06/09/2025
Hogga-tusaale:
#001 Hadalku waxa uu leeyahay afar dariiqo oo uu ku gudbo:
1. In qofku hadlo oo la maqlo.
2. In qofku hadlo oo la dhageysto.
3. In hadalka loo boggo oo lala dhacsanaado.
4. In hadalka uu ku dhaco dhuuxa maskaxda qofka dhageysanaya.
1. In qofku hadlo oo la maqlo – waa hadal keliya la maqlayo, balse saamayn kale ma yeesho.
2. In qofku hadlo oo la dhageysto – waa marka si taxaddar leh loo dhageysto, balse wali saamayn xoog leh kuma yeesho dhageystaha.
3. In hadalka loo boggo oo lala dhacsanaado – waa marka hadalka lagu raaxeysto, la jeclaado ama lala dhacsado, taas oo muujinaysa in uu leeyahay qiime iyo soo jiidasho.
4. In hadalka uu ku dhaco dhuuxa maskaxda qofka dhageysanaya – waa heerka ugu sarreeya, halkaas oo hadalka uu qofka ku qasbo inuu ficil u beddelo oo uu isbedel dhab ah sameeyo.
Haddii hadalkaagu ku ekaado labada dariiqo ee h**e (in la maqlo oo keliya ama in la dhageysto), waxa uu noqdaa khasaaro iyo gudbin aan miro dhalin. Hadalka ugu wanaagsan waa midka qofka ku qasba inuu ficil sameeyo, isbeddel ku keeno, ama noloshiisa wax ku kordhiyo; waana ka afraad.
Haddaba ma haysaa saaxiib hadallo inagu qasba inaynu ficil u bedalno weedhahaas?!
Wabillaahi Tawfiiq.