E-Waafi

E-Waafi E-Waafi is Somali’s trusted online shopping platform. Shop 24/7, from anywhere, with confidence.

BREAKING : An influential US-China subcommittee in the US House of Representatives is calling for the State Department t...
19/01/2025

BREAKING : An influential US-China subcommittee in the US House of Representatives is calling for the State Department to open a representative office in to counter rising influence in the region.

Rep. John Moolenaar, the chairman of the House Select Committee on the Chinese Communist Party, said in a letter sent to outgoing Secretary of State.

He added that "the creation of a U.S. representative office in Hargeisa would send a strong signal of support to Somaliland's democratic achievements and resilience. It would also underscore our commitment to countering the PRC's growing influence in one of the world's most geopolitically significant
regions. I urge you to prioritize this initiative as part of our broader strategy to safeguard U.S.
interests in the Red Sea and the Horn of Africa."

The chair of the committee concluded his letter, "I stand ready to assist in any way to support the establishment of a U.S. diplomatic presence in ."

DARAASAD:  Saamaynta Ay Caruurta yar yari Ku Yeelato Canaanta iyo dilka Badan Iyo + Waxyaabaha Ay Ka Qaadaan.
02/09/2024

DARAASAD: Saamaynta Ay Caruurta yar yari Ku Yeelato Canaanta iyo dilka Badan Iyo + Waxyaabaha Ay Ka Qaadaan.

Waa Daraasad Caafimaad

Musharax Cirro oo si kulul ugu jawaabey dawlada Somaliya .“ Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda & goonni-isu-ta...
25/08/2024

Musharax Cirro oo si kulul ugu jawaabey dawlada Somaliya .

“ Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda & goonni-isu-taageedu waa go’aan shacab oo ku dhisan doonista (iraadada) shacabka oo aan ka noqosho lahayn, dhammaan siyaasiyiinta, Xisbiyada Qaranka iyo Ururrada siyaasadduna waxa ay u taagan yihiin oo ay ka turjumaan arrintaas. Xisbiga WADDANI waxaa uu hormuud ka yahay xaqiijinta iyo ka-midho-dhalinta himilooyinkaas isaga oo ay u dheer tahay una xusul-duuban yahay, kuna caan baxay Ilaalinta wadajirka, isku-duubnida shacabka iyo Qarannimada Somaliland, sida taariikhda fog & midda dhawiba ka markhaati yihiin, waxaa Xisbiga WADDANI lagu bartay garab-istaagga iyo difaaca Qaranka gaar ahaan maalmaha ay u daran tahay, marna kuma suntana macaash siyaasadeedna k**a raadsado kala- irdheynta dadkiisa.

Dhanka kale, Xukuumadda maanta ka jirta Soomaaliya, waxa ay beryahan dambe duullaan qaawan ku soo qaaddaan ummadda reer Somaliland, dal iyo dad ahaanba iyaga oo isku dayaya inay beeraan nac iyo cunfi. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland & dadkiisu waraaqo la soo saaro iyo erayo meel laga yidhaahdo midna ka joojin maayaan in ay aayahooda iyo masiirkooda meel mariyaan. Somaliland dib u noqon mayso, cudud iyo caqli baana dadkeedu ku ilaashanayaan jiritaankooda. Sidaas awgeed, iyaga oo arrimahaasi jiraan ayaa beryahan dambe dalkeenna waxaa ku soo badanaya siyaasiyiin aan muddakar ahayn isla markaana aan xilkas ahayn, kuwaas oo u maleynaya in ay ku macaashi karaan qoqobka & kala-qeybinta ummadda reer Somaliland, dhexdoodana raba in ay ka abuuraan fitno hor leh oo keeni karta cawaaqib xumo.

Reer Somaliland-ow, Annigu waxa aan ahay Murashax Madaxweyne oo u taagan wada-jirka ummadiisa, korna u qaadaya is-ahaanshahooda, wax wada lahaanshahooda iyo walaalnimadooda, si weynna ula dagaalamaya siyaasadda duugowday ee ‘qeybi oo xukun-ka’ ku dhisan ee naxliga & kala-qeybinta astaanta ka dhigtay, kuwaasi waxa ay weli fahmi la'yihiin in maxsuulka kala-qaybintoodu dhaawac weyn soo gaadhsiiyey Qarankeenna, shacabkeenna iyo karaamadeenna, tahayna khatarta iyo boogta ugu weyn ee cadawga ummaddani damqaayo maanta.

Annigu ka Murashax Madaxweyne ahaan & ka Xisbi ahaanba, maalinta ay qadhaadhahay, waxaa nalagu bartay in aan kala garanno Qarannimada iyo xifaaltanka dhexdeenna oo hiil iyo hooba la garab istaagno Qarannimadeenna, waxaana tusaale kuugu filan maalintan maalinteedii tallaabooyinkii aan qaadnay ee aan Xisbi ahaan & Murashax ahaanba aan Qarankan ku badbaadinay, sidaas awgeed, waxa aan cod dheer taageerayaashayada, waxgaradka iyo haldoorka ummaddayda ugu baaqayaa in aanay la qasan siyaasiyiinta saba-daaqqa ah ee aan lahayn aragtida hiiraalka leh.

Ugu dambeyn, dhammaan dadka reer Somaliland ee dal & dibad ku nool, waxa aan ugu baaqayaa in ay midnimada dhexdooda & wada-jirkooda meel uga soo wada jeestaan, indho feejiganna ku eegaan gedgeddoonka ka socda Geeska Afrika iyo colaadaha ka aloosan mandaqadda aynu ku naal, walaalayaa kor uga kaca yooyootanka dhexdeenna oo aynu u midowno cadowgeenna dibedda iyo siyaasiga gudaha ku jira ee kala qeybinta ummadda raba in uu ku macaasho.

Somaliland Guul & Gobonnimo.
Dr Cabdiraxmaan Cirro
25 August 2024.

11/08/2024

DEG-DEG:- Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Mucaaradka ah Ee Waddani Ayaa Shaaciyay Inuu Qabsoomaayo Shir waynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Mucaarku. Isagoo Sheegay Goorta La Qaban doono Shirkaas.

“ Cida sameysay Jabhada ARAB , dhawaan ayaanu sheegi doonaa , doorashada-na dib uma dhigi karto ….” Ugaaska beelaha bees...
05/08/2024

“ Cida sameysay Jabhada ARAB , dhawaan ayaanu sheegi doonaa , doorashada-na dib uma dhigi karto ….” Ugaaska beelaha beesha ARAB.

“Maalinta Sabtida, sidii aan h**e u iclaamiyay waxaan socdaal la tashi ah ugu tagayaa bulshadii i soo dooratay ee reer A...
19/07/2024

“Maalinta Sabtida, sidii aan h**e u iclaamiyay waxaan socdaal la tashi ah ugu tagayaa bulshadii i soo dooratay ee reer Awdal.
Waxaan soo dhaweynayaa baaqyada isa soo taraya ee lagaga soo hor jeedo gefkii la igula kacay iyo dacwaddii sharci-darrada ahayd ee loo gudbiyay shir guddoonka Wakiillada.

Ciidanka booliska waxaan ugu baaqayaa, in ay sida ugu habboon u sugaan amniga dadweynaha go'aansaday in ay i soo dhaweeyaan, aniguna aan ka aqbalay iyo amnigayga labadaba.
Xukuumaddana waxaan ugu baaqayaa in caqligu shaqeeyo, oo aanay samaym kicin dadweyne.

Waxaan mar labaad ku celinayaa in aanay i metelin qof ama koox walba oo sidata calan aan ahayn ka Somaliland, maadaama aynu nahay dal madax bannaan.

In kasta oo la iga doortay gobolka Awdal, waxaan xildhibaan u ahay guud ahaan shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan u dhaartay ilaalinta sharciga iyo dastuurka dalka, mana ogoli in lagu xad-gudbo, la baal maro ama la jebiyo sharciga.
Sidaa si la mid ah, ma ogoli in waxyeello loo geysto ama la mashquuliyo ganacsiyada iyo in shaqooyinkooda laga hor joogsado dadweynaha reer Boorama.

Waxaan guud ahaan shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland u rajeymayaa barwaaqo iyo amni buuxa.”

Xildhibaan Maxamed Abiib.

" Bulshadu way ka ilbaxday in wax aad samaysay aad cid ku eedayso! Waa ayaandarro, cidna kaa dhegaysan mayso.Waannu soo ...
13/07/2024

" Bulshadu way ka ilbaxday in wax aad samaysay aad cid ku eedayso! Waa ayaandarro, cidna kaa dhegaysan mayso.Waannu soo jeednaa, runta ayaannu kuu sheegaynnaa, xaqiiqada ayaannuna dadka taabsiinaynnaa. Kana deyn mayno ilaa la beddelo, oo farteennu beddesho. Waana ta gubaysa! ".

~ Guddoomiye Xirsi Ali Xaaji Hassan.

DEG-DEG:- Dawlada Ethiopia Ayaa War Kasoo Saartay Kulankii Ankara Ku Dhex maray Somaaliya kaas oo Ahaa wejigii koowaad e...
02/07/2024

DEG-DEG:- Dawlada Ethiopia Ayaa War Kasoo Saartay Kulankii Ankara Ku Dhex maray Somaaliya kaas oo Ahaa wejigii koowaad ee Ay marti galiso Dalka Turkigu. Halkan Ka akhriso Warqada Ay soo Saartay Ethiopia Kulankaas.

Wararka Soomaaliya Somali Global News Somalia News Somaliland News Ciyaaro Maqaallo

DEG-DEG:- Xisbiga mucaaradka Ee Waddani Ayaaa Saaka Xaflad Soo Dhaweeyna U Sameeyey Ku Dhawaad 30 Xubnood oo Iskugu Jira...
29/06/2024

DEG-DEG:- Xisbiga mucaaradka Ee Waddani Ayaaa Saaka Xaflad Soo Dhaweeyna U Sameeyey Ku Dhawaad 30 Xubnood oo Iskugu Jira Xildhibaano, Aqoonyahano, Haldoor iyo Madax dhaqmeed Kuwaas Oo Kasoo Jeeda Maroodi jeex, Saaxil iyo Togdheer.

Xafladan Soo Dhawaynta Ayaa Ka Dhacday Hotel Maansoor Ee Magaalada Hargeisa Halkaas Ay Ka Qayb Galeen Munaasibadaas Soo dhaweeynta Xubnaha Cusub Madaxda Ugu Saraysa Xisbiga Mucaaridka Ee WADDANI iyo Taageeryaal Soo Buux Dhaafiyay Xaflada.

Sanad guuro Wacan Dhamaan Shacabweynaha Reer Somaliland. Maanta Waxay Ku Beegatahay 26 june 1960 Markii aynu Xornimada k...
26/06/2024

Sanad guuro Wacan Dhamaan Shacabweynaha Reer Somaliland. Maanta Waxay Ku Beegatahay 26 june 1960 Markii aynu Xornimada ka Qaadanay Dawladii Ingiriiska.

"25 Sacadood gudoohod waa inaad madaxweyne sii daysaa cismaan Cumar dool.."~Suldaan daa'uud suldaan maxamed suldaan cabd...
20/06/2024

"25 Sacadood gudoohod waa inaad madaxweyne sii daysaa cismaan Cumar dool.."

~Suldaan daa'uud suldaan maxamed suldaan cabdiqaadir

DARAASAD:- Saamaynta Caafimaad Ee leedahay Hurdo la'aantu iyo faaiidooyinka badan ee ku jira hurdada la seexdo wakhti ku...
03/06/2024

DARAASAD:- Saamaynta Caafimaad Ee leedahay Hurdo la'aantu iyo faaiidooyinka badan ee ku jira hurdada la seexdo wakhti kugu filan. Halkan hoose ka akhriso oo riix lifaaqan..

Wararka Soomaaliya Somali Global News Somalia News Somaliland News Ciyaaro Maqaallo

Address

Main Road 1
Hargeisa
0000000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when E-Waafi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share