Baahiye tv

Baahiye tv kusoo dhawaada tvga caalamigaa ee baahiye tv

FloydGobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ay Soomaali fara badan deggan tahay ayaa laga soo sheegayaa in dhaca baabu...
16/12/2021

Floyd

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ay Soomaali fara badan deggan tahay ayaa laga soo sheegayaa in dhaca baabuurta ay aad u korortay. Maamulka degmada Hennepin ayaa shalay labo qof oo dembi oogayaal ah u magacaabay inay arrimahaas wax ka qabtaan.

Magaaladda Ganacsiga ee Minneapolis ayaa tan iyo markii sanadkii h**e ay askartu ku dileen George Floyd oo nin madow ahaa ayaa ammaanku faraha ka sii baxaayey, iyadoo tirada askartuna ay aad u yaraatay.

Magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul ayaa waxaa aad u kordhayay afduubka gawaarida, taas oo dadka ay saameynta ku yeelatay ay ka mid yihiin Soomaali.

Ku dhowaad 600 oo gawaari ah ayaa la dhacay sanadkan dhexdiisa, marka loo barbardhigo sanadkii h**e ee 2020 oo baabuurta la dhacay ay ahaayeen 240.

Maxaa lagu ciqaabi doonaa askarigii dilay Geroge Floyd?

Askarigii dilay George Floyd oo la xukumay

Xeer-beegti dambi dil ah ku heshay askarigii dilay George Floyd

Dhibbanayaasha qaarkood ayaa sheegay in dharaar cad laga dhacay gaarigooda, dadka qaarna waxaa ku adkaatay inay dukaameystaan amaba ay danahooda kale magaaada ka soo qabsadaan, sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha degmada Hennepin Mike Freeman.

Labada dacwad-ooge ayaa waxaa loo dhiibay shaqooyin u gaar ah, midkood ayaa qaabilsanaan doonaa arrimaha dhalinyarada ay da'doodu ka yar tahay 21-jirka, halka midka kalena uu dadka waaweyn qaabilsanaan doono, iyadoo dembiyadana loo kala saari doono gaari meel yaalla oo la xaday iyo mid qofka wata laga dhacay.

"Waa go'aan wax looga qaban karo aan is leeyahay dadka inta badan dembiyada geysta," ayuu yiri Cabdiraxmaan Mukhtaar oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha dhalinyarada Minnesota.

"Marka la xiro ama dacwaddii lagu soo oogay la qabto waa la soo daayaa, damaanad ayaa lagu sii daayaa, maaddaama uu dembigu yahay dembi baabuur dhicitaan ah bannaanka ayay istaagayaan ilaa ay maxkamad dambe ka imaanayaan, oo dacwadda iyo kiiska si dhab ah loo galayo, taas oo keeneysa inay sii wataan dembiyadii d

12/12/2021





Waxaa maalmahaan baraha bulshada qabsaday khudbadaha dhawr wadaad (Sheikh) ee aad looga yaqaan Soomaaliya ay ku weerarayaan si la garan karo mucaaradka dowladda federaalka, gaar ahaan Midowga Musharrixiinta, kuwaaso ay ku eedeynayaan inay yihiin siyaasin damac qaaday, kana daran Al-Shabaab, inay caqabad ku yihiin wax qabadka dowladda federaalka ee talada haysa, inay yihiin mufsidiin aan aqoonsaneyn qaddarta ilaahey ama inay colaad ay u qabaan Madaxweyne Farmaajo darted ay wadanka burburinayaan. Waxay ku doodayaan in mucaaradka raalli ku ahaadaan takrifalka (hoggaaminta wacan) Madaxweynaha talada haya. Waa olole h**ey u socday, haseyeeshe maalmahaan labo lixaadsaday, wadaado cusubna ku soo biireen.

Wadaada waxay ku eedeynayaan mucaaradka dambi iyo damaca ay galeen ama leeyihiin Farmaajo iyo Fahad.

Culumada waxay iska indhatirayaan dhibaatooyinka faraha badan, dib u dhaca, iyo musuqmaasuqa dalka ka dhacay 5 sano ee la soo dhaafay oo ilaa maanta socda, kana sii daraya, kuwaaso ay mas’uul ka yihiin Farmaajo iyo Fahad iyo taagerayaashooda ajnabiga ah ee Qatar, Eritrea, iyo Ethiopia.

Waxaa la kala saari la’yahay in Culumada aysan aqoon fiican u laheyn nidaamka dowladnimo ee Soomaalidu ku heshiishay ama inay ka soo horjeedaan nidaamkaas ku qeexan dastuurka kmg kuna saleysan shareecada islaamka ama inaysan weli waqti u helin inay akhriyaan dastuurka kmg iyo mabaadi’diisa asaasiga ah.

Waxay aaminsanaa in Culumada qaarkeed ay ka qayb galeen shirarkii lagu ansixiyay dastuurka sannadkii 2012.

Dastuurka wuxuu faraya muwaadiniinta inay ilaaliyaan, indha ku hayaan, la xisaabtan ku hayaan mas’uuliinta xilka loo dhiibay, kuna dhaartay magaca ilaahey inay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka kmg, danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo difaaca diinta islaamka. Culumada waa kuwa laga rabay inay maalin kasta sheegaan qaladaadka iyo xadgudubyada mas’uuliint

Address

Hargeisa

Telephone

+252637247449

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baahiye tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category