Miyir Media Group

Miyir Media Group Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Miyir Media Group, Broadcasting & media production company, Road No 1, Hargeisa.

Miyir Media Group is a free impartial Somaliland News Portal, intended for the Somaliland people in the country or in the Diaspora and the Horn of Africa and the world at large as well as other interested individuals and organizations. It is designed to provide reliable up to date news reports, analysis on current issues in political, social and cultural fields

Contract Phone Number: 0634046313

02/05/2025

🖥 Dell Laptops USED Cajiib ah oo kuugu diyaara Gobdoon Tech!
Core i7 | RAM 8GB | Storage 512GB SSD | PRICE 200-300$

Wararka ka imanaaya magaalada Istaanpul ee dalka Turkiga, ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay halkaas...
23/04/2025

Wararka ka imanaaya magaalada Istaanpul ee dalka Turkiga, ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay halkaasi ka dhaceen dhawr dhulgariir oo is-xigxigaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka, Marco Rubio, ayaa baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa caasimada Kenya ee Nair...
23/04/2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka, Marco Rubio, ayaa baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa caasimada Kenya ee Nairobi kadib markii madaxwayne William Ruto uu u safray Shiinaha. Lama ogga sababta ka dambeysa joojinta socdaalka oo qorsheysanaa 28 April 2025.

 : Haweeney ayaa xalay Wiil yar ku dishay deegaan u dhaw magaalada Gaalkacayo ee gobalka Mudug, kadib markii sida la she...
23/04/2025

: Haweeney ayaa xalay Wiil yar ku dishay deegaan u dhaw magaalada Gaalkacayo ee gobalka Mudug, kadib markii sida la sheegay uu ka taabtay mid kamida labadeeda Horaad. Waxaana la sheegay in haweenaydani ay dilka Wiilkan u adeegsatay Toorey.

𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan mu...
23/04/2025

𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan muhiim ah Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Xubnaha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa oo isku dhan.

Ujeedada kulankani waxa ay ahayd is-xog-waraysi la xidhiidha sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha baaxadda leh ee Golaha horyaalla, isla markaana kor loogu qaadi lahaa adeegyada muhiimka u ah bulshada ku nool Caasimadda dalka JSL.

Madaxweynuhu waxa uu Golaha Deegaanka Caasimadda si wadajir ah ugu ammaanay wax-qabadka wax ku oolka ah ee ay fuliyeen afartii sano ee ay xilka hayeen, waxana uu yidhi:

" Waan idinku hambalyeynaynaa shaqada wacan ee aad haysaan Adkaysiga iyo horumarka Hargeysa waxa ay tusaale cad u tahay xamilka iyo niyad adayga dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland."

Madaxwaynuhu waxa uu Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimadda u sheegay in halbeega iyo hal-ku-dhegga Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay tahay Wadajir iyo Waxqabad taasoo si cad u qeexaysa mudnaanta ay Xukuumaddu siinayso midnimada iyo is aaminka ummadda JSL meel kasta oo ay ku nool yihiin.

Madaxwaynuhu waxa uu Xildhibaanada Caasimadda kula dardaarmay in ay dar-dar-geliyaan oo ay joogteeyaan kal-fadhiyadoodii caadiga ahaa iyo wada shaqaynta Golaha. Madaxweynuhu waxa uu Xildhibaanada xasuusiyay in kala duwanaanshaha afkaarta (Muxaafid iyo Mucaaridba) iyo doodaha siyaasaddu ay yihiin Quruxda Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaan-gaadhnimada dimuqraadiyadeena.

Ugu dambayntii, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Xildhibaanada Caasimadda hoga tusaaleeyey in ay Caasimaddeenu tartan kula jirto Caasimadaha kale ee Mandaqadda. Sidaa darteed, muuqaalka wacan iyo horumarka ka muuqda Caasimadda JSL waxa uu qayb muhiim ah ka qaadan karaa raadinta Ictiraafka aynu Beesha Caalamka ka doonayno.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

21/04/2025
Wasaaradda Beeraha JSL, ayaa Beeralayda deegaanada Gobolka Daad-madheedh gaadhsiisay Saacado qodaal ah, si ay uga faa'id...
16/04/2025

Wasaaradda Beeraha JSL, ayaa Beeralayda deegaanada Gobolka Daad-madheedh gaadhsiisay Saacado qodaal ah, si ay uga faa'idaystaan Roobabka Gu'ga.

Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha JSL ee Gobolka Daad-madheedh Jamaal Deeq, ayaa kormeeray deegaannada kala ah:- Qaloocato, Galoolay iyo Gatiitalay oo 300 oo qoys oo beeralayda ku dhaqan ka mid ah loo bilaabay qodaalka Beerahooda.

Beeralayda deegaannadaas waxa saacadaha lagu taageeray iska kaashaday Wasaaradda Beeraha iyo Hay'adda WORLD VISSION.
World Vission, ayaa ka mid ah Hay'adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL.

Madaxa Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland
Cabdiqaadir A.Carab.

Al-Shabaab waa ayo?Maalmahan waxaan warbaahinta ku arkaynay masuuliyiin reer Soomaaliya ah oo Shabaab ku calaamadinaya i...
16/04/2025

Al-Shabaab waa ayo?

Maalmahan waxaan warbaahinta ku arkaynay masuuliyiin reer Soomaaliya ah oo Shabaab ku calaamadinaya in ay ka soo jeedaan Somaliland. Hadaba waa ayo Al-Shabaab marka Soomaalida gudaheeda laga hadlayo?

Su'aashaa waxaa ka jawaabay lataliyaha amniga Madaxwayne Xasan Sheekh. Lataliyaha aad idin baro e waa Xuseen Macalin Maxamud oo ahaa agaasimihii h**e Mahcadka HIRAAL, waana ninka ay u aqoonsan yihiin ninka ugu khibrada badan arimaha argagixisada, waxaana Xasan Sheekh markii uu madaxwaynaha noqday ku bedelay Fahad Yaasiin.

Hadaba waatan caddayntii.
Cilmi baadhis uu sameeyey Machadkaa HIRAAL oo Muqdisho ka dhisan 2018oo uu markaa maamulayey Xuseen Macalin Maxamud, waxay ku ogaadeen isla markaana ay dunida u soo bandhideen warbixin af ingiriisi ku qornayd oo sheegaysay qabaa'ilka Soomaalidu sida ay ugu kala badan yihiin Shabaab Waxayna ahayd.
Qaybta 1aad oo ah hogaanka sare(Executive):
Hawiye 50%
Daarood 20%
Dir 20%
Digil/mirifle 10%
Qaybta 2aad oo warbixintu u bixisay Officials
Hawiye 43%
Daarood 31%
Dir 11%
Digil/mirifke 13%
Others 3%
Qaybta sadexaad waa Amniyaadka waana sidan:
Hawiye 56%
Daarood 22%
Dir 4%
Digil/ mirifle 18%
Qaybta 4aad waa Jabahaadka, waana ciidamada sida HIRAAL lagu sheegay waana sidan:
Hawiye 57%
Daarood 15%
Dir 13%
Digil/mirifle 13%
Others 2%

Qayb kasta waxaa ugu yar DIR oo mararka qaar waa 4% sida aad shaxda ku arkayso. Weliba la soco oo Dirtu ma ta Koonfurbaa? Mata Kililka 5aad baa? ma ta Somaliland baa? mise waa kuli!!!
Marka uu lataliyaha amniga ee Xasan Sheekh iyo dawladooduba sidaa og yihiin, Maxay hadaa Somaliland ugu la soo galgashaan?
Jawaabta h**e ayey u sheegeen oo waxay yidhaahdeen " Shabaab waxaa nagaga xun Somaliland" Sidaa waxaa soo saaray golohooda wasiirada. Marka waxay ku shaqaynayaan Falsadadii shaydaaniga ahayd ee Machiavellian ka ahayd.

Waxay dadwayanaha Koonfurta u samaynayeen cadaw aan ahayn kii dhabta ahaa iyaga oo Shacabka Soomaliland ka dhigayey cadawga 1aad, taasina waxay hiil u ahayd Al-shabaab, waxay dadaal badan gelineen faran aan dagaalba kaga furnayn.
Masuuliyiinta Soomaliya badabkoodu si uun waxay xidhiidho ula soo lahaayeen AS ama maxakmadii, iminkana qaarkood eheladooda ama walaaladood ayaa ka tirsan sida Fiqiga khaarajiga markaa xeeladina way ku jirtaa ay indhaha caalamka iskaga jeedinyaan.

Muuqaalada hoose ee Caddayntii HIRAAL institute eeg.

Waxa qoray Cali Hassan wasiirki h**e ee wasaarada warfaafinta Somaliland

16/04/2025

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo si rasmi ah ugu dhawaaqay In ay laaleen Wada-hadalladii Ka dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

"Alshabaab Ceelasha waa soo dhaafeen waa in la ogaadaa taas,  haddii dalka la qabsanaayo waa in aan u sheeegnaa dadka."—...
16/04/2025

"Alshabaab Ceelasha waa soo dhaafeen waa in la ogaadaa taas, haddii dalka la qabsanaayo waa in aan u sheeegnaa dadka."—Xil.Daahir Amiin Jeesow

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 W𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐀𝐟𝐡𝐞𝐞𝐲𝐧𝐚𝐤 𝐱𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐲𝐚𝐬𝐢𝐧 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐀𝐲𝐚𝐚𝐧𝐥𝐞 𝐨𝐨 ...
16/04/2025

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 W𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐀𝐟𝐡𝐞𝐞𝐲𝐧𝐚𝐤 𝐱𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐲𝐚𝐬𝐢𝐧 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐀𝐲𝐚𝐚𝐧𝐥𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐲 𝐖𝐞𝐡𝐞𝐥𝐢𝐲𝐚𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐛d𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐃𝐮𝐜𝐚𝐚𝐥𝐞(𝐢𝐥𝐤𝐚𝐜𝐚𝐬𝐞) 𝐈𝐲𝐨 lat𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡a 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐁𝐮𝐥𝐛𝐮𝐥 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐱𝐚 𝐛𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐮𝐱𝐮𝐟𝐢𝐲𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐥𝐣𝐚.

Ujeedada Kulankan ayaa aheyd sidii meel loogaga soo wada jeedsan lahaa qaranimada Somaliland islamarkaa loola socon lahaa isbadalada ka socda geeska Afrika. Waxaanay Wasaaradda iyo ururka Suxufiyiintu isla soo hadal qaadeen in la xoojiyo kulamadan noocan ah si uu u wanaagsanaado xidhiidhka ka dhaxeeyay warbaahinta madax banaan iyo xukuumada gaar ahaan TV-yadda madaxa banaan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Iyo La Taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Saxaafadda Xamse Cali Bulbul Ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wada jir ah loo shaqeeyo si loo gaadho yoolalka uu qaranku higsanayo waxaanu intaa Raaciyeen in xukuumadda cusub iyo Warbaahintu ay si fiican isula jaan qaadeen loona baahan yahay in halkaasi laga sii wado wada shaqaynta. Kulankan ayaa ku soo dhamaaday is afgarad iyo in halkaasi laga sii wado wada shaqaynta u dhaxyasay Wasaaradda iyo warbaahinta madaxa banaan.

Xukuumadda Somaliland, ayaa afduub ku tilmaantay Maxaabiista reer Somaliland ee Laascaanood ku xidhnaa oo 25 ka tirsan s...
16/04/2025

Xukuumadda Somaliland, ayaa afduub ku tilmaantay Maxaabiista reer Somaliland ee Laascaanood ku xidhnaa oo 25 ka tirsan shalay Muqdisho loo qaaday, waxaanay sheegtay inaanay marnaba Soomaaliya ka wadahadal Maxaabiista.

War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland caawa, ayaa sidoo kale lagu sheegay inay Somaliland joojisay in wax wadahadal ah ay la yeelato Soomaaliya, waxaana laga digay dhibaatooyinka ay Soomaaliya la doonayso Somaliland.

War-murtiyeedka Golaha Wasiirrada Somaliland ka soo baxay waxa uu u dhigan yahay sidan:- "Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoomay maanta 16ka Abriil, 2025 waxa uu si adag u cambaareynayaa tallaabadii daandaansiga ahayd ee uu Raysal-wasaaraha Dowladda Soomaaliya ku tagay magaalada Laascaanood 12kii Abriil 2025, taasi oo ahayd xad-gudub ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ka duulaysa qorshaheeda nabadeynta Deegaanka Bariga Sool, waxa ay h**e u iclaamisay baaq nabadeed maalintii uu xilka la wareegayay Madaxweynaha JSL ee 12kii December 2024, waxa aanay mar kale adkaynaysaa in ay nabaddu tahay mudnaanteeda koowaad, iyada oo difaaca qarannimada Somaliland-na ay tahay xuduud lama taabtaan ah.

𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟏𝐚𝐚𝐝 – 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐬𝐢 𝐛𝐮𝐮𝐱𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐚 𝐥𝐞𝐞𝐱𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐣𝐢𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐝𝐚-𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚:
Dawladda Soomaaliya waxa ay si cad uga baxday dariiqii nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka, iyada oo imaatinkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Tallaabadaasi waxa ay ahayd daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed, taas oo si toos ah khatar u gelinaysa xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyada oo lagu tuntay xeerarka caalamiga ah iyo xorriyadda muwaadiniinta Somaliland oo si sharci-darro ah loo afduubay.

𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝 – 𝐈𝐧 𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲 𝐣𝐢𝐫𝐢𝐧 𝐰𝐚𝐱 𝐰𝐚𝐝𝐚-𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐬𝐢𝐢-𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐛𝐢𝐢𝐬𝐭𝐚:
Xukuumadda Somaliland waxa ay si cad u sheegaysaa in aanay jirin wax wada-hadal ah oo Dowladda Soomaaliya kala yeelatay arrimaha la xidhiidha siideynta maxaabiista.
Maxaabiista Raysal-wasaaraha Soomaaliya geeyay magaalada Muqdisho ma aha maxaabiis dagaal (𝐩𝐫𝐢𝐬𝐨𝐧𝐞𝐫𝐬 𝐨𝐟 𝐰𝐚𝐫)
Xukuumadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadaasi inay ahayd mid lagu qarinayo fashilka siyaasiga ah ee haysta Dowladda Soomaaliya.

𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟑𝐚𝐚𝐝 – 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐈𝐬-𝐝𝐡𝐚𝐚𝐟𝐢𝐬𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐛𝐢𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐂𝐑𝐂:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay wada hadallo la yeelatay Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo danjireyaasha dalalka saaxiibka la ah si loo xalliyo arrinta maxaabiista, iyada oo ku saleysan xeerarka iyo hab-raacyada caalamiga ah ee maxaabiista.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay diyaar u tahay in maxaabiista la isu waydaarsado hannaan kasta oo waafaqsan nidaamka isweydaarsiga maxaabiista, bud-dhigna ay u tahay hay’adda ICRC, iyada oo ay Xukuumadda Somaliland h**e ugala hadashay arrimaha maxaabiista wadamada ay saaxiibka yihiin sida Maraykanka, Ingiriiska, Denmark, Turkiga iyo Emirate-ka Carabta.

𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟒𝐚𝐚𝐝 – 𝐁𝐚𝐚𝐪𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐣𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐁𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cod dheer ugu baaqaysaa beesha caalamka in ay si degdeg ah uga falceliso xadgudubyada ay Dowladda Soomaaliya ka geysanayso Deegaanka Bariga Sool ee Somaliland, isla markaana ay taageerto dadaallada Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto soo celinta nabada deegaanka bariga Sool.
Duullaanka qorshaysan ee Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland waxa uu khatar gelinayaa xasilloonida Geeska Afrika, wuxuuna fursad siinayaa kooxaha xagjirka ah iyo argagixisada, taas oo halis weyn ku ah nabadda iyo horumarka gobolka oo dhan.

𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟓𝐚𝐚𝐝: 𝐖𝐚𝐝𝐚-𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚:
Maadaama ay Dawladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xad-gudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo mabaadi’dii wada-hadalladii h**e u dhexmaray labada dal, Golaha Wasiirradu ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go’aamiyeen in laga baxo wada-hadaladii lagu jiray Soomaaliya, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Abriil 16th, 2025.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an difaaca Qaranimadeeda iyo adkaynta madax-bannaanideeda, si aan gorgortan lahayn. 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝."

Address

Road No 1
Hargeisa

Telephone

+252634049023

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Miyir Media Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share