Mr sidiiq macalin

Mr sidiiq macalin journalists | content creator | social activities.

23/11/2025

Waraysi: "iskuulku yaanu xabsi noqonin"

18/11/2025

sidee ayaannku dhihi karnaa shaqo doon ayaan ahay baahina ma xalin karo!?

cidda rabta in loo shaqeeyaa baahi ayay haysaa, adna waa inaad xalkeedii haysaa.

08/11/2025

Dareen hooyo u soo joogtay marxaladihii dalkani soo maray.

04/11/2025

Naftaada la tartan.

30/09/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda soomaalilaan iyo shirkii ka dib.

30/09/2025

"Anigu k**a iman soomaliya, anigu waxaan ka imid soomaalilaan"

Amakaag! "Gaaladu wax walba inay tijaabiso ayay isku dayaysaa"Ardayad Jabbaaniis ah ayaa ikhtiraacday rajabeeto “Keeshal...
30/09/2025

Amakaag! "Gaaladu wax walba inay tijaabiso ayay isku dayaysaa"

Ardayad Jabbaaniis ah ayaa ikhtiraacday rajabeeto “Keeshali” leh fingerprint password, taasoo furmaysa oo keliya marka ninka gabadha qaba farta saaro. Hal-abuurkan waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo kalsoonida iyo ilaalinta xiriirka lammaanaha, iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyadda aqoonsiga biometric iyo sidoo kale in looga hor tago falalka kufsiga ah ama galmada qasabka ah.

Sidoo kale, ardayaddan ayaa sheegtay inay soo wado nigis leh fingerprint password, si labada dhinacba loogu sameeyo xal la mid ah. Hal-abuurkan ayaa bulshada dhexdeeda ka dhaliyay dood ku saabsan ammaanka, asturnaanta iyo saameynta ay ku yeelan karto xiriirka lammaanaha.

Maxay kula tahay adiga? 😁😳

10/09/2025

somaliland will be somaliland forever. 💚🤍❤

Tayada mise tirada?Dad badan ayaa ku tartama, oo malahayga ku faan tirada buug ee ay akhriyeen.CABBAAS CAQAAD "seddex bu...
08/09/2025

Tayada mise tirada?

Dad badan ayaa ku tartama, oo malahayga ku faan tirada buug ee ay akhriyeen.
CABBAAS CAQAAD "seddex buug oo wanaagsan oo aad akhridid waxa ka wanaagsan hal buug oo wanaagsan oo aad seddex jeer akhridid" waxa uu CAQAAD ina tusinayaa in muhiimaddu aanay ahayn tirada aad akhriday ee ay tahay tayad!

Waa in aynu qirsanaanaa in marinka ugu qiimaha badan ee buug la akhriyay looga gurto midhihiisa uu ku jirto marinka "ku cecelinta" waa xeeladda tayada xoogga saarta ee qofka ku kalifta in uu si xeel-dheer ugu dhaadhaco buugga uu gacanta u qaado, waxa hubaanti ah oo dhici doonta in marka buug aad h**e u akhriday ku celiso, aad heli doonto xogo mafkii h**e kaa qarsoonaa ama aad ku baraarugto qodobbo aad ilduuftay doorkii h**e, sidoo kalana aad sii ballaadhiso fahamka iyo nuxurka buugga.

Wax u qalma in lagu tookho, oo la isugu faano ma aha tirada buugta qofku akhriyay, balse ta sumcaddu ku jirtaa waa in la ogaado waxa qofka ka qaatay, fahmay ugana kordhay buugga; taasna waxa lagu ogaadaa marinno uu ka mid yahay heerka "ku celcelinta" ee akhristaha.

Hogga-tusaale: #001 Hadalku waxa uu leeyahay afar dariiqo oo uu ku gudbo:1. In qofku hadlo oo la maqlo.2. In qofku hadlo...
06/09/2025

Hogga-tusaale:
#001 Hadalku waxa uu leeyahay afar dariiqo oo uu ku gudbo:

1. In qofku hadlo oo la maqlo.
2. In qofku hadlo oo la dhageysto.
3. In hadalka loo boggo oo lala dhacsanaado.
4. In hadalka uu ku dhaco dhuuxa maskaxda qofka dhageysanaya.

1. In qofku hadlo oo la maqlo – waa hadal keliya la maqlayo, balse saamayn kale ma yeesho.
2. In qofku hadlo oo la dhageysto – waa marka si taxaddar leh loo dhageysto, balse wali saamayn xoog leh kuma yeesho dhageystaha.
3. In hadalka loo boggo oo lala dhacsanaado – waa marka hadalka lagu raaxeysto, la jeclaado ama lala dhacsado, taas oo muujinaysa in uu leeyahay qiime iyo soo jiidasho.
4. In hadalka uu ku dhaco dhuuxa maskaxda qofka dhageysanaya – waa heerka ugu sarreeya, halkaas oo hadalka uu qofka ku qasbo inuu ficil u beddelo oo uu isbedel dhab ah sameeyo.

Haddii hadalkaagu ku ekaado labada dariiqo ee h**e (in la maqlo oo keliya ama in la dhageysto), waxa uu noqdaa khasaaro iyo gudbin aan miro dhalin. Hadalka ugu wanaagsan waa midka qofka ku qasba inuu ficil sameeyo, isbeddel ku keeno, ama noloshiisa wax ku kordhiyo; waana ka afraad.

Haddaba ma haysaa saaxiib hadallo inagu qasba inaynu ficil u bedalno weedhahaas?!

Wabillaahi Tawfiiq.

Meel fog baa laga keenay dalkan Somaliland Suuqii hiliblaha, ShiraaqleHargeysa, 1998
30/08/2025

Meel fog baa laga keenay dalkan Somaliland

Suuqii hiliblaha, Shiraaqle
Hargeysa, 1998

Address

New Hargiesa
Hargeisa

Telephone

+252634299835

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mr sidiiq macalin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mr sidiiq macalin:

Share