24/08/2026
ππππ πππππππππππππππππ πππππππππ ππππππ πππππππππ
Markaynu eegno Somaliland inyii doorashooyin dimuqraadiga ahi ay ka hirgaleen kasoo bilow
2002dii oo ay xisbiyo qaran ka soo baxeen urur siyaasadeed yadii xisbiyadaasi waxay kala ahaayeen:
UDUB 2- KULMIYE 3- UCID
2012 waxaa soo baxay 3 xisbi qaran oo kala ahaa
KULMIYE 2- WADANI 3- UCID
2023 waxa soo baxay 3 xisbi qaran oo kala ah:
WADANI 2- KAAH 3- KULMIYE
Haddaba Xisbiyada qaranku markasta oo ay u tartamayaan doorashado Madaxweyne waxay shacabka u soo bandhigaan qorshe siyaasadeed kooda muddada 5ta sanno ah oo buug ah.
Xisbigii UDUB hal mar ayuu kursiga madaxweyne ku guulaytay waxaana Madaxweyne loo doortay H.E. Daahir Rayaale Kaahin, Halka KULMIYE ku guulaytay 2 jeer markii h**e H.E. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Muuse Biixi Cabdi, Xisbiga WADANI na wuxuu ku guulaystay 1 mar oo ah madaxweynaha imika xilka haya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi.
Haddaba qoraalkan waxaan ku faalayn doonaa Madaxweyne kasta xubnaha uu u xusho golahiisa wasiirada iyo madaxda hay'adaha madaxa bannaan.
Inta baddan waxay xulashada madaxweynayaashu noqotaa 2 mid uun waana sidan soo socota:
Wasiiro aqoon, tayo iyo waayo aragnimaba uleh xilka loo igmaday
Wasiiro aan aqoon, tayo waayo aragnimo midna aan ulahayn xilka loo igmaday.
Wasiiradu sideedaba waa xooga dhaqaajiya horumarka, Xasiloonida iyo Yoolalka qaran ee dalka kuwaaso oo ku xusan buugoodii qorshe siyaasadoodkoodii ay dadka ka iibiyeen laguna doortay.
Gole wasiirro oo tayo leh waa mishiinka dhaqaajiya horumarka, xasiloonida, iyo fulinta yoolalka qaran ee dalka kasta. Culumada cilmiga siyaasadda, maamulka suuban, iyo hay'adaha caalamiga ah (sida Bangiga Addunka) waxay si qoto dheer u dhexgaleen farqiga weyn ee ay muhiimaddoodu leedahay.
Halkan waxaa ku yaal falanqayn kooban oo ku saabsan qoraallada iyo daraasadihii ugu miisaanka cuslaa ee laga qoray mawduucan iyo farqiga u dhexeeya labada gole.
Gole Wasiirro oo Tayo Leh
Muhiimadda Cilmi Baadhisuhu ka sheege.
Cilmi baadhisyada casriga ah ee ku saabsan Maamulka Suuban (Good Governance) iyo Hogaaminta Istiraatiijiga ah waxay xoogga saaraan qodobbadan:
Fulinta Siyaasada: Gole tayo leh wuxuu dejiyaa khariidado cad cad oo lagu fuliyo ballanqaadyadii dowladda.
Kalsoonida Shacabka: Wasiirro aqoon iyo hufnaan leh waxay dhisaan buundo kalsooni oo u dhexaysa shacabka iyo dowladda.
Soo jiidashada Maalgashiga: Hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxay ku dhiirradaan dalka ay wasiirradiisu leeyihiin aragti cad iyo khibrad maamul.
Maareynta dhibaatooyinka: Waxay si degdeg ah oo cilmiyeysan u xalliyaan dhibaatooyinka kediska ah (sida dhibaatooyinka dhaqaale ama amniga).
Gole Wasiirro oo aan Tayo Lahayn
Muhiimadda Cilmi Baadhisuhu ka sheege.
Fulinta Siyaasada: Maleh Fulin siyaasadeed oo cad waxaana meesha ka baxda barnaamij siyaasadeed kii xisbiga sidoo kale waxaa fashil ku yimaadaa maaraynta iyo jihaynta wixii siyaasadee xaaladuhu keenaaan.
Kalsoonida Shacabka: Waxay gabi ahaanba lumiyaan kalsoonidii shacabku ku doortay iyo xisbiyahanadii aan wax xilal ah helin fursad na aan u helin ballan qaadyadoodii inay firsad u helaan ay ku fuliyaan.
Mashaariicda iyo jiidashada Maalgashiga: Waxa yaraada maalgashiga iyo mashaariicaha dalka iyo goboladuba heli jireen waxaana maamul xumaysta kuwii mashaariicdii iyo maalgashiyadii h**e u socday ama dawladihii h**e ka sii shaqeeyeen.
Maaraaynta Dhibaatooyinka iyo ka jawaabidda baahiyaadka shacabka si sax ah:
Waxaa gebi ahaaanba meesha ka baxda maaaraynta dhibaatooyinka, Shacabkuna wuxuu hungo madhan kala kulmaa ka jawaabidda taba shooyinkooda.
Farqiga u Dhexeeya Gole Wasiirro oo Tayo Leh iyo Mid Aan Tayo Lahayn
Daraasadaha laga sameeyay waxtarka dowladdaha (Government Effectiveness Indices) waxay muujinayaan farqiga weyn ee u dhexeeya labadan qaab:
1. Habka Magacaabista iyo Halbeega (Selection Criteria)
Gole Tayo Leh: Magacaabistu waxay ku dhisantaa Aqoonta, Khibradda, iyo Kartida (Meritocracy). Wasiir kasta wuxuu ku habboon yahay wasaaradda loo dhiibay.
Gole aan Tayo Lahayn: Magacaabistu waxay ku dhisantaa Eex, Qabiil, ama Abaal-gud Siyaasadeed (Nepotism/Patronage), iyadoo aan loo eegin aqoonta shaqada.
2. Go'aan Qaadashada (Decision Making)
Gole Tayo Leh: Go'aannada waxay ku dhashaan falanqayn, xog dhab ah, iyo aragti fog (Evidence-based policy).
Gole aan Tayo Lahayn: Go'aannada waa kuwo dhex-dabaalanaya caadifad, dano gaar ah, iyo xal-ku-meel-gaadh ah (Short-sighted decisions).
3. Wadasaqaynta iyo Midnimada (Cabinet Cohesion)
Gole Tayo Leh: Waxaa ka dhexeeya wada-shaqayn dhow, ixtiraam, iyo hal aragti oo qaran oo ay wadaagaan.
Gole aan Tayo Lahayn: Waxaa ka dhex jira tartan suuqeed, is-baasaysi dhexdiisa ah, iyo is-ragaadin ragaadisa shaqada dowladda.
4. La-xisaabtanka iyo Hufnaanta (Accountability)
Gole Tayo Leh: Wasiirradu waxay u hoggaansamaan sharciga, waxaanay diyaar u yihiin in baarlamaanka iyo shacabku la xisaabtamaan.
Gole aan Tayo Lahayn: Waxaa jira musuqmaasuq baahsan, hanti-lumis, iyo gabbasho laga galo la-xisaabtanka.
Maxaa laga dhaxlaa labada gole
Golaha Tayada Leh: Wuxuu dhaxalsiiyaa dalka Horumar Dhaqaale, Xasilooni Siyaasadeed, iyo Adeeg Bulsho oo Tayo leh (Caafimaad, Waxbarasho, iyo Kaabayaal dhaqaale).
Golaha Aan Tayada Lahayn: Wuxuu keenaa Fadhiidnimo Dhaqaale, Khilaaf Joogto Ah, iyo In Dalku Lumiyo Kalsoonida saaxiibbada caalamiga ah.
XULASHADA GOLAHA WASIIRADA

Gole aan Tayo Lahayn: Waxaa jira musuqmaasuq baahsan, hanti-lumis, iyo gabbasho laga galo la-xisaabtanka
Maxaa laga dhaxlaa labada gole
Golaha Tayada Leh: Wuxuu dhaxalsiiyaa dalka Horumar Dhaqaale, Xasilooni Siyaasadeed, iyo Adeeg Bulsho oo Tayo leh (Caafimaad, Waxbarasho, iyo Kaabayaal dhaqaale).
Golaha Aan Tayada Lahayn: Wuxuu keenaa Fadhiidnimo Dhaqaale, Khilaaf Joogto Ah, iyo In Dalku Lumiyo Kalsoonida saaxiibbada caalamiga ah.
W/Q Jamaal Barre Ismaaciil