17/03/2024
Ducoqabayaal Sheeko yar oo aynu afurka ku sugno weeyane, beri baa bas aanu soo raacnay aanu ugu talo galnay in uu meel dheer na geeyo, dareewal dadkii u batayn in uu xariif yahay baanu lacag siino xilkaas weyn ee dareewalnimada u magacownay.
Shaw waxaanan ogaynba dareewalku wuu indha la, yahay oo habeenkii iyo casar kadiba waxba ma arko, kaaga daran ee dareewalku dadka baska wada saaran ayuu isku diri yaqana oo intaanan meelba gaadhin ayuu shaki iyo naxli dadkiiba kala wada dhex dhigay, wuxuu gaadhsiiyey in uu dadka intii xaga h**e fadhigay iyo intii xaga danbe uu kala gur iyo kala haybo ku sheego, qofba qofkii uu dareewalka kursi ka xigo wuu kasoo dhoweystaa.
Cilad kalena dareewalku wuu lahaa oo dal yaqaan muu ahayn, wuu nala ambaday, mid kalena wuu ku darsadoo, qofkii is dhaha sax oo u sheeg in uu ambaday dagaalka iyo afxumada ninkaas kasoo yeedhaysa waad yaabaysa
Qoraalka waan dheereye waa part1
Nala wadaag aragtidaada.