GNN MEDIA

GNN MEDIA UNIQEU MEDIA SOLUTIONS

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ๐Œ๐. ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง, ayaa maan...
09/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ๐Œ๐. ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง, ayaa maanta Dalka ku soo dhaweeyay U qaabilsanaha Baanka Adduunka ee Jamhuuriyadda Somaliland ๐Œ๐. ๐‡๐ข๐๐ž๐ค๐ข iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku yimid Somaliland.

Wasiirka oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay weftiga Baanka Adduunka, kaas oo lagaga wada hadlay mashaariicda kala duwan ee Baanka Adduunku ka wado Somaliland, mashaariicda cusub ee soo socda iyo xoojinta wada shaqaynta u dhexaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Baanka Adduunka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarka mashaariicda uu Baanka Adduunku ka taageero Somaliland, kuwaas oo taabanaya dhinacyo muhiim u ah horumarka Qaranka sida; ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š, ๐›๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š, ๐›๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š, ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š, ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ-๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ ๐š, ๐ข๐ฌ๐ ๐š๐š๐๐ก๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š, ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ง๐ข๐๐š๐š๐ฆ๐ฒ๐š๐๐š ๐๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐ž๐ž ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ๐Œ๐. ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง, ayaa intii kulanku socday ka warbixiyay muhiimadda ay mashaariicda Baanka Adduunku u leeyihiin horumarka Dalka, isagoo tilmaamay in taageeradaasi door weyn ka qaadatay xoojinta adeegyada bulshada, kobcinta awoodda hayโ€™adaha dawladda iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax-ku-ool ah.

Wasiirku waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ay ka goโ€™an tahay in si hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan nidaamyada Maamulka maaliyadda loo maamulo mashaariicda ay taageeraan Baanka Adduunka iyo hayโ€™adaha kale ee horumarinta kala shaqeeya Somaliland.

Dhinaciisa, U qaabilsanaha Baanka Adduunka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Hideki, ayaa Dowladda Somaliland uga mahadceliyay sida ay u maamushay una fulisay mashaariicda Baanka Adduunku ka taageeray Somaliland. Waxa uu bogaadiyay wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa Baanka Adduunka iyo hayโ€™adaha Dowladda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo door muhiim ah ku leh isku-duwidda, maamulidda iyo dabogalka mashaariicda horumarineed.

Waxaana gabogabadii kulanka la iskula qaatay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, loona dardargelin lahaa mashaariicda socda iyo kuwa cusub ee qorshaysan, si ay si toos ah uga qayb qaataan horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo xoojinta hayโ€™adaha qaranka. Kulamadan shaqo ee u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo weftiga Baanka Adduunka waxay sii socon doonaan labada maalmood ee soo socda, kuwaas oo lagu sii ambaqaadi doono wada-hadallada ku saabsan mashaariicda socda, fursadaha cusub ee iskaashi, iyo mudnaanta horumarineed ee Somaliland.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š  ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š  Somaliland ๐จ๐จ ๐Š๐š ๐๐š๐ฒ๐›-๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ ๐‡๐ž๐ž๐ซ-๐’๐š๐ซ๐ž ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐‹๐š๐ ๐š๐ ๐š ๐‡๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ-๐๐ก๐ž๐ฑ๐ ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š...
03/06/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š Somaliland ๐จ๐จ ๐Š๐š ๐๐š๐ฒ๐›-๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ ๐‡๐ž๐ž๐ซ-๐’๐š๐ซ๐ž ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐‹๐š๐ ๐š๐ ๐š ๐‡๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ-๐๐ก๐ž๐ฑ๐ ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐ž ๐ž๐ž ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š.
โ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ
๐๐š๐ข๐ซ๐จ๐›๐ข ๐Ÿ‘ ๐‰๐ฎ๐ง๐ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ๐Œ๐. ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง, ayaa maanta ka qayb-galay shir heer-sare ah oo ay isugu yimaaddeen ๐†๐ฎ๐๐ข๐ ๐š-๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐„๐ž ๐‹๐š ๐’๐จ๐œ๐จ๐๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ช๐ฒ๐š๐๐š ๐†๐š๐ง๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐œ๐š (NOC), Golaha Maamulka iyo Golaha Wadatashiga ee ๐‡๐š๐ฒ'๐š๐๐๐š ๐“๐ซ๐š๐๐ž๐ฆ๐š๐ซ๐ค ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐œ๐š (๐“๐Œ๐€), kaas oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin sare oo dawladeed, bah-wadaagta horumarinta iyo hoggaamiyeyaal ka kala socday dalalka Afrika.

Shirkan waxa guddoominayey Raโ€™iisul Wasaarihii h**e ee Itoobiya ahna Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee Trademark Africa Md. Hailemariam Desalegn Boshe, iyo Ku-xigeenka Safiirka Finland ee Bariga-Afrika ahna Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga ee TMA Md. Leo Svahnback.
Sidoo kale waxa ka qayb-galay Wasiirka Gaadiidka iyo Sahayda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Dr. Alemu Sime Feyisa, wasiirro kale, masuuliyiin iyo wakiillo ka socday dalal kala duwan oo Afrikaan ah iyo hayโ€™ado horumarineed oo caalami ah.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง oo hadal ka jeediyey madasha ayaa carabka ku adkeeyey sida ay Somaliland uga goโ€™an tahay xoojinta is-dhexgalka ganacsiga gobolka, iskaashiga dhaqaalaha iyo fududaynta isu socodka ganacsiga. Waxa uu tilmaamay in ganacsigu aanu ahayn oo keliya matoorka koboca dhaqaalaha, balse uu sidoo kale yahay aalad muhiim u ah nabadda, abuurista shaqooyinka iyo adkaysiga dhaqaalaha muddada fog.

Wasiirku waxa uu sharaxaad ka siiyey shirka, maalgashiyada ay Somaliland ku samaysay kaabeyaasha ganacsiga, gaar ahaan casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, iyo sidoo kale dedaallada lagu xoojinayo nidaamyada kastamyada, ka shaqaynta habsami-u-socodka sahayda iyo isu socodka gaadiidka, isla markaana lagu kordhinayo tartanka marinnada ganacsi ee gobolka.

Guud ahaan doodaha shirka ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo muhiim ah kuwaas oo kala ah:

๐Ÿ. ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐ ๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š
๐Ÿ. ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ก๐š๐œ๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐œ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ค๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐ก๐š๐ช๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ช๐š ๐ ๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

Ka qayb-galayaashu waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan yaraynta caqabadaha aan cashuuraha ahayn ee ganacsiga, yaraynta kharashaadka badan ee ku baxa ganacsiga, hagaajinta habraacyada shaqo ee kastamyada, xoojinta nidaamyada ganacsiga dijitaalka ah iyo isku-duwidda siyaasaddaha gobolka.

Wasiir Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa mar kale bayaamiyey sida ay Somaliland uga goโ€™an tahay casriyeynta kastamyada, isbeddelka dijitaalka ah, iskaashiga gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha ay horseedka u yihiin ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Waxa kale oo uu ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dawladdaha Afrika, bah-wadaagta horumarinta iyo hayโ€™addaha gobolka si loo abuuro fursado cusub oo dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo abuurista jawi horseeda koboc dhaqaale oo waara oo la is ku halayn karo.

Shirkan ayaa ahaa madal muhiim ah oo ay hoggaamiyeyaasha gobolka ku wadaageen khibradahooda isla markaana ku falanqeeyeen xalal wax ku ool ah oo lagaga gudbi karo caqabadaha ganacsi ee soo kordhaya, iyada oo la sii xoojinayo iskaashiga lagu dardargelinayo is-dhexgalka dhaqaale ee Qaaradda Afrika.

01/06/2026

Masjid Al-Haram.

FARRIIN CAAFIMAADMuwaadin, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, iyadoo ka duulaysa siyaasadda ka hortagga iyo ...
29/05/2026

FARRIIN CAAFIMAAD

Muwaadin, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, iyadoo ka duulaysa siyaasadda ka hortagga iyo dabargoynta cudurrada faafa, waxay shacabka ku wargelinaysaa inuu jiro xanuun ay faafiso kaneecadu oo loo yaqaano Dengue Fever.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ku sugan Gobolka Sanaag ayaa kormeer Ku sameeyay Habsami-socodka adeega caafimaadka e...
29/05/2026

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ku sugan Gobolka Sanaag ayaa kormeer Ku sameeyay Habsami-socodka adeega caafimaadka ee Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo.

Wasiirka ayaa maamulka ku wareejiyey agab iyo dawooyin caafimaad oo muhiim ah, kuwaas oo loogu talagalay inay xoojiyaan adeegyada caafimaad ee uu cusbitaalku siiyo bulshada Gobolka Sanaag iyo deegaannada ku xeeran.

Sidoo kale, Wasiirka caafimaadka ayaa galay qaybaha kala duwan ee cusbitaalka iyo bukaanada jiifa.

Wax ka ogoow 13-ka Camal ee ay tahay inay qabtaan Xujaajta Gudanaysa  waajibaadka iyo Tiirarka Xajka.1-in la xidho dhark...
25/05/2026

Wax ka ogoow 13-ka Camal ee ay tahay inay qabtaan Xujaajta Gudanaysa waajibaadka iyo Tiirarka Xajka.

1-in la xidho dharka loo yaqaan Ixraamka.
2- in cumro lagu dawaafo Kacbada
3 in la gucleeyo Saffa iyo Marwa (sacyiga)
4-in la d**o Mina.
5-in Banka Carrafa la istaago oo la ducaysto.
6-in La d**o Musdalifa.
7-in dhagaxa la Tuuro (Jamaratul Caqaba)
8-in Neef la gawraco.
9-in Timaha la xiiro ama la gaabiyo
10-in la dawaafo kacbada iyo sacyiga(dawaaf Ifaadah)
11-in lagu noqdo oo la d**o Mina
12-in mar kale la tuuro Dhagaxa
13- in la sameeyo Dawaafkii u dambeyay ee kacbada( Alwidaac).

15/05/2026

Fariin Muhiim ah.

06/05/2026

Suldaan Wabar oo Somaliland kusoo Laabtay

27/04/2026

Fursadda Telesom

Wakiilka Cusub ee Fly Dubia oo Casho sharaf u sameeyay Madaxda Xafiisyada Jara tigidhada Diyaaradaha.
26/04/2026

Wakiilka Cusub ee Fly Dubia oo Casho sharaf u sameeyay Madaxda Xafiisyada Jara tigidhada Diyaaradaha.

Address

Airport Road
Hargeisa
252

Opening Hours

09:00 - 17:00

Telephone

+252634211516

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when GNN MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to GNN MEDIA:

Share