War-shiil Tv

War-shiil Tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from War-shiil Tv, Social Media Agency, Sha'ab Area, .

WAR-SHIIL TV WAR HUFAN, DHACDOOYIN DEGDEG AH IYO XOG BULSHO OO LAGU HALLEYN KARO

Warbaahinta Baraha Bulshada ee War-shiil TV waa meesha aad si joogto ah uga heli doontaan warar hufan oo la hubo, barnaamijyo tayo leh, dhacdooyinka dunida iyo arrimaha buls

“Hargeysa Airport ma aha goob qof walba iska tago”Guddoomiye Ku-xigeenka Maroodi-jeex oo ka jawaabay hadal ka soo yeedha...
27/08/2026

“Hargeysa Airport ma aha goob qof walba iska tago”

Guddoomiye Ku-xigeenka Maroodi-jeex oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay KAAH

Wali Cabdi Jaamac Doolaal, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KAAH, isaga oo sheegay in hadalkaasi aanu sal iyo raad lahayn.

Doolaal ayaa sheegay in Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa aanu ahayn goob qof kastaa iska geli karo, balse uu yahay goob ay gacanta ku hayso xukuumadda Somaliland oo ku timid codka aqlabiyadda shacabka.

“Alla, goor afka way yaqaanaan, waana ka agnaane godka lagu janeeyo. Muxuu Gu’uhu been sheegay?

Hargeysa Airport ma aha goob wacays loo tago, balse waa airport ay gacanta ku hayso xukuumad cod shacab oo majority ah ku fadhidaa.”

Gaba'gabaddii, Doolaal ayaa caddeeyey in Madaarka Hargeysa uu hoos yimaaddo xukuumadda, isla markaana aanu ahayn goob qof ama koox gaar ahi si madax-bannaan u maamuli karto.

MESOB oo loo diyaarinayo adeegyo dijitaal ahXukuumadda DDS ayaa qorshaynaysa in xarumaha MESOB lagu casriyeeyo adeegyo d...
27/08/2026

MESOB oo loo diyaarinayo adeegyo dijitaal ah

Xukuumadda DDS ayaa qorshaynaysa in xarumaha MESOB lagu casriyeeyo adeegyo dijitaal ah oo isku xidhan, si bulshada ay adeegyo kala duwan uga hesho hal goob, si fudud oo hufan.

Qorshahan ayaa lagu ballaarinayaa dhammaan maamul-magaalooyinka iyo 85-ka degmo, iyadoo ujeeddadu tahay in la yareeyo waqtiga iyo kharashka bulshada kaga baxa helitaanka adeegyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Gabadh Ingiriis ah oo Islaamka ku heshay nabadGabadhii Islaamka ku heshay nabad ❤️✨Gabadh u dhalatay dalka Ingiriiska ay...
27/08/2026

Gabadh Ingiriis ah oo Islaamka ku heshay nabad

Gabadhii Islaamka ku heshay nabad ❤️✨

Gabadh u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa soo Muslimtay kaddib markii ay si qoto dheer u baratay Islaamka, gaar ahaan sida uu u maamuuso haweenka.

Waxay sheegtay inay Islaamka ka heshay xasillooni, hanuun iyo nabad uu qalbigeedu u baahnaa. ❤️🕊️

Deeq Cabdillaahi Aadan oo celiyay xoolo uu 60 sano ka hor qaatayDeeq Cabdillaahi Aadan oo ku sugan Degmada Mayamuluqo ee...
27/08/2026

Deeq Cabdillaahi Aadan oo celiyay xoolo uu 60 sano ka hor qaatay

Deeq Cabdillaahi Aadan oo ku sugan Degmada Mayamuluqo ee DDS, ayaa celiyay lacag u dhiganta laba neef oo Lo’ ah oo isaga iyo saaxiibkii ay qaateen 60 sano ka hor.

Xilligaas labada neef waxay qiimahoodu ahaa 140 Shilin, halka maanta ay lacagtu noqotay 140,000 Birr.

Deeq ayaa sheegay in xanuun ku dhacay afar sano ka hor uu ku baraarujiyay inuu iska celiyo wixii uu dad kale ka qaatay, isagoo ka baqay xisaabta Aakhiro.

KAAH oo Warqad Rasmi ah u Gudbiyey Wasaaradda Duulista JSLWarqad rasmi ah oo uu Xisbiga KAAH u diray Wasaaradda Duulista...
27/08/2026

KAAH oo Warqad Rasmi ah u Gudbiyey Wasaaradda Duulista JSL

Warqad rasmi ah oo uu Xisbiga KAAH u diray Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada JSL ayaa xambaarsan aragtida iyo dalabyada xisbiga ee la xidhiidha arrimaha duulista iyo madaarrada Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo ka garaabay Shaqo la’aanta baahsan ee Dhallinyarada wax baratay....
27/08/2026

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo ka garaabay Shaqo la’aanta baahsan ee Dhallinyarada wax baratay.

“Caqabaddaha ugu waa weyn ee maanta Waddankeena ka jira waxa kamid ah Shaqo la’aanta.

Dadku waxa ay is weyndiinayaan Ardayda intaa le'eg ee soo baxaysa oo maanta meel shaqo buuran ay ku og yihiina aanay jirin”

27/08/2026

SHEEKH MUSTAFA “ War waxba jeedinmaayee iga tag”

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in jaamacaddu kaalinta 340-aad ka gashay jaamacadaha Afrika, halka ay addu...
27/08/2026

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in jaamacaddu kaalinta 340-aad ka gashay jaamacadaha Afrika, halka ay adduunka kaga jirto kaalinta 7,276-aad, sida lagu sheegay qiimaynta EduRank.

EduRank ayaa qiimaysay 1,104 jaamacadood oo Afrika ah iyo 14,131 jaamacadood oo caalamka ah.

Aqalka Sare oo Digniin u Diray 20 SenatorGuddida Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Senatorada ee Aqalka ...
27/08/2026

Aqalka Sare oo Digniin u Diray 20 Senator

Guddida Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Senatorada ee Aqalka Sare ayaa digniin rasmi ah u diray 20 Senator oo lagu eedeeyay inay ka maqnaadeen fadhiyada Golaha.

Guddidu wuxuu Senatorada xusuusiyay waajibaadkooda dastuuriga ah iyo muhiimadda ka-qaybgalka joogtada ah ee fadhiyada, isagoo ka digay maqnaanshaha aan loo meel dayin. Aqalka Sare ayaa ka kooban 54 Senator.

DDS oo Qorshaysay Shaqo-abuurka 172,600 Qof iyo Tababarka 30,000 QofXafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS ayaa magaal...
27/08/2026

DDS oo Qorshaysay Shaqo-abuurka 172,600 Qof iyo Tababarka 30,000 Qof

Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS ayaa magaalada Jigjiga ku qabtay kulan lagu mideynayo qorshaha xirfadaha iyo shaqo-abuurka ee sanad-miisaaniyeedka 2019-ka.

Kulanka oo ay ka qayb galeen masuuliyiinta xafiiska iyo xarumaha tababarrada xirfadaha ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta qorshe waafaqsan baahiyaha bulshada iyo suuqa shaqada.

Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS, Xuseen Gaydh Axmed, ayaa sheegay in qorshaha sanadkan lagu abuurayo shaqooyin ay ka faa’iidaystaan 172,600 qof, halka 30,000 qof la siin doono tababbarro gaagaaban oo xirfado shaqo loogu diyaarinayo.

Waxaanu yidhi. “Sanadkan 2019-ka waxa aanu qorshaynay in shaqo-abuur loo sameeyo 172,600 qof, halka 30,000 qof la siin doono tababbarro xirfadeed oo la jaanqaadaya baahiyaha suuqa shaqada.”

Address

Sha'ab Area

Telephone

+252907615316

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when War-shiil Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share