Lool Press

Lool Press Shirkadda Lool Press waa shirkad bixisa adeegga daabacaadda, tifatirka iyo faafinta buugaagta.

Lool Press waxa ay u taagan tahay '𝘜 𝘎𝘶𝘶𝘳𝘳𝘪𝘥𝘥𝘢 𝘋𝘩𝘢𝘲𝘢𝘯𝘬𝘢 𝘋𝘩𝘪𝘨𝘢𝘢𝘭𝘬𝘢'

Bandhigga Buugga Fanka Curinta Goobta: Damal HotelTaariikhda: 27 Feb 2025Maalinta: Khamiis (Habeenka Jimce soo gelayo) S...
25/02/2025

Bandhigga Buugga Fanka Curinta
Goobta: Damal Hotel
Taariikhda: 27 Feb 2025
Maalinta: Khamiis (Habeenka Jimce soo gelayo)
Saacadda: 7:00 PM Fiidnimo

Fadlan Tikadhada oo kooban ka doonno goobahan
1. Horyaal Business Group (Kaaraha Rugta Ganacsiga agteeda)
2. Aleen Books (Kaaraha Area, Dhanka Danbe Ee Shirkadda SO! gasho)

Buug Cusub: FANKA CURINTA“Haddii aad doonayso wax cusub, jooji qabashada wax gaboobay” Peter F. Drucker, Aabbaha Fanka M...
03/10/2024

Buug Cusub: FANKA CURINTA

“Haddii aad doonayso wax cusub, jooji qabashada wax gaboobay” Peter F. Drucker, Aabbaha Fanka Maamulka Qarnigii 20aad.

Buuggan ‘Fanka Curinta’ waa tallaal muhiim ay tahay in uu qaato qof kasta oo doonaya in uu adeegsado awoodda curineed ee ku keydsan gudahiisa. Hal’abuurnimada iyo curintu waa biriijka qofku kaga gudbo caqabadaha iyo dhibaatooyinka nololeed ee soo wajaha. Ujeeddada ugu weyn ee buuggu xambaarsan yahay waa in uu inaga furfuro silsilado ku dabrannaa muddo dheer maskaxdeenna. Waa silsiladaha keenay in dhammaan dareemmada aqoonta ee qofku u afduubnaadaan mushkiladaha yaryar ee maalinlaha ah. Waa silsiladaha ka samaysan khurafaad ku kala tuuray qofka iyo curinta cadceed ka soo bax iyo cadceed ka dhac.
Buuggan Fanka Curintu {Steal Like an Artist} waxa uu ka mid yahay buugta loogu iibsiga badan yahay {New York Times Best Seller}. Waxaana loo afnaqay ama loo tarjumay in ka badan 21 luuqadood. Waxa u saamaxay in uu derajadaa gaadho; waa in uu dib u mideynayo qofka iyo curinta oo uu ka dhigayo laba isku sidkan oo ul iyo diirkeed ah. Qofka soomaaliga ah marka ugu horreysa ee uu curin ama hal’abuur maqlo waxa ku soo dhaca suugaan iyo noocyadeeda uu ugu mudan yahay gabaygu. Balse, waxa hubaal ah sida aan ugu suntan nahay bulshadii gabayga, si la mid ah in aynnu hibo u leenahay hal’abuurnimada iyo curinta guud ahaan fanka kala geddisan ee nolosha.
Hal’abuurnimadu dhinac kasta oo nolosha ka mid ah - fanka, farshaxanka, ganacsiga, hoggaaminta, maamulka - waxa ay u tahay lagama maarmaan sida kalluunku aannu biyo uga maarmin. Nolol bilaa curin iyo hal’abuur ahi waa nolol aan iftiin iyo hawo midna lahayn. Waxa aan rejaynayaa in uu buuggani noqdo saaxiib kugu kaalmeeya in aad dib isku heshaan adiga iyo hibadaada curineed oo in badan ay idiin dhexaysay deyr weyn oo ka samaysnaa aamminaado ku-tidhi-ku-teen ah iyo hadaltiro aan cilmi iyo xaqiiqo haysan oo muddo badan inoo sheegi jirey in dad kooban oo gaar ahi leeyihiin hibada curinta iyo hal’abuurka ama hal’abuurnimadu tahay hidde oday ka soo gaadh ah oo haddii aannu awoowgaa lahaan jirin aannad adigu meel na ka soo gelayn.
Cabdisalaam Gaboobe


20/11/2023
03/11/2023
   إنا لله وإنا إليه راجعونAbwaan  Siciid Gahayr. Abwaan alle haku naxaristo insha allah.ilaahay waxaan uga baryaynaa in...
28/10/2023


إنا لله وإنا إليه راجعون
Abwaan Siciid Gahayr. Abwaan alle haku naxaristo insha allah.
ilaahay waxaan uga baryaynaa in Qabriga u Nuuro, janadii fardowsa geeyo, dhammaan ehelka iyo qaraabada, asxaabtii uu ka baxayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo insha allah aamiin aamiin.

Rukun wayn baa ka baxay bahwaynta qalinka iyo akhriska.

shirkadda dabacadda casriga ah ee Lool Press  waxa ay bogaadinaysaa bandhigga caalamiga ee London Somali Week Festival 2...
23/10/2023

shirkadda dabacadda casriga ah
ee Lool Press waxa ay bogaadinaysaa bandhigga caalamiga ee London Somali Week Festival 2023 oo lagu so bandhigo buugta xulka ah,fan , suugaan, iyo agabka dhaqanka
kaas oo sanadkasta lagu qabto carriga ingiriiska.

sanadkan shirkaddu waxa ay nasiib u yeelatay
in buugta ay dabacday ay ka so mooqdeen bandhigga buugta .

buugta sheeko faneedka
# buugta kobcinta garaadka
taarikhda
# buugta suuganta iyo fanka
turjuman.

Buugga SAAJAC: Sooyaalkii iyo Halgankii SNM ee Mujaahid Faarax Siciid Sugulle (Faarax-Ifiso) ayaa nasiib u yeeshay in uu...
01/10/2023

Buugga SAAJAC: Sooyaalkii iyo Halgankii SNM ee Mujaahid Faarax Siciid Sugulle (Faarax-Ifiso) ayaa nasiib u yeeshay in uu noqdo buuggii u horreeyay ee aanu daabacno, ahna daabacaad labaad oo aanu buugga u samaynay.

Buugga waxa qorey Qoraa Maxamed Siciid

Nagala soo xidhiidh;
WhatsApp: +25263-7999922
Telesom: +25263-7999922
Somtel: +25265-6999922

#𝘜𝘎𝘶𝘶𝘳𝘳𝘪𝘥𝘥𝘢𝘋𝘩𝘢𝘲𝘢𝘯𝘬𝘢𝘋𝘩𝘪𝘨𝘢𝘢𝘭𝘬𝘢
Hargeysa, Somaliland

Address

Dhanka Galbeed Ee Shirkadda Internet-ka SOMCABLE (SO!)
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Lool Press posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category