
20/11/2023
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Maxamed Xaashi Cilmi.
Hargeysa-20-11-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas Qaran oo xabaalaha Baqiic ee duleedka caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Maxamed Xaashi Cilmi oo kamid ahaa haldoorka qiimaha badan ee bulshada reer Somaliland.
Aaska Qaran ee loo sameeyey marxuumka waxa madaxweynaha kala qayb-galay madax kala duwan oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha wakiillada, xildhibaanno, wasiirro, siyaasiyiin, mujaahidiin, saraakiil ka socota dawlad-deegaanka Soomaalida, madax-dhaqameed, haldoor iyo qaybaha kale ee bulshada reer Somaliland, waxana marxuumka salaadda jinaasada lagaga tukaday duleedka qubuuraha Baqiic lagu Aasay.
Qaar kamid ah mujaahidiintii ay soo wada halgameen marxuumka oo ay kamid yihiin Mujaahid Ibraahim Xuseen Dhego-weyne, Prof. Cabdisalaan Yaasiin iyo Mujaahid Xasan Jaamac Cali (Dayax) oo halkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay kaalintii uu marxuumku ku lahaa Aas aaskii ururkii SNM iyo dib u xorayntii dalka, waxana ay ku sifeeyey halgamaa ku suntan wanaag iyo dal jacayl.
Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-ganey) iyo suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa iyaguna tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay, iyaga oo marxuumkana Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo.
Aqoonyahan Ibraahim Aadan Doolaal oo kamid ah siyaasiyiinta Dawlad-deegaanka Soomaalida oo Aaska ka qaybgay, ayaa dhankiisa marxuumka Eebbe uga baryey inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo, waxana uu ku sifeeyey shaqsiyad dunida kaga tagtay raad muuqda oo dhinaca wanaagga ah.
Qaar kamid ah haldoorkii Aaska ka qaybgalay oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Warfaafinta, Qorshaynta iyo Diinta iyo Awqaafta oo goobta jinaasada ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhdii marxuumka, waxana ay tacsiyeeyeen ehellada, qaraabada iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay marxuum Maxamed X