Nabaad Guur

Nabaad Guur Democratic of Somaliland protectrate Kusoobiir IRIR samaale Tv oo sii shere garee tvga adaa lehe

Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in maalinta Sabtida ee 11 July si toos ah loo hi...
08/07/2026

Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in maalinta Sabtida ee 11 July si toos ah loo hir gelinayo qaadista cashuurta cusub ee GST taas oo ah cashuur laga qaadayo qof kasta oo wax iibsanaya. Cashuurtan oo qadarkeedu uu yahay 2.5% waa cashuur uu jideeyey xeerka dakhliga guud ee cashuuraha xeer Lr 72/2016.

Waana cashuur laga qaado dalalka adduunka intooda badan.

Su'aashu k**a taagnaa sax ahaanshaha cashuurta waxase dad badani is waydiinayaan cashuurtan waxa lagu qabanayo ee muwaadinka laga qaaday loogu beddelayo?
Tusaale ahaan waddamada waddamada Kenya iyo Ethiopia waxa ay dawladahoodu dadka cashuurtan ugu beddelaan adeegyada nolosha asaasiga u ah sida biyaha, caafimaadka, Laydhka, dhismaha waddooyinka, waxbarashada, shaqo abuurka, daryeelka guud iyo sugidda amniga.

Somaliland cashuurihi h**e ee dadka laga qaadi jirey badanka waxay ku baxaan kharash dawladeed mana jirto wax la sheegi karo oo dadka lagu soo celiyo. Muwaadinku isaga ayaa bixiya kharashka waxbarashadiisa xataa jaamacadaha dawladda, caafimaadka isagaa is debera, shidaalka ganacsatada ayaa jaan goysa mana jiro kab dawladeed, waddooyinka waxa dib qaadhaan looga qaada muwaadinka marka la dhisayo!

Haddii qofku wax geysto sida dil, dhaawac iyo wixii la mid ah isagaa ayaa iska bixiya mana jiro wax kaga soo noqda cashuurtiisa.

Shaqo abuurka dawladdu waa mid aad u yar ama guud ahaanba aan dalka wada gaadhin. Dhallinta looma sameeyo garoomo dawladeed iyo goobo ay ku madadaashaan.

Haddaba cashuurtan cusub maxaa loogu qaban doonaa muwaadinka, maxay kaga duwanaan doontaa cashuurihii h**e ee aan dadka waxba kaga soo noqon jirin?

Haddii dawladda dhaqaale badan oo cashuurtan ka dhalatay uu soo gelayo maxaa muwaadinka bixiyey soo gelaya oo uu dheef ka heli doonaa? Waxbarashada malla kabi doonaa, caafimaadka malla balaadhin doonaa, shaqo abuur malla samayn doonaa? Mise kharash ayay mar kale cashuurtanina noqon doontaa?

Waa su'aalo shacabku is waydiinayaan oo hor taalla xukuumadda una baahan jawaabo maan gal ah oo qancin kara muwaadinka cashuurta lagu soo rogay?

Tusaale Ethiopia Koronto jaban ayuu shacabku helaa, waxbarasho bilaash, caafimaad jaban iyo shidaa jaban oo xukuumadda dhexe kabto .
Haddii shacabka Somalilan oo intooda badan danyar u badan ay shubaan cashuurta ku waajibtay ee iib ma heli doonaan waxyaabo beddel ah oo xukuumaddu u qabanayso ?

Faallo, Gallaydh TV

30/03/2026

Deg Deg :
Ciidanka dowaldda Federalka Soomaaliya oo qabsaday xaafadda Suuqa Xoolaha. E magalada muqdisho

28/03/2026

Somaliland is not a small country, it is bigger than all the following countries:

Middle East
🇧🇭 Bahrain: 765 km²
🇶🇦 Qatar: 11,500 km²
🇱🇧 Lebanon: 10,500 km²
🇰🇼 Kuwait: 17,800 km²
🇮🇱 Israel: 22,000 km²
🇯🇴 Jordan: 89,000 km²
🇦🇪 United Arab Emirates: 83,600 km²

Europe
🇬🇷 Greece: 132,000 km²
🇧🇬 Bulgaria: 111,000 km²
🇮🇸 Iceland: 103,000 km²
🇭🇺 Hungary: 93,000 km²
🇵🇹 Portugal: 92,000 km²
🇦🇹 Austria: 84,000 km²
🇨🇿 Czechia: 79,000 km²
🇮🇪 Ireland: 70,000 km²

Africa
🇩🇯 Djibouti: 23,000 km²
🇪🇷 Eritrea: 117,000 km²
🇧🇯 Benin: 114,000 km²
🇲🇼 Malawi: 118,000 km²
🇹🇬 Togo: 57,000 km²
🇸🇱 Sierra Leone: 72,000 km²
🇱🇷 Liberia: 111,000 km²
🇬🇲 Gambia: 11,000 km²
🇬🇼 Guinea-Bissau: 36,000 km²
🇱🇸 Lesotho: 30,000 km²
🇸🇿 Eswatini: 17,000 km²
🇷🇼 Rwanda: 26,000 km²
🇧🇮 Burundi: 28,000 km²
🇨🇻 Cabo Verde: 4,000 km²
🇰🇲 Comoros: 2,200 km²
🇸🇹 São Tomé & Príncipe: 1,000 km²

Asia
🇧🇩 Bangladesh: 148,000 km²
🇳🇵 Nepal: 147,000 km²
🇱🇰 Sri Lanka: 65,600 km²
🇧🇹 Bhutan: 38,000 km²
🇲🇻 Maldives: 300 km²
🇹🇱 Timor-Leste: 15,000 km²
🇧🇳 Brunei: 5,800 km²
🇸🇬 Singapore: 730 km²
🇰🇷 South Korea: 100,000 km²
🇹🇼 Taiwan: 36,000 km²
🇲🇻Maldives: 300 km²

28/03/2026

Baydhabo waa Lagu kala baxay Xassan waa kudaayay😂

XOG:qolkii Mukhtaar roobow xarunta nisa ka daganaa ayaa loo dhaadhicinayaa saacadaha Soo socdo taliyihii h**e ee ciidank...
27/03/2026

XOG:qolkii Mukhtaar roobow xarunta nisa ka daganaa ayaa loo dhaadhicinayaa saacadaha Soo socdo taliyihii h**e ee ciidanka asluubta general shub kadib markii la ogaaday inuu ku baxsan rabay doon taagneyd xeebta jasiira si uu u gaaro Kismaayo,

25/02/2026
25/02/2026

Cheat Sheet

).

06/01/2026

Dumlamaansi aan shaxdiisa la fahmi karin, oo sir leh shaqona haya axyaa abdiraxmaan ictiraaf SILENT KILLER 🤫⚔️

Dawladda Israel ayaa qorsheyneysa inay ku biirto Midowga Afrika, iyadoo ilaa sanadkii 2021 ahayd goobjooge.
06/01/2026

Dawladda Israel ayaa qorsheyneysa inay ku biirto Midowga Afrika, iyadoo ilaa sanadkii 2021 ahayd goobjooge.

Address

Hargeisa

Telephone

+252672018161

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nabaad Guur posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Nabaad Guur:

Shortcuts

Share