16/08/2022
Labo dhalinyaro ah oo dagaallamaysa ayaan meel ugu imid, markaasaan inta kala dhacshay waxaan waydiiyay bal waxa isu geeyay. Labadooda midkii eed-sheeganayay baa igu yiri "waxa uu igu sheegay Lax", markaasaan Kii kale waydiiyay eedayntaas waxa ka jira iyo inuu falay waana uu qirtay.
Anigii intaan is-xanaajiyay baan ku iri gabood-falihii "war waxyahow xoolaha ah maxaad ninka Lax ugu sheegtay, haddiise aad caydiisa ka maarmi wayday maad xitaa "neefyahow" tiraahdid wa adiga lax ku tilmaamayee?", markaasuu dhibbanihii inta soo booday wuxuu yiri "haa wallaahi saaxiib neef k**a xanaaqeen hadduu sidaa i oran lahaa, laakiin maxay tahay "lax" hooyadi waxaa ku sameeyaha xunka ahi waa ila bartay hadalkaas". Waxaan ku iri "bees hadda waxaasi way dhammaadeene ka heshiiya, gacmahana waan isu saaray anoo waliba kula sii dardaarmay in ay cayda iska daayaan illeen wax fiican maahane.
Ugu dambayntii sidii baan wiilashii uga tagay, iyaga oo labadooda midina XOOLO ku qanacsanyahay, kan kalana uu NEEF oggolyahay in la yiraahdo balse LAX uu ka xanaaqo oo cay u yaqaan.
Ilaahoow akhlaaqda iyo edabta noo hagaaji adaa Qaadiree.
Wadeeca Allah.