Gallaydh TV

Gallaydh TV Gallaydh Media

15/10/2025

War ka soo baxay nabaddaynta Ceerigaabo.

Raysal wasaarihii h**e ee dalka Kenya iyo hoggaamiyihii ugu mayalka adkaa mucaaridka Kenya Raila Odinga ayaa ku geeriyoo...
15/10/2025

Raysal wasaarihii h**e ee dalka Kenya iyo hoggaamiyihii ugu mayalka adkaa mucaaridka Kenya Raila Odinga ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya halkaas ko arrimo Caafimaad uu u joogay muddooyinkii la soo dhaafay sida ay qoreen warbaahinta Kenya.

Sanadkii h**e waxa uu u tartamay guddoomiyaha midawga Afrika jagadaas oo lagaga guulaystay.

Odinga ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu saamaynta badan qaaradda Afrika isaga oo saaxiib dhow la ahaa Jamhuuriyadda Somaliland oo uu si weyn qaddiyadeeda u taageeri jirey.

Dawladda Venezuela ayaa albaabada isugu laabtay safaaradii ay ku lahayd magalaada Oslo ee dalka Norway ka dib markii dho...
14/10/2025

Dawladda Venezuela ayaa albaabada isugu laabtay safaaradii ay ku lahayd magalaada Oslo ee dalka Norway ka dib markii dhowaan billada nabadda la guddoonsiiyey gabadha hoggaamisa mucaaridka Venezuela ee María Corina Machado taas oo ay xukuumadda Maduro si weyn uga cadhootay.

Venezuela ayaa Norway ku eedaysay in ay dhiirri gelinayso duulaan ka dhan ah dalkeeda iyada oo taageeraysa dhinaca mucaaridka.

Billada nabadda adduunka ee muranka dhalisay waxa sannadkan doonayey Donald Trump balse waxa la siiyey gabadha dibad wareega ah ee María Corina Machado taas oo aan wax kalsooni ah dalkeeda ka haysan.

Madaxweyne Cirro ayaa hannaan sare loogu soo dhaweeyay Ethiopia, wasiirka arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa garoonka diyaar...
14/10/2025

Madaxweyne Cirro ayaa hannaan sare loogu soo dhaweeyay Ethiopia, wasiirka arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa garoonka diyaaradaha ku qaabilay.

14/10/2025

Burco Central University College ayaa qabatay wacyigelin ku saabsan Cancer ku dhaca Naasaha iyo sidii loogu baraarugi lahaa.

14/10/2025

“ Wiilka Bajaaj-tu ma ogayn in aan araga naafo ka ahay..” Qisooyinka Xayaad oo araga naafo ka ah.

14/10/2025

‘fursadda koobaad ee aan kula kulano raysal wasaaraha Ethiopia, MOU-ga qodobada….” Wasiirka madaxtooyada.

WAR-SAXAAFADEED:         Date:14/10/2025"𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐭𝐨𝐨𝐛𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐢𝐧 𝐚𝐚𝐧𝐧𝐮 𝐥𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫𝐫𝐚𝐟𝐢𝐢 𝐰𝐞𝐲𝐝𝐚 𝐚𝐡𝐚...
14/10/2025

WAR-SAXAAFADEED: Date:14/10/2025
"𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐭𝐨𝐨𝐛𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐢𝐧 𝐚𝐚𝐧𝐧𝐮 𝐥𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫𝐫𝐚𝐟𝐢𝐢 𝐰𝐞𝐲𝐝𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐚 𝐞𝐞 𝐡𝐨𝐫𝐞"
Xisbiga mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE waxa uu soo dhaweynayaa toban bilood kadib in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu casuumad rasmi ah ka helo dawladda Itoobiya, iyadoo dhammaan Madaxweyneyaashii ka horreeyey ay bisha ugu horreysa ee muddo-xileedkooda heli jireen casuumadda safar ay ku tagaan Itoobiya.
Maadaama cilaaqaadka iyo danaha amni, ganacsi iyo dhaqan-dhaqaale ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ay aad u weyn yihiin, waxa aynu la soconaa in dawladuhu lahaan jireen xsidhiidh qoto dheer oo maalinba maalinta ka dambaysa sii korayey, kaasi oo ugu dambeyntii soo gaadhay in Madaxweynihii h**e ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Abiy Ahmed ay wada saxeexdeen heshiis is-afgarad (MoU), kaasi oo dhigayey aqoonsi buuxa oo Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho Itoobiya, taas beddelkeeda ay Itoobiya saldhig millatari oo kiro ah ku yeelato Xeebaha Somaliland.
Haddaba, waxa shacbieynaha Somaliland ay ka sugayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland in aannu safarkiisu noqon mid ka meeqaam hooseeya safarradii madaxdii ka horreysay ku tagtay dalka Itoobiya, gaar ahaan kii lagu kala saxeexday heshiiskii is-afgarad (MoU) 1dii January 2024.
Waxa kaloo, Xisbiga KULMIYE waxa uu u soo jeedinayaa Madaxweynaha iyo weftigiisu in aannu safarkoodu noqon mid la mid ah safarradii weyda ahaa ee uu dibadda ugu baxay muddada 10ka bilood ah ee ku soo dhammaaday aamuusnaanta, waxaana looga fadhiyaa in aannu safarkani noqon mid dhaqaale lagu doonayo ama dano kale oo gaar ah ee waa inuu ka turjumayaa iib-geynta Qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Musfate Cabdi Ciise (Shiine)
Afhayeenka Xisbiga KULMIYE

14/10/2025

Buugga shaqo beel oo Hargeysa lagu soo bandhiggayo.

Diblomaasiyad la karinayo: Xusuusta doodda Kulankii 1aad ee Rayaale & Meles VS kulanka Cirro iyo Abiye Axmed ee maantaMa...
14/10/2025

Diblomaasiyad la karinayo: Xusuusta doodda Kulankii 1aad ee Rayaale & Meles VS kulanka Cirro iyo Abiye Axmed ee maanta

Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, Madaxweynaha JSL, wuxuu maanta u baxayaaa Itoobiya si uu ula kulmo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo martiqaad rasmi ah u soo diray, waana kulankoodii u h**eeyay.

Kulankani wuxuu i xasuusiyay kulankii u h**eeyay ee uu Madaxweynihii 3aad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu ku tagay Addis Ababa ee uu kula kulmay Raysalwasaarihii h**e ee dalkaas Meles Zenawi oo martiqaad rasmi ah u soo diray.

Sida aan ka soo xigtay xusuus qor uu Wasiirkii wakhtgiaas ee arrimaha dibadda Somaliland Marxuum Maxamed Siciid Gees, sannadkii 2004 dabayaaqadiisii ku qoray wargeyska Jamhuuriya, wuxuu Madaxweyne Rayaale kulankaas u h**eeyay uu Meles Zenawi si toos ah ugu weydiistay oo uu ugu bandhigay aqoonsiga qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland.
Laakiin Meles Zenawi, wuxuu codsigaas Madaxweyne Rayaale kaga jawaabay sheeko xikmad ah oo Itoobiya caan ka ah oo uu nuxurkeedu yahay “Sidii loo karin lahaa rah biyo ku dhex jira iyadoo aanu rahu ku dareemin” sidaas ayaanu Somaliland ictiraafkeeda u wadnaa.

Marxuum Gees, wuxuu yidhi “Sheekadani way naga qoslisay, mana aanu garan wuxuu ula jeeday Raysalwasaare Meles Zenawi.”

Maanta iyo Madaxweyne Cirro.

22 sannadood kadib kulankaas Meles iyo Rayaale, Madaxweyne Cabdiraxmaan oo muddo sannad ah xilka haya, ayaa maanta la kulmaya Abiy Axmed, Raysalwasaare dhalinyaro ah, firfircoon, balse siyaasaddiisu ay mararka qaar dhaliso muran gudaha iyo dibaddaba.

Madaxweynaha Somaliland waxaa lagu tijaabin doonaa, sida uu kulankaas ugu soo. bandhigo baahida qaran ee Somaliland oo ah aqoonsi iyo inuu dib u abuuro kalsooni diblomaasiyadeed oo macno leh oo Addis Ababa iyo Hargeysa ka dhaxaysa. Tan oo muhiim ah marka la eego in safarka Madaxwayne Cirro ku tegay Addis uu yahay mid raagay, marka loo eego madaxwaynayaashii ka h**eeyey.

Itoobiya waa deris istaraatiiji ah, balse waa dal sidoo kale leh dano xooggan oo ku wajahan badda, ganacsiga, iyo gobolka. Siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya waxa hagi jirtay dano qaran oo siyaasadeed, amni iyo dhaqaale, laakiin maanta siyaasadda arirmaha dibadda Itoobiya waxa lagu eegaa doonista Raysalwasaaraha oo aad ugu aaddan hellidda marin biyood.

Madaxweyne Cirro waa inuu xasuustaa in kulankaasi aanu ahayn mid sawir iyo salaam kaliya, balse uu yahay imtixaan siyaasadeed oo lagu cabbirayo sida Somaliland u difaacan karto masiirkeeda iyadoo aan xidhiidhka deriska jebin.

Waxa xusid mudan oo ay tahay in hoosta laga xarriiqo in madaxwaynaha Somaliya uu booqday Addis Ababa ka hor madaxwaynaha Somaliland. Danaha Somaliland iyo kuwa Somaliya waa isku lid. Booqashada Xasan Sheekh ee Addis Ababa maaha mid ka madhan midda Cabdiraxmaan Cirro. Iyana waa xujo kale oo indhaha lagu hayo.

Waxa iyana aan meesha ka maqnayn dagaalka ay suurtagalka tahay inuu dhexo maro Eritriya iyo Itoobiya oo ay Itoobiya u baahan doonto deked ay ku xidhaan ciidankeedda baddu haddii dagaal qarxo. Somaliland ma bixin doontaa dekedaas?

Sida Meles Zenawi hadalkiisii u ahaa “rah aan dareemin in la karinayo,” sidaas oo kale waa in Madaxweyne Cirro uu fahmaa in siyaasadda Itoobiya aanay waligeed toos u socon, balse ay mar walba leedahay wax u qarsoon iyo xeelad. Waa dal guun ah oo leh taariikh dheer.

waxa qoray xildhibaan Maxamed Xuseeen Jaamac (Rambo) oo ka tirsan golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynaha dalkiisa ka cararay ee Madagascar ayaa muuqaal ku soo baahiyey bartiisa Facebook isaga oo sheegay in uu teg...
14/10/2025

Madaxweynaha dalkiisa ka cararay ee Madagascar ayaa muuqaal ku soo baahiyey bartiisa Facebook isaga oo sheegay in uu tegay meel ammaan ka dib markii laysku deyey in lay dilo.

Masuulkan oo diyaarad dagaal kaga baxay dalkiisa ayaa sheegay in uu ka xun yahay wixii dhacay isaga oo dadkiisa ugu baaqay in ay is dejiyaan.

Dhallinyarada dalka Madagascar oo bannaan baxyo waday maalmihii la soo dhaafay ayaa ugu dambayn ku guulaystay in ay dawladdii ridaan oo halkaas lagu soo afjaro xukuumaddii taabacsanayd dalka Faransiiska ee halkaas ka talin jirey.

14/10/2025

Dareenka hooyadan.

Address

Road No 1
Hargeisa
252

Telephone

+252634248682

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gallaydh TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share