Abdi xasan cumar

Abdi xasan cumar fadlan ku xidhnow page ka kala soco warar sugan marka ay dhacayaan,halka ay ka dhacayaan iyo sida ay u dhacayaan markasta iyo meelkasta .

25/06/2023

Wareegtooyin Madaxweyne-25-06-2023.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu magacaabid iyo Isku-Bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Maxamed Cilmi Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In aan Guddomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Xasan Daahir Xaddi Abraar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Bashiir Sheekh Cumar Good laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Safiirka Dalalka Maraykanka iyo Kanada u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨  𝐰𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋    𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐰𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐰...
21/06/2023

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐰𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐱-𝐬𝐨𝐨-𝐬𝐚𝐚𝐫 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚.

𝐇𝐀𝐑𝐆𝐄𝐘𝐒𝐀 - Wasiirka wasaaradda warshadaha maalgashiga iyo warshadaha Somaliland Cabdi Cismaan Dhaga-wayne iyo masuuliyiinta waaxyaha wasaaradda ayaa kormeer shaqo ku soo maray qaar ka mid ah warshadaha wax-soo-saar ee Dalka.

Wasiirku warshadaha wax-soo-saarka ee uu soo kormeeray wax aka mida Adko, Ila Taango, Tayo Plastic iyo sidoo kale warshadii Kabka Hargaysa oo hadda hawl gab ah.

Kormeerka ayaa daaranaa indho indhanayn sida ay hawluhu u socdaan iyo is-barasho madaama uu wasiirku ku cusub yahay wasaaradda inay is arkaan masuuliyiinta qaar ka mida warshadaha wax-soo-saar ee dalka.

Kormeerkan shaqo waxaa wasiirka ku wehelinayey agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda oo kala ahaa agaasimaha waaxda warshadaha Fu'aad Rashiid Bullo, agaasimaha waaxda gobollada ee wasaaradda Sakariye Maxamed Axmed, agaasimaha waaxda bad-qabka warshadaha iyo injineer ka socday waaxda wershadaha ee wasaaradda.

Wasiirka ayaa masuuliyiinta warshadaha wax-soo-saarka dalka ku booriyay inay xoojiyaan tayadda wax-soo-saarkooda, sidoo kale masuuliyiinta warshadaha ayaa soo dhaweeyay talada wasiir wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland kuna boggaadiyay booqashada uu soo booqday.

Gebo'gabadii wasiirka wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha iyo masuuliyiinta warshadaha wax-soo-saar dalka ayaa isla qaatay in dhinac looga soo wada jeesto sidii loo horumarin lahaa wax-soo-saar Warshadaha iyo tayantooda.

Wasaaraddaha horumarinta warshdaha ayaa markasta ku hawlan dhiirigelinta iyo tallo siinta warshadleyda dalka.

21/06/2023

Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin colaadda magaalada Garoowe iyo 'saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah' sida lagu shegay war-saxaafadeed ay soo saareen goor dambe oo xalay ah.

"Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed.

Xigasho : MM.TV

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland kadib markii Baarlamaanka Maamulkaas...
20/06/2023

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland kadib markii Baarlamaanka Maamulkaas ay goordhaweyd ogalaadeen in laga doodo furitaanka Dastuurka.

19/06/2023

Shirkadda Telesom oo sheegtay inay Worldrimit si tuugnimo ah u iticmaasho adeega ZAAD.

"Kaalinta ZAAD uu bulshada ugu jiro iyo aasaaska heshiiskii ganacsi ee jabay ee u dhexeeyay Telesom iyo Worldremit
XAASHEE NIN LIBIN KAA XISTIYAY XUMAHII WAA YAABE!
Horumarka dhaqaale ee dalalka waxa lagu cabbiraa fudaydinta isku socodka dadka, ganacsiga bucshuradaha iyo adeegyada maaliyadeed.

Tan iyo intii uu hirgalay adeegga ZAAD muddo dhawr iyo toban sanno ah, waxa fududaaday, si xowli ahna kor ugu kacay adeegga maaliyadeed ee dalka iyada oo ay ku diirsadeen boqolaal kun oo reer Somaliland ah. Waxa kale oo uu qayb libaax ka qaatay soo jiidashada indhaha dunida madaama uu ahaa adeeggii labaad ee noociisa ah ee ka hirgala qaaradda Africa. Waxa iyana xusid mudan in uu door shariif ah ka qaatay in uu ammaan hal-abuurnimo u keeno dalkeena kuna mutaystay abaalmarinno caalami ah.
Mabaadi’da ganacsiga furfuran ee dalkeenu qaatay, dastuurkeenana ku qoran, dawladaheenii kala dambeeyayna ay dhiirigaliyeen ayaa uga dhigay hanti gaar ah ciddii la timaadda hal-abuuris maskaxeed iyo mid tiknoolajiyadeed, taas ayaana keentay in Somaliland ka mid noqoto dalalka ugu unkamidda badan tiknoolajidaha ku dhisan hal-abuurnimada.

Iyadoo taas laga shidaal qaadanayo, adeegga ZAAD waxa uu ka mid yahay adeegyadda hal-abuurka tiknoolajiyadeed ku dhisan ee ay samaysay Shirkadda Telesom taas oo ay ku mutayasatay in ay gaar u yeelato maamulkiisa, ka shaqaysiintiisa iyo ilaalintiisa xuquuqda aasaasnimo.

Dhinaca kale, waxa jira cabbiro ama tilmaamayaal lagu eego heerka hufanaanta adeeg bixiyayaasha bulshada, waxaana ka mid ah cabbiradaas: waqtiga ay qaadato xalinta ciladuhu, muddada ka soo kabashada ciladaha farsamo iyo xallinta cabashada macmiilka iyo qaar kale oo badan. Waxa xusid mudan in cabbiradaas ama tilmaamayaashaasi ay ka dhigeen adeegga ZAAD waxa uu ku hantay dadwaynaha, macaamiishuna ay ugu qanceen.
Suuqa xorta ahi waxa uu bulshada siiyaa madax bannaani iyada oo haddii adeegbixiye tahli kari waayo raali-galinta macmiilkiisa, soo jiidashada dadweynaha, bixinta adeeg hufan ay keensato in uu waayo macaamiishiisa isla markaasna ganacsigiisu uu hoos u dhaco.
Iyadoo dhammaan arimahaas sare ku xusan lagu xisaabtamayo waxa hubaal ah in shirkadda Telesom ay masuul ka tahay habsami u socodka shaqo ee adeegga ZAAD iyadoo ilaalinaysa shuruucda maaliyadeed ee dalkeenu leeyahay iyo heshiisyada ay wada galaan Shirkadaha kale.

Shirkadda Telesom waxay xidhiidh la leedahay shirkado dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka aasaasan, xidhiidhadaasina waxay ku qotomaan heshiisyo qoran oo dhinacyada siinaya xaq iyo xuquuq qeexan. Haddaba, Shirkadda Worldremit waxay baalmartay, xadgudubna u gaysatay heshiiskii naga dhaxeeyay iyada oo si tuugo ah u isticmaashay adeegga ZAAD. Heshiiskii noo dhaxeeyay waxa uu awood u siinayaa daraf kasta inuu adeeggiisa kala noqon karo darafka kale haddii uu baalmaro ama uu ku xadgudbo heshiiska. Arinta uu sheegay Ismaaciil Axmed oo ka mid ah aasaasayaasha Worldremit oo ah in aan qiimo isku qabanay wakhtigan xaadirka ah waa war aan sal iyo raad toona lahayn loogana fadhiyo caddeynteeda qoraal ee aan u dirnay.

Waxa iyana is waydiin leh adeegga ay Telesom u fidinaysay ismaaciil iyo shirkaddiisa muddo ka badan 10 sanno waxa maanta ka dhigay mid aan la isku hallayn karin! iyadoo uu ku tilmaamay in ayna dunida jirin shirkad 80% haysta suuqa adeegyada maaliyadeed ee Mobile-ka, balse la wada yaqaan dalka Kenya in adeegga MPesa oo ay leedahay shirkadda Safaricom uu saamiga suuqiisu (market share) uu ka badan yahay 90%.

Ugu dambayn, waxa aanu u aragnaa meel ka dhac in laamihii dawladda u qaabilsanaa bixinta liisamada, kormeeridda iyo kawar-haynta shirkadaha bixiya adeegyada maaliyadeed laga dhigo kuwa gabay shaqadoodii ama aan garanayn waxa dalka dan u ah.
“Xaashee nin libin kaa xistiyay xumahii waa yaabe!” – Salaan Carabey

Wareegtooyin Madaxweyne-19-06-2023.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin ...
19/06/2023

Wareegtooyin Madaxweyne-19-06-2023.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-1027062023 iyo JSL/XM/WM/222-1028/062023 uu xilka qaadis, magacaabid iyo Bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Gobolada Dalka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Axmed Yaasiin Maxamed faarax
Guddoomiyihii Gobolka Hawd.

Ku: Axmed Maxamed Xaashi Ducaale
Guddoomiyihii Gobolka Saaxil.

Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba cidii hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii Guddoomiyeyaasha Gobolada Saaxil iyo Hawd. Waxaanan idinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Ceeleeye Xuseen Aadan Xoosh laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In aan Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdillaahi Faarax laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Guuleed Cabdi Cabdillaahi Raage laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Tababar Usoo Xidhay Cutubyo Kamid Ah Ciidamada QarankaBerbera-18-06-2023-(Warba...
18/06/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Tababar Usoo Xidhay Cutubyo Kamid Ah Ciidamada Qaranka

Berbera-18-06-2023-(Warbaahinta Madaxtooyada JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tababar usoo xidhay dufcado kamid ah ciidamada Qaranka oo muddo lagu carbinayey kulliyaddo kala duwan maantase loogu soo xidhay Kulliyadda Cabdilaahi Askar ee deegaanka Darar-weyne ee duleedka Waqooyi Bari ee Caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda tababarka loogu soo xidhayey ciidamadan oo ay madaxweynaha kala qayb-geleen wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidamada Qaranka iyo Booliska, macallimiintii tababarka bixinaysay, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhallinyarada ciidamada qaranka kusoo biiray ee tababarka qaadatay, waxana lagula dardaarmay inay tacabkii qaranku geliyey bulshadooda ugu adeegaan.

Ugu horrayn, taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ciidamada saaka tababarka loo xidhay iyo goobihii kala duwanaa ee ay carbiska kusoo qaateen, waxana uu hoosta ka xarriiqay in qaranku tacab badan geliyey ciidamadan, loogana baahan yahay inay dalkooda iyo dadkoodaba ka difaacaan gardarrada maamulka Puntland kusoo qaadeen gudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana aanu qaranku ka dulqaadanayn daandaansigaa dalka lagu wado.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isaguna bogaadiyey ciidamada tababarka dhammaystay iyo macallimiintoodaba, waxana uu tilmaamay inay kusoo biireen ciidamo Sharaf leh oo xuquuqaha Aadamaha iyo sharafta muwaadiniintaba dhawra, cadowgana libinta si fudud uga qaata.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ciidamada, ayaa ugu horrayn ku hambalyeeyey tababarka u dhammaaday, waxana uu caddeeyey inay ciidanku yihiin astaan nabadeed dhaxanta iyo goobaha naf waaga u taagan sidii muwaadiniintu ugu seexan lahaayeen nabad, waxana uu yidhi,“Waxan aad u hambalyeynayaa dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka ee habeen iyo maalinba u heegan inay dadkoodu nabadgelyo ku seexdaan, kuna soo toosaan, hantidoodu nabadgasho, dadkeenu horumaraan. Geesiyaasha ciidamada kala duwan ee ciidanka qaranku u xoog weyn yahay ee dadkooda nabaddooda iyo mustaqablkooda u heeganka ah baynu hambalyeynaynaa.”

Madaxweynaha oo da’yarta ciidanka kusoo biirtay u sharraxaya qiimaha ciidanimadu leedahhay, ayaa waxa uu intaas ku daray,“Waxad ku abtirsanaysaa ciidanka qaranka oo ilaa intii dalkani jirey difaaciisa iyo gobonnimadiisa usoo dhimanayey oo ilaalinayey, waxad ku abtisanaysaan geesiyaashii SNM.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si kooban uga hadlay shaqaaqada ka aloosan deegaanno kamid ah gobolka Sool, waxana uu xusay inuu khilaafku yahay mid dhexyaalla gudaha bulshada reer Somaliland, isaga oo waxgaradka iyo indheergaradkana ugu baaqay in wada-hadal iyo walaaltinimo lagu dhammeeyo arrinta taagan, waxana uu yidhi,“Khilaafka reer Sool iyo Somaliland waa mid Somaliland iyo Sool ka dhexeeya, dal kastana dadka joogaa wax bay kala tirsadaan, reer Sool-na waxan leeyahay diyaar baannu u nahay inaynu walaaltinimo iyo nabad ku xallinno, khasaarena intii dhacday inoogu filane inaynu nabad ku xallinaa baan idiinku baaqayaa, wixii waxgarad ah ee nabad doonaya, qofka aan nabad doonayn ee khasaaraha kusii socdana waxan u leenahay talo ciidan oo adag oo dadka badbaadisa.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Abdirisaq Khalif Axmed ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay
11/06/2023

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Abdirisaq Khalif Axmed ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay

11/06/2023

The Maroodi-jeh regional court today sentenced journalist Busharo Banday to three days of imprisonment.

It is the fourth time that the reporter has been cut off from Rumman.

Address

00252634604392
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdi xasan cumar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share