Mukhtar Carab

Mukhtar  Carab Cinematographer| Freelancer | Drone operator

18/06/2026

Kalmada sheekh xuseen cali jabouti Ku sali xabiib keena

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐ž๐Ÿ๐ญ๐ข๐ ๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ญ๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐š๐ก ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐š๐ซ๐ฅ๐š๐ฆ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐ฅ (๐Š...
16/06/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐ž๐Ÿ๐ญ๐ข๐ ๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ญ๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐š๐ก ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐š๐ซ๐ฅ๐š๐ฆ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐ฅ (๐Š๐ง๐ž๐ฌ๐ฌ๐ž๐ญ)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Marwada Koowaad ee Qaranka JSL iyo xubnaha weftiga uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho-sharafeed taariikhi ah ku tagay Baarlamaanka dalka Israaโ€™iil (Knesset).

Madaxweynaha waxa halkaasi lagu qaabilay Hab-maamuus dhammaystiran oo leh Haybad Qaran (Guard of Honour), taasi oo ka tarjumaysa heerka maamuuska, ixtiraamka iyo qaddarinta ay Dawladda Israaโ€™iil u hayso Jamhuuriyadda Somaliland, Hoggaankeeda iyo madaxdeeda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu saxeexay Buugga Martida Sharafta ee Madaxda Caalamka ee booqda Knesset-ka, isaga oo ku qoray farriin Qaran oo ka turjumaysa qiimaha dimuqraadiyadda, nabadda, xasilloonida. iskaashiga, saaxiibtinimada iyo xidhiidhka sii kobcaya ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israaโ€™iil, taasi oo faaโ€™iido u leh labada shacab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, isaga oo ka duulaya waayo-aragnimadiisii 12-ka sano ahayd ee uu ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada ka dhexeeya Hayโ€™adaha Sharci-dejinta ee labada dal, taasoo door muhiim ah ka qaadan doonta xoojinta dimuqraadiyadda, Axsaabta Siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si mug leh ugu mahadnaqay Guddoomiyaha (Speaker) Baarlamaanka dalka Israaโ€™iil, Mudane Amir Ohana, Hoggaanka, Mudanayaasha iyo Marwooyinka Aqalka Barlamaanka Israaโ€™iil (Knesset) sida sharafta iyo maamuuska sare leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa.

Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Knesset-ka waxa ay ka mid tahay dhacdooyinka taariikhiga ah ee ka markhaati kacaya doorka sii kordhaya ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay arrimaha gobolka iyo caalamka, iyada oo sii adkaynaysa sumcadda, haybadda iyo muuqaalka wacan ee ay JSL ku leedahay Masraxayada Caalamka.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

[ ๐’๐š๐ฐ๐ข๐ซ๐จ ] :-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Israel  Mr. Gideon Saโ€™ar oo si hab-maamuus leh u soo dhaweeyey Madaxweyn...
15/06/2026

[ ๐’๐š๐ฐ๐ข๐ซ๐จ ] :-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Israel Mr. Gideon Saโ€™ar oo si hab-maamuus leh u soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi

15/06/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo xalay kulan casho iyo is-barasho ah la yeeshay Madaxda Shirkadaha ugu waaweyn dalka Israaโ€™iil, Maal-gashadayaal Caalami ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey aya...
15/06/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa xalay kulan casho iyo is-barasho ah la yeeshay Madaxda Shirkadaha ugu waaweyn dalka Israaโ€™iil, Maal-gashadayaal Caalami ah iyo Hoggaamiyeyaasha Ururrada Ganacsiga ee dalka Israaโ€™iil.

Madaxweynaha iyo xubno ka mid ah weftigiisa ayaa si mug leh uga war bixiyey fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xagga Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanta, Tamarta, Shidaalka, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah u iftiimiyey amniga iyo xasilloonida ka jirta Somaliland iyo goobta istiraatijiga ah ee ay ku taallo, khayraadka dabiiciga ee ku duugan iyo siyaasadaha iyo xeerarka dhiirrigelinaya maal-gashiga shisheeye.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israaโ€™iil, iyada oo la abuurayo xidhiidh iyo fursado wax-ku-ool ah oo labada dhinacba faa'iido u leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ganacsatada iyo maal-gashadayaasha dalka Israaโ€™iil ku boorriyey in ay ka faaโ€™iidaystaan fursadaha ballaadhan ee ka jira Somaliland, isaga oo xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi ku dhisan kalsooni, dano-wadaag iyo hiigsiga horumar wadajir ah.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),

๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Wefti ay hoggaaminayaan Agaasimayaasha Waaxyaha Horumarinta Ganacsiga, Md. Barkhad  Sh Abib Xasan, Tiknoolajiyada (ICT),...
14/06/2026

Wefti ay hoggaaminayaan Agaasimayaasha Waaxyaha Horumarinta Ganacsiga, Md. Barkhad Sh Abib Xasan, Tiknoolajiyada (ICT), Md. Ibraahim Ismaaciil, iyo Agaasimaha Qorshaynta iyo Horumarinta Siyasadda, Md. Cabdisalaam Xasan Mataan, ayaa kulan iyo kormeer shaqo la qaatay wefti ballaadhan oo ka socday UPTURN Social Enterprise.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta mashruuca Casriyeynta iyo Fududeynta Ganacsiga (Trade Digitalization and Single Window), kaas oo ay maalgelinayso World Bank. Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay in la casriyeeyo hababka ganacsiga, laguna kordhiyo hufnaanta adeegyada ganacsi ee dalka. Weftiga martida ah waxaa hoggaaminayey Maamulaha Guud ee UPTURN, Anwar Ali, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Greater Manchester, Kashif Ashraf.

Intii ay booqashadu socotay, weftigu waxay kulan la qaateen madaxda ugu sarreysa ee DP World Berbera iyo Maamulka Zone-ka Dhaqaalaha, iyagoo ka wadahadlay muhiimadda ay leedahay hirgelinta nidaamyada dhijitaalka ah, kuwaas oo fududeyn doona adeegyada ganacsiga, dedejin doona habraacyada maamulka, isla markaana kor u qaadi doona jawiga ganacsi iyo koboca dhaqaalaha Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho rasmi ah oo taarii...
14/06/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho rasmi ah oo taariikhi ah ku tegay dalka Israaโ€™iil, halkaas oo si heer sare ah loogu qaabilay, isla markaana kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Israaโ€™iil, Mudane Isaac Herzog.

Booqashadan oo ah tii ugu miisaanka cuslayd ee ay Somaliland ka fuliso fagaarayaasha diblomaasiyadda ee heer caalami ayaa lagu maamuusay hab-maamuus heer Caalami ah, oo ay ka mid ahaayeen Roogga Cas, salaan-sharafta ciidamada iyo tumista heesta astaanta Qaranka JSL. Sidoo kale, waxa ay noqotay markii ugu horraysay ee Calanka iyo Heesta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah uga dhex muuqdaan munaasibad heerkan ah oo ka dhacaysa Qasriga Madaxtooyada Israaโ€™iil.

Labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wada-hadallo rasmi ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga istiraatijiyadeed iyo danaha wadaagga ah ee Somaliland iyo Israaโ€™iil. Waxa ay sidoo kale si wadajir ah u muujiyeen sida ay uga goโ€™an tahay dhisidda iskaashi ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag, nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Munaasibadda ka dib, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah saxaafadda u jeediyey war-murtiyeed ay ku muujiyeen rabitaankooda ku aaddan xoojinta xidhiidhka labada dhinac, iyaga oo carrabka ku adkeeyey qiyamka ay wadaagaan ee nabadda, xasilloonida, horumarka, dimuqraadiyadda, wada-noolaanshaha iyo iskaashiga waxtarka u leh labada shacab.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dalka Israaโ€™iil ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa ku maamuusay Qado-sharaf Qaran oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Israaโ€™iil, taas oo lagu muujiyey qaddarinta gaarka ah ee loo hayo booqashadan taariikhiga ah iyo muhiimadda ay u leedahay xidhiidhka labada dhinac.

13/06/2026

Ma aamin sani citiraafkaa somaliland ee israil...

๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š, ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Ž๐จ ๐Š๐š ๐–๐š๐๐š ๐‡๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–...
13/06/2026

๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š, ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Ž๐จ ๐Š๐š ๐–๐š๐๐š ๐‡๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐๐š-๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‹๐š๐›๐š๐๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐ง๐š๐œ
โ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ
๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š ๐Ÿ๐Ÿ‘ ๐‰๐ฎ๐ง๐ž, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” (๐–๐Œ&๐‡๐ƒ๐ก) โ€“ Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa, kaas oo lagaga wada hadlay xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda Dawladda, kor-u-qaadista dakhliga dawladda, xoojinta isla xisaabtanka maaliyadeed, iyo horumarinta wada-shaqaynta ka dhaxaysa hayโ€™adaha sharci-dejinta iyo fulinta.

Doodaha iyo is-afgaradka kulanka ka soo baxay ayaa salka ku hayay sidii loo sii adkayn lahaa wada-shaqaynta labada dhinac, loona dardargelin lahaa is-weydaarsiga xogaha muhiimka ah ee la xidhiidha arrimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda Qaranka, si loo taageero hufnaanta maamulka maaliyadeed iyo horumarka dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta xidhiidhka shaqo iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

=๐‘พ๐’‚๐’ƒ๐’Š๐’๐’๐’‚๐’‚๐’‰๐’Š ๐‘ป๐’‚๐’˜๐’‡๐’Š๐’Š๐’’=

๐–๐š๐š๐ฑ๐๐š ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐จ๐ ๐ญ๐š
๐ŸŒ ๐ฌ๐ฅ๐ฆ๐จ๐Ÿ.๐จ๐ซ๐ 
๐Ÿ“ง ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ฌ๐ฅ๐ฆ๐จ๐Ÿ.๐จ๐ซ๐ 
โ˜Ž๏ธ ๐Ÿ—๐Ÿ’๐Ÿ—๐Ÿ’
๐Ÿ“ฑ ๐–๐ก๐š๐ญ๐ฌ๐€๐ฉ๐ฉ: +๐Ÿ๐Ÿ“๐Ÿ ๐Ÿ”๐Ÿ“ ๐Ÿ•๐Ÿ•๐Ÿ ๐Ÿ—๐Ÿ—๐Ÿ—๐Ÿ—

13/06/2026

Xasan Sheekh wuxuu inoo sheegay wixi uurkiisa kujiray iyo hadalo dhagaraysan

Address

Hargysa
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mukhtar Carab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share