25/08/2025
Qiso Murugo & Cibro Wadata: Markii Soomaalinimadu I dayacday, Oromona I badbaadisay
Habeen madow, jid dheer oo Maraykanka ah ayaan ku socdaalayay. Aniga iyo saaxiibkay waxaan ahayn darawallo truck weyn wada wado, waana shaqo adag oo aan mar kasta laba qof ku shaqeeyno. Mid baa gaadhiga wada, kan kalena gadaal ayuu ku nastaa. Habeenkaas anigaa nasanayay, hurdo qoto dheer ayaan galay, iyadoo saaxiibkay uu gaadhiga wado.
Markii aan seexday, gaadhigii ayaa istaagay. Waxaan is idhi, “Waa kaalin shidaal, ee musqusha gal oo wax yar soo iibso inta uu saaxiibkay soo laabanayo.” Nasiib darro, ma qaadan telefoonkii oo barkinta hoosteeda ayaan dhigtay, silent-na waa ku jiray. Wuxuu iga ahaa qaladka ugu weyn ee nolosheyda.
Waxaan xirnaa surwaal gaaban, funaanad yar, iyo dacas aan ku socon karin meel dheer. Habeen qabow, meel cidlo ah, sida markan u degay ayuu darawalkii gaadhiga galay isagoo moodaya inaan hurdo ana ma u sheegin waar waan degee i ogow . wax walba waxay isu rogeen riyo xun
markaan musqusha kaalinta ka soo baxay ayaan ogaaday in saaxiibkay horey u dhaqaaqay. , telefoon aan wato ma jiro, lambarkiisuna maskaxda k**a hayo. Halkaa ayaa cidlo iyo welwel igu bilaabmeen.
Waxaa dhacaya dhaxan meesha waxaa ku taala hal kaalin shidaal mana aqbalayaan qof madaw inuu dhex taagnaado sababo amni awgeed
Muddo markii aan jidka taagna marna kaalinta ku laabananayey anoo berfay oo silcay ayaa , gaadhi weyn oo Soomaali wadato soo istaagay. kaalintii Waan ku orday, farxad aan qiyaas lahayn ayaa qalbigayga buuxisay. Waxaan is idhi:
“Alxamdulillaah, waa dadkaagi , waa Soomaali. waa fahmi doonaan, dhibkaaga waana ku caawin doonan
Waxaan u sheegay xaaladdayda. Waxaan ku baryay iney iga caawiyaan inaan gaaro magaalada uu saaxiibkay u socdo ama magaalo kale ama xitaa guri somali ama hoteel ama xarun boolis Laakiin jawaabtii ay i siiyeen Waxay igu noqotay qalbi jab
“Adeer, sharci baa jira, annagu ku qaadi kari mayno. Waxa aad sheegaysid wax qoran ma aha wadankan halkii ayaa anoo taagan oo hadli kari la igaga tageen somalidii aan dirqiga ku helay
Waaan sii eegeyey anoo is waa laba nin ee armay wada hadlaan oo ku soo laabtaan iftiinkii nalalkoodaan la sii raacay jidka dheer indhaha Waxaan fiiriyay ilaa ay indhahaygu ka waayeen.
Farxaddii aan lahaa waxay isu bedeshay murugo iyo qalbi jab. Waxaan naftayda ku idhi:
“Haddii Soomaali i dayacdo, yaa kale i caawin doona Haddii dadkaygii i fahmi waayeen sida wax igu dhaceen yaa kale oo rumaysan doona , cid kalena waa iga sii shakiyi doontaa. Sababto ah nin qaawan oo wado taagan oo madaw ah gaadhi ayaa iga tegay sida loo rumaysta waa adag tahay hadiiba somalidi arinka tidhi ma fahmayno waxaad shubayso
Naxariistii aan filanayn ayaan helay saacado ka dib anoo dhiman lahaa oo qorshaystay inaan raadiyo cid booliska kaliya ii wacda
Saacado kadib, anigoo qalbi jaban, gaadhi kale ayaa istaagay. Waxaa waday nin madow ah oo Oromo ah. Waxaan isku dayay inaan ku hadlo intii English aan garanayay. Wuu i fahmay, wuxuuna indhihiisa iga akhriyay xaalada aan ku jiray.
Wuxuu i yidhi:
“Soo gal, walaal. Naxariistu sharci ma laha.” Waadan derimi karaa Xaaladada inaan ku qaadona ma ogola sharciga maraykan laakin maadama oo tahay somali waxaad tihiin umad abaal nagu leh sharci kasta oo maraykan u yaal waxaa ka weyn sharciga walaltinimadeena iyo naxariista
Ereygaas yar ayaa qalbigayga rajo ku beeray. gaadhigiisa ayuu yidhi soo gal isagoo ii diidan inuu banaanka igula sii hadlo igana naxaya qabowga anoon ba sheekadii u dhamayn wuxuuna igu yidhi
“Waxaan ku caawin doonaa si aad saaxiibkaa hesho.”
Jid dheer ayuu ila maray, laba saac markaan soconay baabuur kastaayuu ila eegayey oo istaagayey, ugu dambayna waxaan aragnay gaadhigii saaxiibkay oo meel istaagay. Markii aan daaqadda garaacay, wuu naxay isagoo is leh:
“Waar ma jinn baa ?”
Markuu indhihiisa igu arkay, isagoo filanaya inaan weli sariirta gadaal ku hurdo, ayuu yaabay. Waxaan ku iri:
“Anigu waan noolahay, waad iga tagtay, balse ninka Oromo ah ayaa ii noqday badbaado.”
Habeenkaas waxaan bartay cashar aan weligay ilaawi doonin:
Qabiil iyo qoomiyad ma badbaadiyaan qof, balse qalbi wanaagsan iyo bani’aadantinimo ayaa badbaadiya.
Mararka qaar cidda aad filayso inay ku garab istaagto ayaa kaa tagta, cidda aanad filaynse ayaa ku badbaadisa.
Soomaalinimo iyo isku af ma dammaanad qaadayaan naxariis, balse akhlaaq iyo insaaniyad ayaa dammaanad qaada.
Ninkii Oromada ahaa ee habeenkaas i naxariistay wuxuu iga dhigay inaan dib u fahmo: dadka wanaagsan Waxaan kale oo dareemay in oromada abaal u hayso somalida balse aynan dareemin
👉 Qisadani waa mid dhab ah oo xanuun badan, balse cashar wadata: Ha ku xirin rajadaada qabiil ama qoomiyad, ku xir qalbi wanaagsan iyo akhlaaq oromada ayaa ah qoomiyad faqri ah oo meelo badan daadsan waana in loo naxariisto dhamaan dadka
ninka qisadan ka sheekeyey wuxuu waraysi siiyey wariye cilmi waare