaliland u soo jeedinaynaa Inay si Nabada ugu Celiso Dadkii Deegaanadaas Lana soo Afjaro Muranka Labada Beelood Ee Walaalaha ah.

Fiiro-gaara: Waa Inyar oo Kooban oo aan Ka soo qaadanay Markii Dhulkaasi Sida haboon looga faa'iidaysanayey Iyo Khasaaraha hada laga Taagan yahay Iyo Waxa ay tahay in la Yeelo ay haboon tahay.

Meecaad.

NINBA INTUU AKHRIYUU QORAA.W/Q:Muxamed Yuusuf “Maxaad kula talin lahayd qofka raba in uu qoraalka bilaabo?”“Akhris, akhr...
18/02/2022

NINBA INTUU AKHRIYUU QORAA.
W/Q:Muxamed Yuusuf

“Maxaad kula talin lahayd qofka raba in uu qoraalka bilaabo?”

“Akhris, akhris, akhris,”

Waa weydiin iyo warcelinteed ay badanaa isweydaarsadaan qof qoraa ah iyo mid raba in uu qoraa noqdo.

Ceel nin galay baa laga waraystaaye, inta wax qaayo leh qortaa waxa ay ka siman yihiin wax akhris badan.

Qofku haddii uusan waxba akhriyin sidee ayaa uu ku kala baranayaa qoraalka wanaagsan iyo midka liita? Boqollaal buug oo ka hadlaya sida wax loo qoro in aad akhrido waxaa ka dheef badan in aad akhrido buugaag caadi ah. Akhri buugaagta aadka loo ammaano. Akhri buugaagta qoreyaashoodu qaddarinta badan helaan. Raadi sababta ay ammaanta ku muteen. Sidaas oo kale, akhri kuwa la dhaliilo, oo isku day in aad ogaato sababta. Labadaa dhexdooda aqoon badan baa kaaga kordhaysa. Qalin iyo buug qaado oo qoraal kala dhig-dhig adiga oo u fiirsanaya ereyada qoraagu adeegsaday, qaabka uu isu raaciyey, meesha uu ku hakaday, meesha uu ku joosaday, qaabka uu wax u tilmaamayo iyo dareenka ay ku gelinayso. Isweydii waxa ku kallifay in uu qaabkaa u qoro, sababta uu erey u doortay, ma heli karey mid kaga habboon? Adigu sidee ayaa aad u qori lahayd? Ma isleedahay mid ka fiican baa aad qori kartaa?… Kiichiro Toyoda markii uu damcay in uu sameeyo gaadhigii Toyota ee ugu horreeyey, waxa uu kala furfuray gaadhi Maraykan sameeyey (Chevrolet). Qayb kasta oo ka mid ahna sida ay u shaqayso, cabbirkeeda, waxa ay ka samaysan tahay… ayaa uu qortay. Ka dibna isaga iyo kooxdii la shaqaynaysay waxa ay la yimaaddeen naqshad cusub oo ay iyagu leeyihiin. Maantana Toyota waa shirkadda iibisa baabuur ugu badan. Laga bareyba laga badi.

Ilmuhu hadalka waxa uu ka bartaa bulshada uu ku dhex nool yahay. Si dabiici ah oo hawl yar ayaa uu u nuugaa iyada oo uusan buug iyo qalin qaadannin. Ka warran haddii saddex jirku baran lahaa magac, magacuyaal, meeleeye, fal, falkaab, diiradeeye, xiriiriye, …. weligiiba ma hadleen. Waa sida wadaad Soomaaliyeed oo naxwaha macallin weyn ku ah laakiin aan Carabida ku hadli karin oo kale!

Qoraalkan aad hadda akhrinayso ayaa tusaale u ah dheefta akhrisku u leeyahay qoraaga. Waxaa ii suurageliyey buugaag aan akhriyey dhowaan iyo kuwo aan hadda qoraalkan diyaarintiisa u akhrinayo. In badan baa aan maqli jirey Kitaabul Xayawaan oo uu qoray al Jaaxid (163-255H), laakiin iskuma deyin in aan akhriyo. Waxaase igu kallifay baadhitaanka aan qoraalladan taxanaha ah u samaynayo. Wax badan oo iga maqnaa baa aan ka helay. In kasta oo aan af Ingiriisi iyo buugaag dhowaan la qoray ka akhriyey, haddana waxa aan xiisaynayey in aan ogaado wixii ay culamada Muslimiintu ka yidhaahdeen, waana ta ii geysay in aan baadho, natiijadeeduna noqotay in aan helay kutub qiimo badan.

Al-Jaaxid waxa uu ka mid yahay culamada tusaalaha loo soo qaato marka laga hadlayo qoraalka wanaagsan, iyo qoraal badnidaba. Waxaa lagu tilmaamaa in uu buugaagta aad u jeclaa, oo buuggii uu arkaba uusan dhigi jirin ilaa uu wada akhriyo, wixii uu doonaba ha ku saabsanaado e. Buug jacayl waxa uu ka gaadhey heer uu dukaammada buugaagta kireysan jirey si habeenkii marka laga maqan yahay uu u dhex joogo oo uu buugaagta taalla u akhristo.

Culamada Muslimiinta kuwa ugu qoraalka badan waxaa ka mid ah Ibnul Jawzii (508-597H). Mar uu taariikhdiisa wax ka qoray waxa uu tilmaamay in uu akhriyey in ka badan labaatan kun (20, 000) oo buug, welina uu aqoon kororsi ku jiro. Waxaa sidaas oo kale isna u akhris badnaa Ibnu Xajar al-Casqalaanii oo ciddii maanta rabta in ay cilmiga xadiiska barataa aysan kutubtiisa ka maarmin. Waxa uu qoray in ka badan 150 kitaab oo intooda badan aan mawduucooda looga dabahadlin. Tusaale kale waxaa innoo noqon karaa Imaamul Xaramayn, al-Juwayni (419-478H), caalimkii weynaa ee gadaashii kutubta Shaaficiyada ee la qoray ay intooda badani kutubtiisa ku dhisan yihiin, ilaa iyo haddana kutubtiisa masaajidda, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadahaba lagu dhigto, waxa uu yidhi “Waxba k**a odhanin cilmul Kalaamka ilaa aan hadalkii Qaaddii Abuu Bakar ka xifdiyey 12,000 oo warqadood.” Hal sheekh oo keli ah aqoontiisi baa uu laba iyo toban kun oo warqadood ka xifdiyey, maxaa aad ka filaysaa culamadiisii kalena?

Wax akhrintu ma aha in qoraagu wada liqo wax kasta oo uu akhriyo. Aqoonta ka sokoow, akhrinta badan waxa ay qoraaga u suuragelinaysaa in uu barto qoraalka wanaagsan, iyo in uu kala saaro qaabka habboon iyo midka aan habboonayayn ee wax loo qoro. Imaam Awzaacii (88-157H), oo mad-habkiisa fiqhiga ah muddo dheer lagaga dhaqmayey Suuriya iyo nawaaxigeeda, ayaa waxa uu leeyahay “waxa aan la qaadanaynin u baro si la mid ah sida aad u baranaysid waxa la qaadanayo.” Waxa xun sidee ayaa aad uga leexan kartaa haddii aadan garashadiisaba aqoon u lahayn? Imaam Sufyaan ath-Thawrii (97-161H) oo ka mid ahaa taabiciintii yaryaraa ayna wax ka barteen Abuu Xaniifah, Awzaacii, Maalik, iyo imaamyo kale, ayaa markii uu qoraalka xadiiska ka hadlayey waxa uu sheegay in uu saddex siyaabood u qorto: mid waxa uu u qortaa in uu ku dhaqmo, midna in uu ogaado jiritaankiisa; haystana laakiin uusan ku dhaqmin, iyo mid uu ogaansho uun uga dan leeyahay ee uusan wax tixgelin ah u haynnin. Qoraagana sidaas oo kale ayaa la gudboon; wax badan oo kala duwan akhri, adiga oo ujeeddadaadu tahay in aad mid wax aad adeegsato ka heshid oo uu kuu noqdo meel aad ka dabqaadatid, midna aad jiritaankiisa ka war haysid uun, waa intaas oo aad mar u baahataa e, midka saddexaadna aad u akhridid in uu noqdo sidii bahal aad naftaada ku xuuxisid si aadan isaga oo kale u qorin!

Ma jiro hal buug ama dhawr buug oo koobaya aqoonta, xirfadda iyo hal-abuurka uu qoraagu u baahan yahay. Weligeedna ma jiri doono! Waa xaqiiqo aan lahayn meel lagaga dhuunto. Waa in aad dhex qaaddaa wax badan oo aan dheef lahayn si aad u gaadho hal waxtar kuu leh. Khaliil ibnu Axmad (100-170H) oo ahaa caalimkii qoray qaamuuskii ugu horreeyey ee af Carabi ah, ahaana macallinkii Siibawayhi naxwaha baray, ayaa yidhi “Qofna cilmiga naxwaha k**a gaadho inta uu rabo ilaa uu barto wax uusan rabin.”

Qoraalka qiimaha leh ee waxtarkiisu waaro waxa uu ka soo duxaa garaad iyo maan akhris ku koray. Waxa uu ka soo burqadaa maskax akhris biyo dhigay. Haddii aadan akhriska waqti u haynnin, qoraal ha isku daalin, akhristahana luggooyada ka daa.

Nin qaaddi ah oo kutubta aad u iibsan jirey, haddii uusan markaa lacag haysanna amaah ku sii qaadan jirey baa lagu canaantay… Heerkan aan joogaba kutub baa i gaadhsiiyey, ayaa uu ugu jawaabay. Markii ay yidhaahdeen waad ka badbadinaysaaye kitaabbo iibsiga yareena, waxa uu yidhi

“على قدر الصناعة تكون الآلة.”

“Hal-abuurku waxa uu ku xidhan yahay agabka.”



“Marka aad sunuud hayso

Waxa suuq mug weyn yaalla

Ha la simin kitaab weeye.”

Sirta Nolosha, Hadraawi.



Inta aadan wax qorin, wax badan oo badan oo misana badan akhri. Weligaana ha joojinnin akhriska. “Ninba intuu cunuu ciidamiyaa,” waxa aad ku beddelataa “ninba intuu akhriyuu qoraa”

Steven King, qoraa Maraykan ah oo caan ah, waxa uu qoraaga kula talinayaa in uu maalin kasta wax akhris ku qaato 4-6 saacadood!

Tixraac

Al-Mushawwiq ilal Qiraa’ah, Cali al-Cimraan.

Dabaqaat ash-Shaaficiyah, Taajuddiin as-Subkii.

Hal Ka Haleel, Maxamed Baashe.

Jaamicu Bayaanil Cilmi wa Fadlihii, Ibnu Cabdilbarr.

Kitaabul Xayawaan, al-Jaaxid.

On Writing, Steven King.

Siyar Aclaam an-Nubalaa’, Dahabii.

Taqyiidul Cilm, Khadiib al-Baqdaadii.



“Nin lagu seexdoow ha seexan."

Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum).Sanad walba bisha Koowaad dhammaadkeeda waxaa Magaalada Davos ee Dalk...
10/02/2022

Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum).

Sanad walba bisha Koowaad dhammaadkeeda waxaa Magaalada Davos ee Dalka Swezerland isugu taga wafti ballaadhan oo ka wada hadla dhaqaalaha adduunka iyo sida loo kobcin lahaa. Waftigan ayaa ka kooban madaxda Wadamada Caalamka, Madax shirkadeed iyo
Mulkiilayaasha Shirkadaha adduunka ugu waa weyn iyo waliba Tijaar Maalgashatada meelo kala duwan oo Adduunka ah.

Shirkan wuxuu soo jiitaa indhaha hayadaha horumarinta iyo la dagaalanka gaajada ka shaqeeya ku waasoo soo saara warbixinno ay ku iftiiminayaan caddaalad darrada Maanshaysay dhaqaalaha adduunka iyo sida Dadka saboolka ah ugu Dulman Yihiin Dunida sii hodmaysa.

Hodantinnimada saafida ah ee adduunku aad ayay u kobacday. Ilaa sanadki 2000, hodantinnimada saafida ah (net wealth) waxay korodhay qiyaasti $114 tiriiliyan waxayna gaadhay guud ahaan $280 tiriiliyan.

Maraykanka ayaa waxayna gaadhay hodantinnimadiisu $93 tiriiliyan. Midda Shiinaha ayaa korodhay 300% waxayna gaadhay $29 tiriliyan taasoo ka dhigtay waddanka labaad ee adduunka ugu hodansan. Afrika oo shacab ahaan dheer Shiinaha 200 oo milyan oo qof ayaa hantideedu tahay $2.5 tirilyan kaliya.

Sawirka waxaa sii foolxumeeyay in 1%-ka Dalalka Qaniga ahi ay hantidoodu la simantahay 99%-ka kale. Hantida guud ee adduunku waxay korodhay in ka badan $9 tiriliyan inti u dhaxaysay 2016 iyo 2017. 82% xoolahan waxay si toos ugu dhaceen 1%-ka Dunida ugu Qanisan. 50%-ka ugu saboolsan dunida wax u kordhay ma jiraan mudadaa.

Warbixin ay daabacday hayadda OXFAM waxaa lagu sheegay in shanti doolar ee dunida kusoo siyaaddaba ay afar qaataan kuwii markii horaba Qaniga ahaa. Haddaba tani maxay uga dhigan tahay dad kala duwan ee Adduunka ku nool?

Xaqiiqdu waxay tahay, Taajiriinta ayaa si waalan u faaiidaya. Bilyanneerrada adduunka oo 90% ay yihiin rag caddaan ah, ahna kuwa hadda ku shirsan Davos aad ayey ugu faraxsan yihiin xoolaha jeebabkooda ku ururtay. Hadba inta uu dhaqaalaha dunida kordho ayuu koodu sii laban-laabmayaa. Suuqa u xidhan (monopoly) ee aysan cid kale kula tartami karin ayaa u sahlay inay si fudud u qaataan wixii xoolo Dunindu abuurto. Todobaadadii tahay ee Bishii H**e Iyo bishan waxay u shirsan yihiin sidii arrintaas loo sii adkayn lahaa.

50%-ka dunida u saboolsan ayaan wax hanti-korodh ah helin sanadkii tagay, inkastoo ay ahaayeen kuwa sida dhabta u xamaalay. Xamaali xoolo dhalin waayey. Dunida soo koraysa, dadka Ka shaqeeya ayaa haddana faqrigoodu sii kordhayaa.

Waxaa kaaga sii daran, shaqaalaha dunida sadexaad xamaaliga waxaa u dheer, caddaab xagga shaqada ay kala kulmaan, sida haybsooc, lacag yaraan, in loo diido waxay shaqaysteen, cay iyo aflagaado ay kala kulmaan kuwa ay u shaqeeyaan iyo waliba gacanqaad mararka qaar nabaro u gaysta. Waxa ay soo saaraan xamaalatadan waa xoolaha ku dhaca jeebka kuwa ku shirsan Davos.

In kastoo ay hoos u dhacday tirada guud ee dadka ku nool faqriga xaddhaafka ah ee dunida, haddana horumar badan la gaadhi maayo inta xoolaha dunida si aan caddaalad ahayn dad yar jeebkooda ugu dhacayso. Waxaa si xowli ah u ballaadhanaya faqriga u dhaxeeya qaniga iyo saboolka. Dhibkaasna waxaa asal u ah nidaamka aan caddaaladda ku dhisnayn ee lagu saleeyay dhaqaalaha dunida.

Waxa socda foolxumadooda waxaa kaaga filan in kuwii ay ahayd in lala xisaabtamo xoolaha ay dulmiga ku sameeyeen qaar masaakiinta looga qaado laga sugayo inay shirkooda ka soo saaraan ajandayaashii dhaqalaaha adduunku ku shaqayn lahaa Sannadka soo socdo!
Ibrahim Aden.

Maxaa Ka Soo baxay kulankii Madaxweynaha Taiwan iyo wafdiga ka socda Somaliland?________________________________________...
09/02/2022

Maxaa Ka Soo baxay kulankii Madaxweynaha Taiwan iyo wafdiga ka socda Somaliland?
________________________________________________
February 9, 2022
Taiwan iyo Somaliland ayaa ballaadhinaya xidhiidhkooda dhaqaale iyo midka siyaasadeed, inkasta oo ay yihiin laba dowladood oo ka go’doosan diblomaasiyada caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Ciise Kayd ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, wuxuuna sheegay in booqashadiisa Taipei “ay muujineyso go’aanka iyo adkeysiga aan wadaagno ee aan ku ballaadhineyno kuna dheereyneyno saaxiibtinimadeena, iskaashigeena oo aan ku gaadhsiineyno heer sare oo faa’iido u wada leh labadeenna Dal.”

Madaxweyne Tsai ayaa ku tilmaantay xidhiidhka mid ka mid ah guulihii diblomaasiyadeed ee ugu weynaa ee Maamulkeedu ay Xaqiijiyaan.

Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya ka go’day 1991-kii ayaa xidhiidh diblomaasiyadeed la laheyd Dalal kooban oo ay Taiwan Ka mid tahay.

Taiwan oo si iskeed ah isku maamusha, balse China ay sheegto inay ka mid tahay, ayaa xidhiidh diblomaasi la leh 14 Dal, balse waxay xidhiidho aan toos aheyn oo xooggan la leedahay Mareykanka iyo inta badan Dalalka Caalamka.

Waxay xidhiidh rasmi ah la leedahay kaliya hal dal oo Afrikaan ah oo ah Boqortooyada Eswatini, oo h**ey loogu yaqiin magaca Swaziland.

Taiwan ayaa safaarad ka furatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa bishii August 2020, halka Somaliland ay xafiis matalaad ka furatay Taipei 9-kii September ee isla sanadkaas.

Taiwan iyo Somaliland-ba aqoonsi k**a haystaan QM, balse Ciise Kayd wuxuu sheegay in taasi aanay meesha ka saareyn xuquuqda ay Somaliland u leedahay inay hesho siyaasad arrimo dibadadeed oo madax-banaan.

“Qaran madax-banaan ahaan, xuquuqda Somaliland ay u leedahay xidhiidh dibadeed nabad ah oo saaxiibtinimo oo ay la yeelato dhammaan Dalalka Caalamka waxaa lagu ilaaliyey xeerka caalamiga ah,” ayuu Kayd u Sheegay wakaaladda wararka Taiwan ee CNA.

Agaasimaha Wasaarradda Caafimaadka JSL Mr  Maxamed Cabdi Xergeeye Ayaa Maanta Xisaabiyaha Cisbitaalka Maanka ee Gobolka ...
01/02/2022

Agaasimaha Wasaarradda Caafimaadka JSL Mr Maxamed Cabdi Xergeeye Ayaa Maanta Xisaabiyaha Cisbitaalka Maanka ee Gobolka Gabiley u soo Magacaabay Mr Isaaq Maxamuud Meecaad.
Mr Isaaq Maxamuud Meecaad oo ah Masuul karti leh h**ena Looga Bartay Shaqo hufnaan Ayaa Waxaa hada uu noqonayaa Xisaabiyaha Guud ee Cisbitaalka Maanka Gobolka Gabiley. Waxaanan u Rajaynaynaa In Ilaahay u fududeeyo Xilka loo Igmaday. Isaaq Ayaa ah Qof Cibaado Badan Aamin ah oo Ka soo Dhalaalay Shaqo kasta oo loo Xilsaarey, Waxaanu H**e u ahaa Masuuliyiinta Ururka Samofalka ah ee Samokaal Gabiley.

Address

Gebiley

Telephone

+252659097073

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RTG Radio Television Gabiley posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share