Wariye.Yahye

Wariye.Yahye Wararka iyo Dhacdooyinka Ka dhaca Soomalida dhexdeedah

Dadka ilaaliya deegaanka iyo duurjoogta ee dalka Kenya, ayaa u baroor diiqaya Maroodi caan ahaa oo dhintay, oo 65 jir ah...
02/11/2022

Dadka ilaaliya deegaanka iyo duurjoogta ee dalka Kenya, ayaa u baroor diiqaya Maroodi caan ahaa oo dhintay, oo 65 jir ahaa, kaasoo ku dhintay beerta qaranka ee Tsavo.

Maroodiga dhintay ayaa looggu wanqalay Dida, isagoo ku dhintay da weyn, sida ay sheegtay waaxda duurjoogta Kenya.

Dida, oo sidoo kale loo yaqaan "Boqoradda Tsavo" ayaa waxay ka badbaaday caqabado badan, sida abaarta iyo in laga ugaarsiga deegaanka ugu weyn ee Kenya.

Ilaaliyeyaasha ayaa bartooda Twitter-ka ku amaanay Dida, oo ay ku tilmaameen inay aheyd xayawaan ad adag markii ay dhibaato soo wajahdo.

Waxay dadka la wadaageen xubnihii xanaanaynayey maroodiga sawirro, kuwaaoso muujinaya iyada oo sii galeysa beerta duurjoogta ee ugu weyn waddanka, halka beertu ay leedahay ciidda cas.

Maamulka seeraha ayaa ku tilmaamay Dida, run ahaantii shucladdii seeraha qaranka Tsavo, iyo kayd weyn oo tobaneeyo sano oo xusuus mudan.

Dhanka kale labo maroodi, ayaa macaluul ugu dhintay kaymaha Imenti ee ku yaalla buuraha Kenya.

Abaarta hadda jirta ayaa saameyn weyn ku yeelatay duurjoogta, iyadoo in ka badan 100 maroodi la diiwaan geliyey inay ku dhinteen seerayaasha Qaranka ee Bariga iyo Galbeedka ee Tsavo ee Koonfur-bari Kenya, sida ay sheegtay Hay’adda Duur-joogta Afrika ee Kenya.

Ilaaliyeyaasha ayaa sheegaya in tani ay tahay dibu dhac, marka loo eego guulaha la gaaray sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo hoos u dhaca kiisaska ugaarsiga ay sabab u tahay kor joogteynta iyo ilaalinta ay ku dheehan yihiin kamirooyinka.

Article share tools

Address

Hargeisa

Telephone

+252633347329

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wariye.Yahye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wariye.Yahye:

Share