08/03/2022
Meesha dadka jooga 4M baa la gu sheegaa, waa kolka la buunbuuniyo weliba. Xataa awood dadka aan ku tirsanno waa waynay. 4M kaas qof iyo xoolahooda oo haysta bad iyo berri balaadhan, oo nolol wacan laga samayn karo, dayac baa ka dhergey. Abaaro soo noqnoqda oo aan waxba reebin, shaqo la'aan dhalinta ah, wax-barasho xumo, dhakhtar xumo, waddo xumo, biyo la'aan, IWM, si wad uun. 4M oo hal magaalo qaaddo, weliba magaalo dhexe, hadii noloshooda inta laga fikiro aan qorshe loo samayn karayn, maxaa horta siyaasadda loogu ordayaa habeen iyo maalin? Xataa hadii aad tidhaahdo xoolo urursi, waxa aan ku gu leeyahay, kolka wax la abuuro ayaa xoolaha laftooda xataa la heli karaa. Hadii waxa meesha lagu hayaa intii Ingiriis ama Faqash ka tagtay uun uu yahay, oo aan hal mashruuc oo micno leh oo la taaban karo la soo kordhin, maxaa meesha laga qabanayaa? Dalka nimcaa fadhida iyo huuhaa da maxaa la isugu akhriyaa?
~Maxamed Haaruun biixi