Waaba -cado Media

Waaba -cado Media media agency

Maxaa Laga Wadaa Erayga “Daraawiish”?Waligaa ma jeclaatay in aad ka mid ahaan laheyd ciidankii “Darwaawiishta” jawaabtaa...
29/10/2023

Maxaa Laga Wadaa Erayga “Daraawiish”?

Waligaa ma jeclaatay in aad ka mid ahaan laheyd ciidankii “Darwaawiishta” jawaabtaadu waxa ay ila tahay Haa, hadiise aan ku weydiiiyo Sabab? malaha waxa aad la soo boodi laheyd waa halgamayaal, laakin waxaa jiraa macluumaad intaas ka duwan oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato mcnaha erayaga “Darwiish”.

Dabayaaqadii qarnigii 18,aad ilaa bilowga qarnigii 19,aad, Sayid Maxamed Abdulle Xasan waxa uu ingiriiska kala horymid halgan hubeysan oo markii dambe caan ku noqday magaca “daraawiish” hase yeeshee waxa aysan ogeyn dad badan ayaa ah yaa bixiyey Magacan Dhul marka ah ee “Darwiish”.

Sidaada oo kale ayaan ahaa mana ogeyn macnaha dhabta ah ee “Darwiish” ilaa ay timid maalin aan go,aansaday in baaro macnaha eraygan, isha kaliya ee aan sadaaliyey in aan ka heli karo macluumaad deg deg ah waxa ay noqotay Google-ka, haa waxaana markii h**e isku dayey in aan Af-soomaali ku raadiyo hase yeeshee ma arkin wax natiijo ah.

Ugu dambeyntii waxaan badalatay xeeladdii baaritaankeyga, afka carabiga oo bah-wadaag la ah Af-soomaaliga ayaana wax ku raadiyey, halkaasi ayaana ka helay baadideydii, waxaana go,aansaday in aan qoro qormadan si dadka dambe ee Af-soomaaliga wax ku soo raadinaya ay u helaan macluumaad ku qoran aAfka-Soomaaliga, qeybta hoosane waa macluumaadkii aan helay oo gooban islamarkaana ku qoran luuqad fudud oo uu fahmi karo qof walbo.

“Daraawiish” waxaa loo yaqaanaa dariiqada Suufiyada gaar ahaan kuwa Sameeya Suhdiga(Aduunyada ka saahido), sidoo kale eraygan marka loogu dhawaaqayo luuqadaha Faarista iyo Turkiga waxaa uu u qormayaa sidan “Dervish”, waxaa kale uu eraygan yeelanayaa macno kale marka la joogo afka Hindiya waxaa uuna noqonayaa “Baahi”.

Daraawiishtii Suufida waxa ay caan ku ahaayeen Murtida, Daaweynta, Gabayga iyo Garashada, hadda Kalimaddan afka carabiga waxaa loo yaqaanaa qof faqiir ah oo baahan laakiin aan isku muujinin baahi,balse reer galbeedka waxa ay Darwiish ku magacaabi jireen mujaahidiintii la halgami jirtay iyaga.

Waxaana Ka mid ah halgamayaashii magacaasi ay u bixiyeen Halgamaagii reer Sudan ee inigiriiska la dagaalamay Mahdi, iyo halgamaagii Soomaaliya u dhashay Saiyd Maxamed Cabdulle Xasan, waxaana ay ereygan u isticmaalaan in ay ku duleystaan qof,iyagoo dhahaya waa “Darwiish” hadii ay koox yihiinna “Daraawiish.

Waaba-cado media

Kali taliye kasta o aduunka soo mara kuma filna,nidaamka,kala dambaynta iyo hanaanka dawladnimada togan.Sida kale kuma f...
24/10/2023

Kali taliye kasta o aduunka soo mara kuma filna,nidaamka,kala dambaynta iyo hanaanka dawladnimada togan.

Sida kale kuma filna wakhtiga u kursiga ku fadhiyay,

Kani waa Maxamed siyaad bare o ku sugan gobolka gedo 1991 ka dib marki jabhaduhu ka saareen vila somalia isago kursiga ku fadhiyay mudo 21 sanadood ah , waxaanu so jabhadeeyay laba jeer,

Waaba-cado media

13/10/2023
Xaflada Dhagax dhiga ceel biyood laga qadayo  duledka magalada Abokor oo katirsan Degmada Daror , Gobolka jarar ayaa si ...
14/09/2023

Xaflada Dhagax dhiga ceel biyood laga qadayo duledka magalada Abokor oo katirsan Degmada Daror , Gobolka jarar ayaa si quruxbadan uqabsontay.

Ceelkan waxaa dhagax dhigay wasirka Xafiiska Biyaha DDS Xasan maxamed xusen iyo wasirk kuxigenka xafiiska maliyada dds md muxiyadin cabdi farax waxaana kaso qaybgalay xildhibaano , mamulka degmada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan .
Mashruucan ayaa waxaa fulinaya xafiiska biyaha ee dds waxaana ku baxaysa miisaniyad dhan 23,400,000 birr waxaana hoos looqadoyaa fogaan dhan 520 mitir.

Waaba-cado media

Alle ha u naxariisto, oo jannooyinkiisa sarsare ha ku casuumo fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed, Ustaad Axmed Naaji Saca...
06/09/2023

Alle ha u naxariisto, oo jannooyinkiisa sarsare ha ku casuumo fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed, Ustaad Axmed Naaji Sacad, oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska. Ehelkiisa iyo ummadda Soomaaliyeedna waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan naga wada siiyo.

Ustaad Axmed oo caan ku ahaa qaadista heesaha, alifaadda laxammada iyo tumista qalabka muusiga, wuxuu ku dhashay degmada Shibis, ee magaalada Muqisho sannadkii 1939. Kadibna wuxuu ku barbaaray xaafadda Iskuraran ee degmada Xamarweyne, halkaas oo uu ka dhagaysan jiray heesaha laga qaadayo xarunta Leegada (SYL). Markii uu gaashaanqaad noqdnayna isaga ayaa heesaha guubaabada ah marna ku jalbeebin jirey marna ku maaweelin jirey dadweynaha xarunta Leegada yimaadda.

1954 ayuu Ustaad Axmed si rasmi ah u bilaabay fanka, waxaanu xilligaas qaadi jiray heeso waddani ah, oo ay qaarkood yihiin afka Carabiga. Sida oo kale wuxuu tumi jiray qalabka muusigg oo kala duwan, sida cuudka, giitaarka, fiyooliinka iyo organka. Aqoonta uu u leeyahay qalabka muusiga dartood, wuxuu noqday madaxa qaybta muusiga ee Golaha Murtida iyo Madaddaalada.

Heesaha caanka ah ee Ustaad Axmed Naaji Sacad lagu xasuusto waxa ka mid ah: Hiddiidiiyooy Hiddii, Bullooy hooy bullooy, Axdigaan Laheen, Canabey Dartaa, Waa Guuree, Aadooy Huunooy iyo Kuwo kale oo badan.

Ustaadka oo geyiga Soomaalida oo dhan laga qadariyo, kaalintintiisa fanku waa mid aan si sahal lagu buuxin karin laguna buuxin doonin. Boggaga taariikhda ummadda Soomaaliyeed ayuuna ku nool yahay, weligiina uu u ku jiri doonaa.

Waaba-cado media

Santarka waba-cado o ka tirsan degmada daroor dawlada deegaanka somalida Ethiopia, Ayaa sida  ilo xog ogaala ii sheegeen...
21/08/2023

Santarka waba-cado o ka tirsan degmada daroor dawlada deegaanka somalida Ethiopia,
Ayaa sida ilo xog ogaala ii sheegeen, waxa u so baxay ceel riig ah kaas o wax ka tari doona baahida dhanka biyaha ee deegaankaas.

Waaba-cado media

Hambalyo wasirka cusub maaliyada jfs  Bihi Iman Egeh alle ha kugu asturo xilka Waaba-cado media
08/07/2023

Hambalyo wasirka cusub maaliyada jfs Bihi Iman Egeh alle ha kugu asturo xilka

Waaba-cado media

500 oo qoys  oo Dan yar ah ayuu siiyay dhul hanti qaran ah oo ay waligood lahaan doonaan...Alle cimrigaaga raaji oo cama...
03/07/2023

500 oo qoys oo Dan yar ah ayuu siiyay dhul hanti qaran ah oo ay waligood lahaan doonaan...

Alle cimrigaaga raaji oo camalkaaga barakee....
Hargaysa way mahadisay codkii ay ku siisay alxamdullilaah...

Waaba-cado media

Hadaad biyo nadiifa hesho baad waayi maysid.Waaba-cado media
27/05/2023

Hadaad biyo nadiifa hesho baad waayi maysid.

Waaba-cado media

LAND ROVER  ,1992. Iyo land rover 1959 waa baabuur in badan shaqaysay.Waaba-cado media
19/05/2023

LAND ROVER ,1992. Iyo land rover 1959 waa baabuur in badan shaqaysay.

Waaba-cado media

Fannaanada Khadra Cumar Dhuule ayaa xalay ku geeriyootay magaalada Mogadishu, Allah u naxariisto.Waaba-cado media
12/05/2023

Fannaanada Khadra Cumar Dhuule ayaa xalay ku geeriyootay magaalada Mogadishu, Allah u naxariisto.

Waaba-cado media

Bilawga birijiijka sadexaad ee caasimada hargaysa Gaarahaan fooqa jajabka aya la bilabay shaqadiisa.Waaba-cado media
12/05/2023

Bilawga birijiijka sadexaad ee caasimada hargaysa
Gaarahaan fooqa jajabka aya la bilabay shaqadiisa.

Waaba-cado media

Address

October Street
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waaba -cado Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Waaba -cado Media:

Share

Category