Guutada 20-aad Kumaandooska Gorgor

Guutada 20-aad Kumaandooska Gorgor Page-kan Guutada 20-aad Kumaandooska Gorgor Ku so biir ⤵️⤵️ Sido Kale So Follow-gareeyso

Ciidanka nabad gelyada qaranka waxay diyaar u yihiin inay badbaadiyaan difaacana dadka iyo dalka iyo diintodaba iyagoo hirgelinaya dimoqraadiyada somaliya


Fadlan soo sheeg haddaad aragto dhaqdhaqaaq ay samaynayaan kooxda AL-shabab
nagala soo xiriir telfonkan 0612804451 ama fariin noo qor

21/10/2025

Waa Kuwa ay Ka Go,an tahay in ay Dalkooda Cadowga Ka Difaacaan.

21/10/2025

Libaaxyadii Afrika Kumaandooska Gorgor.

21/10/2025

Ururka 2-aad Guutada 20-aad Kumaandooska Gorgor Oo Shaqo Adag Ku,guda jiraan.

19/10/2025

🇸🇴 Dal aan Ciidan Lahayn, Cadow kasta ayaa Soo Hurguriya.

Dowladdeenna sharafta badan, iyadoo arrintaas ka duuleysa, waxay mudnaanta koowaad siisay dhisidda ciidan tayo leh, oo si heer sare ah loo qalabeeyay, loo tababaray, loona mideeyay.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor waa tiirka difaaca, sharafta iyo jiritaanka dalkeenna hooyo.

19/10/2025

Kuwa Codkooda Cadowga Argagixisada UGUS Ka Baqaan.

Guutada 20-aad Kumaandooska Gorgor

19/10/2025

Taliyaha Guutada 20-AAD Ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Dhaxe Maxamed Sheekh Waxaa Ka Go,an Sidii Dalkeena Loga Ciribtiri Lahaa Cadowga Argagixisada UGUS.

19/10/2025

Guutada 20-aad Ee Kumaandooska Gorgor Oo Shaqo Qaran Ku Guda Jirto.

Guutada 20-aad Kumaandooska Gorgor

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 20-aad ee Kumaandooska Gorgor, waa halyeeyo dhab ah o...
19/10/2025

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 20-aad ee Kumaandooska Gorgor, waa halyeeyo dhab ah oo u taagan difaaca dalka, shacabka iyo calanka Soomaaliyeed.

Waxay maalmo iyo habeenno u hurayaan badbaadada ummadda, iyagoo fulinaya hawlgallo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xorriyadda shacabka Soomaaliyeed. Shaqadoodu waa mid qaran, waana astaan muujinaysa geesinimo, daacadnimo, iyo wadaniyad dhab ah.

Guutada 20-aad ee Kumaandooska Gorgor waxay cadowga kaga adkaanayaan tababar heer sare ah, isku-duubni, iyo kalsooni buuxda oo ay ku qabaan awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

🇸🇴 Ciidanka Gorgor waa garabka xoogga dalka ee geesiyaasha Soomaaliyeed — difaacaya dalka, ilaalinaya shacabka, kana shaqaynaya nabadda iyo midnimada Soomaaliya.

Faahfaahin Howlgalka Qorshaysan: Guutada 20-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa howlgallo qorshaysan ka fulisay deegaannada ...
19/10/2025

Faahfaahin Howlgalka Qorshaysan:

Guutada 20-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa howlgallo qorshaysan ka fulisay deegaannada Garas Gawan, Galka Salimow, iyo Ila Maracade, kuwaas oo horay u ahaa meel ay ku dhuumaaleysan jireen kooxaha khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada Gorgor ayaa si taxadar leh u baadhay deegaanka, iyagoo burburiyey goobihii ay kooxahaasi u adeegsan jireen keydka hubka, miinooyinka iyo xarumaha tababarka. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah ololaha nadiifinta guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan qeybo ka mid ah Shabeellaha Hoose.

Natiijada Howlgalka:
• Waxaa la nadiifiyey deegaanno dhowr ah oo muhiim u ahaa isu socodka cadowga.
• Waxaa gacanta lagu dhigay agab ciidan oo fara badan.
• Dadka deegaanka ayaa si diirran u soo dhaweeyey ciidamada, iyagoo sheegay inay dareemayaan nabad iyo kalsooni cusub.
Taliyaha Guutada 20-aad:
Taliyaha guutada 20-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle dhexe Maxamed Sheikh ayaa sheegay in howlgalka uu sii socon doono ilaa laga cirib tiro kooxaha nabad-diidka ah, isagoo yiri:

“Ciidanka Kumaandooska Gorgor diyaar ayay u yihiin inay difaacaan shacabka iyo dalka. Ma jirto meel ay ku dhuuman karaan cadowga ummadda Soomaaliyeed.”

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Deeq Gargaar ah Gaarsiiyay Bulshada Degmada Awdheegle. Taliska Ciidanka Xo...
18/10/2025

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Deeq Gargaar ah Gaarsiiyay Bulshada Degmada Awdheegle.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa maanta deeq gargaar ah gaarsiiyay qaar kamid ah dadka rayidka ah ee ku dhaqan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Deeqda la qaybiyay ayaa isugu jirtay raashin ka kooban bur, bariis, sokor iyo saliid, maraq kaneecooyin, iyo adeegyo caafimaad oo loogu talagalay hooyooyinka xanuunsan, waayeelka, iyo caruurta u baahan taageero.

Gargaarkan waxaa soo agaasimay Madaxa Hoggaanka Isku Xirka Shacabka iyo CXDS (CIMIC), Gashaanle Sare Iimaan Maxamuud Cali, waxaana goobta ka soo qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen.

Odawaa Yuusuf Raage, iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cumar Cali.

Taliyaha CXDS Jen. Odawaa Yuusuf Raage, oo fagaaraha degmada kula hadlay shacabka Awdheegle, ayaa balan qaaday in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu door muuqda ka qaadan doono dib u soo celinta noloshii degmada, taas oo ay h**e u burburiyeen kooxaha Khawaarijta ah.

Dhankooda, shacabka degmada Awdheegle ayaa si diirran u soo dhaweeyay dadaallada uu wado Taliska CXDS, iyagoo xusay in ciidamadu ay si hufan u ilaaliyeen hantidooda iyo guryahooda, isla markaana aysan jirin hal guri oo waxyeelo loo geystay intii ay ciidamada joogeen degmada.

Bulshada Awdheegle ayaa uga mahadcelisay Taliska CXDS sida ay mar walba ugu taagan yihiin difaaca shacabka iyo dib u dhiska deegaannadii ay burburiyeen argagixisada.

Degmada Awdheegle ayaa h**ey u soo martay burbur baahsan oo ay geysteen kooxaha argagixisada, kuwaas oo dumin iyo gubid ku sameeyay iskuulladii, isbitaalladii, iyo deegaanno ay kamid tahay Malable oo U dhow degmadaas.

Guutada 20-aad Kumaandooska Gorgor

11/10/2025

Xoog weynta Kumaandooska Gorgor.

11/10/2025

Gorgor Duula ayaan Nahay..

Address

Jaale Siyaad Road
Goble Hodan
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guutada 20-aad Kumaandooska Gorgor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Guutada 20-aad Kumaandooska Gorgor:

Share