Gallaydh TV

Gallaydh TV Galaydh TV is a digital television, we focus on people and events that affect people's lives. Contact us +252 63 8487633

05/10/2026

Qisada nin ka ganacsan jiray Khamriga iyo halka uu ku dan beeyay

05/10/2026

Qisada xajaaj binu Yuusuf Asaqafi iyo nin reer miiya

 : Cisbitaal lagu daweeyo balwadaha kala duwan, sida qaadka, sigaarka iyo balwadaha casriga ah, ayaa laga furay magaalad...
05/10/2026

: Cisbitaal lagu daweeyo balwadaha kala duwan, sida qaadka, sigaarka iyo balwadaha casriga ah, ayaa laga furay magaalada Hargeysa.

Kalkaal Mental Health Hospital ayaa adeeg caafimaad ee uu qabanayaa yahay mid ku cusub dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hambalyo u diray raysal wasaaraha dal...
05/10/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hambalyo u diray raysal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed oo maanta mar kale dib xukunka loogu doortay.

Madaxweyne Cirro ayaa xusay in Ethiopia iyo Somaliland ay wadaagaan xidhiidh, taariikh iyo arrimo aad u badan.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharraxa xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa booqasho ugu tegay hoygiisa uu Ab...
05/10/2026

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharraxa xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa booqasho ugu tegay hoygiisa uu Abu Dhabi ka degan yahay madaxweyne ku-xigeenkii h**e ee Soomaaliya Ismaaciil Cali Abokor.

05/10/2026

“24 saacadood gudahood waa in gacanta lagu soo dhigaa dambiilayaasha dilka geystay.” Maareeyaha Guud Hay’adda Dekedaha Somaliland.

Haayadda shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa shaacisay in nidaamka codsiga shaqooyinkii bannaanaday ee dhawaan la shaaci...
05/10/2026

Haayadda shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa shaacisay in nidaamka codsiga shaqooyinkii bannaanaday ee dhawaan la shaaciyey ay soo gaadhen 33,407 (saddex iyo soddon kun afar boqol iyo todobo) codsi kuwaas oo soo codsaday 768 boos oo ah derajooyinka A iyo B ee loo tartamayo.

Codsadeyaashan oo jooga lixda gobol ee Somaliland ayaa soo codsaday boosaskan oo la shaaciyey 5 bishii September ee sannadkan 2026. Waana markii koowaad ee si daah furan codsiyo intaa leegi soo dalbadaan boosas ka bannaanaday haayadaha kala duwan ee Somaliland.

Dadka shaqooyinkan soo codsaday ayaa la sii kala saaray kadibna waxa laga qaadayaa imtixaan caddaalad ah sida guddoomiyaha hay’adda shaqaaluhu sheegay.

Wasaaradda Qorshaynta Somaliland ayaa soo bandhigtay warbixin ay ku faahfaahinayso deeqaha caalamiga ah ee sannadkii la ...
05/10/2026

Wasaaradda Qorshaynta Somaliland ayaa soo bandhigtay warbixin ay ku faahfaahinayso deeqaha caalamiga ah ee sannadkii la soo dhaafay 2025 soo gaadhay Somaliland.

Wasaaradda ayaa sheegtay in la diiwaan geliyay kaalmo dhan 187.50 Milyan oo dollar, lacagtaasi oo Somaliland ka heshay hay’addaha caalamiga ah.

$99.6 Milyan oo lacagtan ka mid ah waxa bixiyay hay’addaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn, kaalinta labaad waxa ku jira qaramada midoobay oo bixiyay $56.6 milyan, Baanka Adduunka ayaa isna bixiyay $18.3 milyan halka sanduuqa horumarinta Somaliland lagu soo shubay $7.5 milyan GIZ ayaa bixisay 4.2 milyan halka baanka horumarinta Afrika bixiyay $1.4 milyan.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dhaqaalahan inta ugu badan ku baxay horumarinta bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta Dhaqaalaha, Maamul-wanaagga, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Deegaanka, Wax-soo-saarka iyo adeegyada bulshada.

Saamiga gobolladu u kala heleen ayaa dood weyn abuuri kara, gobolka Maroodi-jeex ayaa kaalmadani ku baxday 60% halka gobollada Sanaag iyo Sool heleen 4%, Saaxil ayaaa isna helay 5%.

Guud ahaan kaalmada Somaliland ka heshay dibadda ayaa hoos u dhacday marka loo eego sannadihii la soo dhaafay.

05/10/2026

Dhakhtar cusub oo ka hawlgali doona Cisbitaalka Gargaar Burco.

Abiy Axmed ayaa loo doortay Raysal wasaaraha dalka Ethiopia markii saddexaad oo xidhiidh ah isaga oo sidoo kale noqday G...
05/10/2026

Abiy Axmed ayaa loo doortay Raysal wasaaraha dalka Ethiopia markii saddexaad oo xidhiidh ah isaga oo sidoo kale noqday Guddoomiyaha xisbiga talada Ethiopia haya ee Barwaaqo.

Address

Road No 1
Hargeisa
252

Telephone

+252634248682

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gallaydh TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share