Samiya Erag

Samiya  Erag Ereg Media Waa Warbaahin Casri Ah oo La Jaanqaadaysa Jiilka Cusub Nagu Soo Biir Daawade

16/04/2025

(Cajiib! Maxay iska Matalaan Soomalida iyo Sudaaniyiintu)Saxafi Kamaal Marjaan

Wefdi ka socda Somaliland ayaa saaka Hargeysa ka baxaya iyagoo kulan Wajaale kula yeelanaya wefdi ka socda dawladda fede...
26/12/2024

Wefdi ka socda Somaliland ayaa saaka Hargeysa ka baxaya iyagoo kulan Wajaale kula yeelanaya wefdi ka socda dawladda federaalka Ethiopia.

Kulanka labada dhinac ayaa lagaga wadahadli doonaa dagaalka Deegaanka Dacawaley ee u dhexeeya ciidamada Liyuu Booliska iyo dadka deegaanka Dacawaley.

Degdeg Xukumadda Somaliland oo ku tilmaantay xasuuq weyn wixii ka dhacay Degaanka Dacawalay WAR-SAXAAFADEED Hargeysa-25-...
25/12/2024

Degdeg Xukumadda Somaliland oo ku tilmaantay xasuuq weyn wixii ka dhacay Degaanka Dacawalay

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa-25-12-2024()- Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo.

Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad.

Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.

Madaxweynaha Maamuul Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri ah wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha JSL.

Dhakhtarka weyn ee Hargeysa waxa la keenay dadkusoo dhaawacmay Dagaalka ka dhacay Dacawaley.
25/12/2024

Dhakhtarka weyn ee Hargeysa waxa la keenay dadkusoo dhaawacmay Dagaalka ka dhacay Dacawaley.

Xukuumadda Somaliland ayaa sharci darro ku tilmaantay Kalfadhigii Golaha Deegaanka Gabiley ee Maayirka cusub ugu doortee...
21/12/2024

Xukuumadda Somaliland ayaa sharci darro ku tilmaantay Kalfadhigii Golaha Deegaanka Gabiley ee Maayirka cusub ugu doorteen Saaka.

Warqadan oo laba wasiir ku saxeex nayeen ayaa ka soo baxday wasarada Arimaha Gudaha Somaliland

Wasiirka qorshaynta Marwo Kaltuun
14/12/2024

Wasiirka qorshaynta Marwo Kaltuun

"Waxa nasiib darro ah, in wiilkii aanu shalay kursiga siinay ee ra'iisul wasaaraha noqday, maanta loo adeegsado burburin...
25/11/2024

"Waxa nasiib darro ah, in wiilkii aanu shalay kursiga siinay ee ra'iisul wasaaraha noqday, maanta loo adeegsado burburinta Jubaland" Axmed Madoobe

Musharrax Faysal Cali Waraabe, ayaa hambalyeeyay musharraxa guullaystay ee Cabdiraxmaan Cirro.
19/11/2024

Musharrax Faysal Cali Waraabe, ayaa hambalyeeyay musharraxa guullaystay ee Cabdiraxmaan Cirro.

Allah haw naxariistee Madaxweynihii h**e ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ku geeriyooday maga...
15/11/2024

Allah haw naxariistee Madaxweynihii h**e ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Ciidamada Booliska JSL oo sheegay in ay qabteen sagaal eedaysane oo ku hawlanaa iibsashada kaadhadhka Codaynta."Ciidamad...
12/11/2024

Ciidamada Booliska JSL oo sheegay in ay qabteen sagaal eedaysane oo ku hawlanaa iibsashada kaadhadhka Codaynta.

"Ciidamada Booliska JSL ee Magaalada Hargaysa ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay sagaal eedaysane , kuwaasi oo ku hawlanaa iibsashada kaadhadhka Codaynta , waxaana eedaysane kasta gaarkiisa loogu qabtay kaadhadh.
Taasi oo baal-marsan xadgudibna ku ah Xeerarka dalka iyo anshaxa guud doorashada. dhammaantood eedaysanayaasha waxa degdeg loo horgayn doonaa Ha'yaddaha garsoorka.
Taliska Ciidanka boolisku waxa uu bulshada uga digayaa falalka noocaasa , waxaana qof kasta oo lagu qabto fal dambiyeedkan laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan."

Dr. Bayle oo qayb ka ah Ololaha Xisbiga  Waddani.
27/10/2024

Dr. Bayle oo qayb ka ah Ololaha Xisbiga Waddani.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Samiya Erag posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Samiya Erag:

Share